Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Shaaciyey inay Hayaan Calaamado Suu rtogal ah oo Muujinaya in Beesha Caalamku ku soo Dhawaanayso Aqoonsiga Somaliland
 


“Su’aashu waxay tahay iminka dalka ugu horreyn doona ictiraafka Somaliland, waxaanuna si xooggan ugu dhiirri  ge linaynaa dalalka Afrika inay noqdaan kuwa ugu horreeya
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar



Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa shaaciyey inay hayaa n calaamado suurto gal ah oo muujinaya in beesha caalamku ku soo dhawaanayso sidii aqoonsi diblomaasiyadeed l oogu fidin lahaa Jamhuuriyadda Somaliland, su’aasha qudha ee la isweydiinayaana tahay dalka ugu horrayn doona ku dhawaaqida iciraafka Somaliland.


Sida lagu faafiyey bogga Internet-ka ee The African Report shalay, waxa uu Dr. Maxamed Cabdillaahi xusay inay si xooggan dalalka Afrikaanka ah ugu dhiirri gelinayaan inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee ku dhawaaqa aqoonsiga Somaliland, isagoo tilmaamay in ictiraafka Somaliland aannu ka horimanayn axdiga u dejisan dalalka Midowga Afrika.


Somaliland waxay noqon doontaa dalka kalee Afrikaanka ah ee la aqoonsaddo ee Koonfurta Suudaan ku xigta. Somaliland waa dal iskii u dhismay oo sannado badan burbursanaa, waxaannu ku dhismay cashuurta dadka laga uru riyo. Waxaannu leenahay kayd badan oo shidaal iyo gaas ah, kuwaasoo ganacsi ahaan xaddi badan loo heli karo. Waxaannu leenahay dekedo ganacsi. Waxaannu nahay marinka dalal badan oo ku yaal Geeska iyo bariga Afrika, mar kaa qaddiyadda Koonfurta Suudaan waxay daaha ka rogtay in dalal kaloo Afrikaan ah soo bixi karaan. Qaddiyadda Somaliland kama horimanayso axdiga u yaal Midowga Afrika,” ayuu yidhi wasiirka oo sharraxaad ka bixinayey furs adaha Somaliland u sahlaya inay aqoonsi ka hesho beesha caalamka.



Waxa kaloo Dr. Maxamed Cabdillaahi sheegay in Somaliland si xooggan u wado olole beesha caalamka aqoonsi lagaga heli karo, “Waannu la hadlaynaa dalalka Midowga Afrika, dalalka qaaradda Yurub iyo Maraykanka. Waxaannu si xoo ggan ugu ololaynaynaa aqoonsiga Somaliland, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, waxaanan haynaa calaama do suurtogal ah oo muujinaya in beesha caalamku ku soo dhawaanayso aqoonsiga Somaliland, su’aashuna waxay ta hay iminka dalka ugu horreyn doona ictiraafka Somaliland, waxaanuna si xooggan ugu dhiirirgelinaynaa dalalka Afri ka inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee ku dhawaaqa aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlayey suurtogalnimada aqoonsiga beesha caalamka ee la xidhiidha qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland.

 


Source:Jam