Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Kulamo La Yeeshay Mudan eyaal Ka Tirsan Baarlamaanka Maraykanka

 

 

Washington (TNN)-Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland. Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo soc daal dublamaasiyadeed oo ku wajahan sidii Somaliland loogu heli lahaa aqoonsi caalami ah ku jooga cariga maraykanka ayaa kulamo la yeeshay saraakiil sarsare oo ka tirsan dawlada mar aykanka. Wasiirka arrimaha dibada Somaliland waxa uu kulamadan la yeeshay gudoomiyaha Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada maraykanka Chris Smith oo ka tirsan xisbiga Rep ublican-ka ee imika ka taliya Aqalka Wakiilada, Representative Donald Payne Gudoomiye ku xigeenka Gudida Africa u qaabilsan Aqalka Wakiilada kana tirsan xisbiga Democratic-ga, Rep resentative Keith Ellison oo ka tirsan xisbiga Democratka Dhinaca Aqalka Senate-ka marayka nka waxa uu Dr. Maxamed C/laahi Cumar Wasiirka khaarajiga Somaliland uu kulan la yeeshay Senator Christopher Coons Gudoomiya ha Gudida Africa ee Agalka Senate-ka kana tirsan xis biga Democrat-ka, Senator Johnny Gudoomi ye Xigeenka Gudidaasi kana tirsan xisbiga Republ icanka iyo Senator Mark Kirk oo ah Xubin ka mid a Gudida Ansixinta Kharashka Dawlada Mara ykanka oo ka tirsan xisbiga Republican-ka.

Dhamaanba Xildhibaanadaasi uu la kulmay Wasiirku waxa uu kala hadlay sidii Somaliland loo ga ca awin lahaa dhinacyada Aqoonsiga, Dimuqraadiyada, Nabadgelyada, Dhaqaalaha,shaqo abuurista iyo abaaraha ka jira Somaliland oo saamayn ku yeeshay dadweynaha Somaliland, waxaa ay dham aantoodba masuuliyiintaasi niyadsamaan ka muujiyeen horumarka ay Soma liland ka gaadhay dhi naca nabadgelyada, dimuqraadiyada, iyo la dagaalanka budhcad badee da. Waxay dhinacooda m uujiyeen masuuliyiintaasi inay Somaliland ka caawin doonaan arrim ahaasi uu Wasiirku carabaab ay isla mar ahaantaana ay fari doonaan hay’ada USAID in la kordhiyo mucaawimadii la siin jiray Somaliland.”

 



Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka

Rashiid Gaaruf