Wasiirka Arimaha Dibada oo kulamadiisii Washington ku soo
gebo-gebeeyey Muxaadaro uu ka jeediyey Jaamacada wayn ee Howard
University iyo Kulan uu la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Degen
Maraykanka.
Jaamacada Howard ayaa iyana dhinaceeda balan qaaday inay la
shaqaynayso Jamhuuriy ad da Somaliland
Washington-DC (TNN)-Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee
Jamhuuriyadda Somalila nd Dr. Maxamed C/llahi Cumar oo in mudo ah ku
joogay socdaal Diplomaasiyadeed Cariga Maraykanka ay aa Kulamadiisii
ku soo gabo-gabeeyey Muxaadaro uu ka jeediyey Jaamacadda Howard
University oo ah Jaamacada ugu wayn ee African Amerikanku leeyihiin,
kulankaas waxaa ka soo qayb galay Bareyaal sar e iyo Ardayda iyo
dadwayne kale oo xiiseeya Arrimaha Somaliland. Dadkii Madashaasi ka
soo qayb-galay ayaa wax badan ka bartay Jamhuuriyada Somaliland iyo
Guulaha ay ka gaadhay Dhismaha Dawladnimo i yo Horumarka ay ka
gaadhay dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabadgalyada iyo
Iskaashiga Caalami ga ahba.
Jaamacada Howard ayaa iyana dhinaceeda balan qaaday inay la
shaqaynayso Jamhuuriyadda Somalila nd waxanya sheegtay inay ogolaatay
laba arday oo diyaarinaya Shahaadada sare ee PHD in ay ku
takh asusaan barashada Wadanka Somaliland.
Dhinaca kale Wasiirku waxa uu kula kulmay Jaaliyada Somaliland ee
Washington DC, Shirkan oo ay Jaaliy adu ku xogwaraysatay Wasiirka
ayaa taabanayay Xaalada wadanka, guulaha iyo Dhibaatooyinka jiraba,
waxaaanu wasiirku uga xog waramay ujeedada Safarkiisa uu ku yimid
Maraykanka.
Safarkan Wasiirku ku tagay Cariga Maraykan ayaa ahaa kii ugu
horeeyey inta xukuumada uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) hogaamiyo xilka ay haysay, waxaanu qayb ka
yah ay Dadaalka ay Xukuumadu ugu jirto ka midho dhalinta Himilada
Shacabka Somaliland iyo Xaqiijinta Ictira af buuxa oo ay Jamhuuriyada
Somaliland ka hesho Quruumaha Aduunka.
Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Maraykanka.
Rashid Nur
|