Shirkada Somtel Oo Koobab Gudoonsiisay Ciyaartowdii Ku Guu laysatay
Kaalmaha Kawaad Iyo Wasiirka Ciyaaraha Oo Ka Qayb Galay Xafladaasi

Wasiirku Shihaado Sharaf Gudoonsiiyay Mareeyaha Mabdacada Qaranka
iyo Waliba Shabkada Timac ade News
....Daawo Sawiradda
Hargeisa (TNN)-Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada ciyaaraha iyo
dhaqanka Mudane cabdi Siciid Faahi ye ayaa ka qayb galay Munaasabad
balaadhan oo Shahaado Sharafyo iyo waliba Abaal Marino kale lagu
gudoonsiinayay Dhalinyarada Kubada Cagta iyo kuwa Kolayga
Shihaado Sharafyadan iyo waliba Abaal marinada kale ayaa waxa soo
qaban qaabisay isla markaana gacan waynay ka gaystay Shirkada
isgaadhsiinta ee Somtel. Xafladan lagu gudoonsiinayay Abaal marinta
dhalinyarada ayaa waxa ka soo qaybgalay, Wasiirka wasaarada
Dhalinyarada ciyaaraha iyo Dhaqanka, Mareeyaha Mabdacada Qaranka,
Xildhibaano, Siyaasyiin, Masuuliyiin Sarsarre oo ka socda Shirkada
Somtel, Dhalinyarada Ciyaartow ah, iyo waliba Boqolaal qof oo ka mid
ah Shacabka Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Munaasibadan oo Maanta lagu Qabtay Hotel Summer Time ee Magaalada
Hargeysa ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Mareeyaha Mabdacada Qaranka
Cali Maxamed Raygal, Waxana uu Mareeyuhu u mahadnaqay Shirkada Somtel,
Taasi oo uu ku tilmaamay in ay Qayb libaax leh ka qayb qaadatay
Hirg alinta Koobkan, waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in
Xukuumada Talada haysaa ay horre u balan qaaday sidii dhalinta laguu
abuuri lahaa Shaqo,waxaanu intaasi raaciyay in ay ku talo jiraan
xukuum ad ahaan sidii ay ubilaami lahaayeen in ay horumariyaan
Ciyaaraha kala duwan, taasi oo uu caraba abay in ay xukuumadu
ahmiyada Kowaad Siinayaan Dhalinyarada.
Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah Golaha Wakiilada
somaliland ayaa ka hadlay Munaasi baadsi waxaana uu sheegay in
Xukuumada looga baahan yahay in ay Horumariso balan qaadayadii ay
usamaysay Dhalinta, Waxana uu Xildhibaanku ka codsaday wasiirka
wasaarada Dhalinta iyo Ciya araha iyo waliba Xukuumada in ay
Sameeyaan sidii Dhamaan Garoomada Ciyaaraha ee Gobolada iyo
Degmooyinka oo dhan ee Dalka sidii loogu dhisi lahaa looguna samayn
lahaa dibu habeyn.
Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Somaliland
Mudane cabdi Siciid Faahiye
oo ka hadlay Gabgabadii Xaf ladan ayaa Mahadnaq balaadhan usoo
jeediyay Shirkada Somtel oo Soo qabqaabisay Xafladan, wax ana uu
wasiirku sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Maanta ka soo
qaybgalo gudoonsiinta Koobk an waxana ka mid ahaa hadalkiisii “Waxa
ii farxad ah inaan ka soo qayb galo Gudoonsiinta Koobka Ciyaaraha
Koloyga, aniga oo horre uga qayb galay Markii la bilaabayay
Ciyaartan,Shirkada Somtel waxana ugu mahadnaqayaa Sida wacan ee ay
uga qayb qaadato Dib udhiska iyo waliba Soo qabq aban qaabida
Ciyaarta koloyaga iyada oo Maantana Soo Xidhay “
Gabgabadii Xafaladan ayaa waxa uu Wasiirka Ciyaaruhu uu shihaado
sharafyo iyo waliba Mobilo Gudoonsiiyay Dhalinta Ciyaaraaysay Kubada
koloyga ee Kaalamaha horre ka gashay.
Sidoo kale Waxa uu Wasiirku Shihaado Sharaf Gudoonsiiyay
Mareeyaha
Mabdacada Qaranka iyo w aliba Shabkada Timacade News oo Qaadhaan
ururin u samaysay dib u dhiska dhismaha garoonka
Timacade.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeisa somaliland.
|