Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaadhiga Caalamiga ee  Somal iland, Dr. / Professor Maxamed Cabdillahi Cumar ,oo Dalka dib ugu soo laabtay

 

 

Waxaan kulan wada yeelanay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Ethiopia ,Mr. Berhane Gebrekrist os iyo ..........


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  ee Somaliland, Dr. / Pro fessor  Maxamed Cabdilaahi Cumar , ayaa Dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markuu  hawl shaqo ug u maqnaa Dalka Ethiopia.

Dr. / Professor  Maxamed Cabdilaahi Cumar , oo  saxaafada la hadlayna,waxaa uu yidhi:

“Socdaalkaygii Itoobiya waxa u jeedada ugu weyni ay ahayd inaanu kulamo la yeelano madaxda It oo biya oo aanaan mudadii uu Raysal Wasaaraha cusub Haile Mariam Desalegn la dhaariyay, aana an wax shirar ah la yeelan. Sidaasi darteed waxaan la kulmay Wasiirka cusub ee Khaarajiga Itoobi ya Mr. Berh ane Gebrekristos.

Waxaanu Wasiirka Khaarajiga isku waafaqnay in la sii xoojiyo xidhiidhka labada dal, gaar ahaan isk aa shiga dhinaca Ammaanka, Siyaasadda iyo Ganacsiga. Waxaanu faaqidnay sidii cilaaqaadka Gana csigu u noqon lahaa mid labada dalba midba wax ka tagaan oo isweydaar ah.
 

Waxaa sidoo kale  intii aan joogay caasimada Dalka Ethiopa ee Addis Ababa,aan kula kulmay qaar ka mid ah Danjirayaasha wadamada Reer Galbeedka,oo aan war bixin ka siiyey  xaalada guud ee Somaliland iyo doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomi doona."
 



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland