“Socdaalkii Madaxwaynaha Ee Dalalka Khaliijku Waxa Uu Jabiyey Gidaarkii Inagaga Xidhnaa Walaalaheena, TFG-duna Waxay U Arkayeen In Sharaftii S/Land Sare U Kacday”

Wasiirka Khaarajiga Dr. Maxamed C/Laahi Cumar
 

 


Hargeysa, May 3, 2011 (TNN) – Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay in socdaalkii Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminayey ay ku tageen Imaaraadka iyo Kuwait ay aad uga xumaadeen Madaxda dawladda taagta daran ee Sheekh Shariif, isla markaana ay arkeen meeqaamka ay gaadhay sumcada Somaliland ay ka kasbatay dawladaha Carabta oo markii hore aanu xidhiidh wanaagsani ka dhaxaynin iyo beesha caalam kaba.

Wasiirka khaarajiga Dr Maxamed C/laahi waxa uu sidoo kale tilmaamay in socdaalkii waftigii madaxwayne Siilaanyo ay ku tageen Imaaraadka iyo Kuwait uu jabiyey dayr dheer oo Somaliland kaga xidhnaa muddo dheer wax la qabsiga dawladaha Carabta.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Imaaraadka iyo Kuwait ay diyaar u yihiin inay Somaliland si wayn uga taageeraan oo ay balanqaadeen inay ka hirgalin doonaan wadooyin waawayn oo isku xidha magaalooyinka waawayn ee dalka, biyo xidheeno iyo mashaariic kale oo horumarineed.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi khaas ah oo uu Wargeyska Haatuf ku siiyey Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ugu horayna isag oo ka warbixinaya safarkii waftigii Madaxwaynaha ee Imaaraadka iyo Kuwait, waxa uu yidhi “Socdaalkii dalalka Khaliijka ugu ambabaxeen waftigii uu hogaaminayey Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland Ax med Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ahaa mid taariikhi ah oo run ahaantii waji cusub u furay xidhiidhka Somaliland iyo dawladaha carabta oo aan wakhtiyadii hore wanaagsanayn, taasina waa balan qaadadii xukuumada cusub in la wanaajiyo xidhiidhka lala yeelanayo dawladaha carabta oo runtii dano badani iskaga keen xidhan yihiin. Socdaalkani waxa kale oo uu ahaa safarkii ugu horeeyey ee xukuumad da cusubi ku tagto wadamada Carabta, socdaalkii waftiga Madaxwaynuhu hogaaminayey ee dawladaha Khaliijku waxa uu jabiyey gidaarkii inagaga xidhnaa walaalaheena carabta, marka laga hadlayo xaga siyaasada iyo xaga iskaashigaba, safarkan madaxda Somaliland ku tageen Imaaraadka iyo Kuwait waxa seeska loo soo dhigay xidhiidh iskaashi oo dhinacyo badan leh”.

Waxa uu intaa ku daray mar uu ka hadlayey waxyaabaha uga soo qabsoomay dalalkaas, waxa uu yidhi “Waxa kale oo noo suurta galay is-kaashi dhinaca wax qabadka ah, kaas oo ay noo balan qaadeen inay waxyaabo badan wax inagala qaban doonaan, waxa kale oo jira sidii uu madaxwaynaha Somaliland Axm ed Maxamed Maxamuud Siilaanyo codsiyo ay xukuumadu u gud-bisay oo la xidhiidha baahiyaha qaranka Somaliland ee u badan sidii ceelal biyood dalka loogu samayn lahaa, oo leh sidii biyo xidheeno loogu sam ayn lahaa, isla markaana wadooyin waawayn looga hirgalin lahaa wadooyin waawayn oo isku xidha gob olada dalka arimahaas ayaa ka mid ahaa waxyaabihii aanu ka wada hadalnay labada dawladood ee Ima araadka iyo Khaliijka”.

S: Maxaa sababay ayaad u malaynaysaa isbadalka wayn ee xidhiidhka Somaliland iyo dawladaha Carabta ee keenay in Si Heer Sare Ah la idinkaga soo dhaweeyey dalalka Imaaraadka iyo Kuwait?

J: Waxaan is leeyahay dhawr arimood ayaa u sabab ah isbadalkaa ku yimid xidhiidhka Somaliland iyo dawladaha Khaliijka, ka koowaad waa horumarkan iyo kala danbaynta sida wayn uga hano qaaday dalka, kaas oo ay shacbiga Somaliland iyo xukuumaddu-ba si wada jir ah uga wada shaqeeyeen, horumarkaas oo ah runtii mid aanay cidina iska indho tirayn oo ay carabta iyo caalamkuba si wada jir ah u soo wada dhaweeyeen, mida kalena waxaan u arkaa inay tahay arimo badan oo laga filayo xukuumaddan cusub ee Somaliland, taas oo ah marka laga hadlayo xaga nabad galyada iyo budh-cadbadeeda oo runtii saamayn wayn ku leh mandaqada oo dhan ilaa carabta, taas oo laga filayo dawlada Somaliland in ay kaalin wayn oo wax ku ool ah ka qaadan karto arimahaas, waxa kale oo ka mid ah diyaar garawga xukuumad ahaan aanu u diyaar garawnay safarkan oo aanu in mudo ah ka shaqaynaynay sidii aanu caalamka carabta u dhexgali lahayn, taas oo aanu la kaashanay saaxiib badan oo aanu leenahay.

S: Mashaariicdan aad sheegtay ee ay idiin ogolaadeen Imaaraadka iyo Kuwait goorma ayey wajigooda koowaad dalka ka hirgalinayaan?

J: Run ahaantii wakhti may qaban ay ku fulayaan mashaariicdan dhinaca gar-gaarka ah ee ay inagu caawinayaan, waxaanse is-leeyahay sanadkan gudihiisa waxa bilaabmi doona horaanta mashaariicda horumarineed ee labada dawladood inagu caawinayaan inta aanu sanadkani dhamaan Insha Allaah.

S: Labadan dawladood ee Kuwait iyo Imaaraadka Carabta ma mashaariic oo kaliya ayaad kala hadasheen mise arimaha ictiraafka Somaliland-na waad la soo qaadeen?

J: Mar kasta waxa ka go’an xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo madaxwayne Axmed Siilaanyo arinta qadiyada Somaliland iyo sidii ay beesha caalamka uga mid noqon lahayd, albaab walbana waanu u garaacaynaa arintaas, waxa aynu ognahay halka ay wadamada carabta qadiyada Somaliland ka taagnaayeen, waxase anaga noo guul ah inaanu helnay fursad aanu ku sharaxno rabitaanka iyo qadiyada ummada Somaliland, isla markaana in ay Somaliland rabto inay caalamka dhaqaale iyo maalgashiba ka rabto, maadaama oo ay tahay qaran madax-banaan.

S: Maxa ka jira wararka sheegaya in wasiirka khaarajiga Sheekh Shariif Maxamed Oomaar in uu ku sugnaa dalka Imaaraadka, isla markaana ay aad uga cadhoodeen Protocal-ka heerkaas leeg ee lagu soo dhaweeyey waftigiinii, arintaas maxaad ka odhan lahayd?

J: Dalka Kuwait may joogin wafti ka socda dhinaca maamulka TFG-ga, laakiin dalka Imaaraadka carabta way ku sugnaayeen, waxaanay halkaas u joogeen ka qayb galka shirkii lagaga hadlayey budhcad baddeeda, kaas oo dawladaha caalamka intooda badani isku yimaadeen, shirkaas oo Somaliland casuumad rasmiya ay kaga qayb gashay ayaa iyagana lagu casuumay. Markaa anaga arintaasi wax saamayn ah oo ay nagu yeelatay may jirin.

S: Waxa jira warar sheegaya in xataa tilifoono la idinka soo daba diray, kaas oo ay dawlada Sheekh Shariif aad uga xumaatay meeqaamka soo dhawayneed ee aad kala kulanteen dawladahaas, arintaas saw ma jirto?

J: Sida muuqata maamulka TFG-gu waa uu u arkayey martiqaadada rasmiga ah ee Somaliland ka hesho shirarka caalamka, haday tahay kii London iyo haday tahay kii Imaaraadka iyo haday tahay kan Kuwait-ba, waxay u arkayaan in sharaftii (Stages) ay Somaliland caalamka ku lahayd ay sare u kacday, arintaasina waa arin aanaan cidna u dabo fadhiisanayn oo ah himilada shacbigayaga, isla markaana ka turjumaysa wixii lagu doortay xukuumada cusub ee uu hogaaminayo madaxwayne Axmed Siilaanyo.

S: Maxaad ugu danbayn shacbiga reer Somaliland ee aan arimahan sida tooska ah ula socon aad kaga kordhinaysaa inuu u soo kordhiyey safarkan madaxwayne Siilaanyo iyo waftigiisu ay iskaga gudbeen Imaaraadka iyo Khaliijka?

J: Waxaan leeyahay shacbiga reer Somaliland ee sharafta badan, isla markaana horumarka jecel maanta waxaynu maraynaa halkii ugu saraysay ee aynu abid gaadhno, markaa dadaalkiina halkaa ka sii wada, anaguna waxaad noo igmateen waxaanu idiin balan qaadaynaa inaanan ka caajisin ilaa ay Somaliland ku guulaysato inay ka mid noqoto wadamada caalamka oo ay aqoosni buuxa ka hesho bulsho waynta caalamka, safarkana waxaan ku sifayn lahaa mid ka mid ah guulihii ugu taariikhi sanaa ee Somaliland, maadaama oo waxyaabo baahi wayni inoo haysay la inagaga caawinayo. Waxa kale oo aan shacbiga ku dhiiri galinayaa in mar walba horumarka iyo wax la qabsiga beesha caalamku uu inoo sii dhawaynayo dhinaca aqoonsiga, ogaadana in dal aan horumar iyo wax qabsi buuxa la iman inaanay waxba u hogaagayn, guul iyo gobonimo ayaan ummada Somaliland meelkasta oo ay joogaan u rajaynayaa.

 

Source: Haatuf