Wasiirka Biyaha Oo Booqday Mashruuca Biyo Gelinta
Tog-wajaale

Tog-wajaale, March 2nd, 2012 (TNN)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha
iyo Tamarta Md. Xu seen Cabdi Ducaale iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa
maanta soo kormeeray goobaha biyo galinta laga hirgalinayo ee
degmada Togwajaale.
Weftigan Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta uu
hogaaminayay waxa ku wehelina yay saraakiil ka socda Midowga Yurub,
waxaana sidoo kale ay u kuur galeen baliyada ay ka cabaan dadweynaha
ku dhaqan degmada Tog-wajaale.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta oo la hadlay
odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan degmada Togwajaale, aya sheegay
in ujeedada socdaalkoodu yahay sidii loo dadajin lahaa mashruuca iyo
galinta degmada oo ay maal galinayso Midowga Yurub, waxaanu xusay
wasiirka in dhawaan la bilaabi doono tartanka qandaraaska biyo
galinta degmada Togwajaale, waxaana Wasii rka tilmaamay in waftigiisa
ay ka mid yihiin saraakiil ka socota Midowga Yurub oo indhahooda ku
ar kay halka ay magaaladu ka cabto biyaha oo baliyada oo sababi kara
caafimaad darro.
Wasiirka Macdanta Biyaha waxa uu dadweynaha ku dhaqan degmada
Togwajaale ugu bushaareey ay u sida ugu dhakhso badan loo bilaabi
doono mashruuca biyo galinta degmada, Wakiilka Midowga Yurub u
fadhiya Somaliland Mr. Alberto iyo mas’uulka mashruuca biyo galinta
degmada Tog-waja ale u qaabilsan Midowga Yurub Mr. Bowl Smeth ayaa
sheegay in ay aad ugu xumaadeen markii ay arkeen meesha ay degmadu
ka cabto biyaha, balse nasiib wanaag xafiiska
Guud ee Midowga Yurub
soo fasaxay lacagta biyo gelinta degmada Tog-wajaale, waxaanay
tilmaameen in dhakhso loo bilaa bi doono howlihii biyo gelinta
degmada Tog-wajaale.
Guddoomiyaha Degmada Tog-wajaale Md, Xaashi Maxamed Cabdi iyo qaar ka
mid ah odayaasha de gmada Tog-wajaale, ayaa u mahad caliyey
mas’uuliyiinta Midowga Yurub iyo Wasiirka Wasaaradda Macdanta,
biyaha iyo Tamarta mashruuca wax ku oolka ah ee biyo galinta degmada.
Mashruucan biyo galinta loogu sameynayo degmada Togwajaale ayaa
noqonaya kii ugu horeeyey abid ee laga hir geliyo biyo galin degmada
Togwajaale.
source;so
|