“Xeerarka dalka u yaalla waxa ka mid ah inaanu yeelan inka badan saddex Xisbi” Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar


 


London, (TNN)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ka hadlay si da uu u arko natiijada ka soo baxday Golaha Wakiillada oo shalay si rismiya ugu dhawaaqay in la fu ro ururrada siyaa sadda, isla markaana ansixyey Xeerka ururrada oo dhawaan uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u gu dbiyey. Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xalay waraysi siiyey Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko furashada ururrada maaddaama oo shalay ay Xeerka Uru rrada siyaasad da ansixiyeen Wakiilladu, waxaanu Wasiirku ku jawaabay oo yidhi; “Arrinta Xisbiyada ama furashada ururrada siyaas iga ahi waxay ahayd dood siyaasadeed oo dalkaba muddo ka tagnayd, Xisbiga KULMIYE-na markii uu tartanka Madax weynennimada ku jiray ballan-qaaday hadduu guulaysto inuu ururrada siyaasadda furi doono.

Waxay ka mid ahayd arrimihii ugu waaweynaa ee uu bulshada Somaliland u soo bandhigay, waxaanay siyaasadda xis bigu ahayd in laga shaqeeyo ka qaybgalka siyaasaddu inay noqoto mid furan oo aanay noqon mid xidhan.” Maxamed Cabdilaahi Cumar “Markii Xisbigu talada dalka ku guulaystay wuxuu talo Qaran dhexdhigay shacabka reer Somaliland waxaanu shacabka intiisii badnayd isku raacay in la furo ka qaybqalka siyaasadda, arrintaasi waxay ka turjumaysay dareenka iyo rabitaanka shacabka Somaliland iyo dhismaha dimuquraaddiyadda intaba.” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Cabdillaahi. Wasiirka la weydiiyey farsamada ay u shaqaynayso arrinta ururradu, wuxuu ku jawaabay; “Waxay u sha qaynaysaa Xeerarka dalka waxa ka mid ah inaanu dalku yeelaan in ka badan saddex xisbi markiiba.

 Hase-yeeshe aan ay saddexda xisbi noqon xisbiyo taagan kaligood.” “Laakiin ka qaybgalka iyo tartanku in marka la joogo muddaba la f uro, waxaana maanta (shalay) soo baxay xeer ay ansixiyeen golaha wakiillada ee Somaliland oo qeexaya in doorasho oyinka deegaanka ee soo socda oo la filayo sannadka socda horraantiisa inay dalka ka dhacan, inta ka horreysa in Xisbiyada la diiwaangeliyo ururrada siyaasadda oo ay tartamaan saddexda ugu sarreeyaa ay noqdaan iyada oo lagu darayo kuwa immika jiraaba saddex xisbi oo qaran oo dalku yeesho.” Mar wax laga weydiiyay Wasiirka arrimaha dibe dda waxa la isku qiimaynayo Xisbi ahaan waxa uu ku jawaabay; “Shacabka reer Somaliland sidii horeba lagu yaqaa nay waxay wax ku dooranayaan waxa weeye ururro siyaasadeed ama axsaab siyaasadeed oo dalka guud ahaanba taageero ka wada haysta.

Marka hore wax-tar iyo barnaamij siyaasadeed oo dalka wax ka beddeli kara leh, oo Dad miisaan culus oo siyaasadeed oo ummadda iyo dalka iyo cidkasta ay ku kalsoonaan karto ay hoggaankiisa iyo hawlihi isa gacanta ku hayaan.” Sidoo kale, Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo ka jawaabyey su’aal laga weydiiyey Xafiis Hargeysa ku yaallay oo la sheegay in laga bixin jiray Baasaabboorka dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya oo ay dadka hawsha wada ku jireen qaar ka mid ah Xukuumadda Somaliland, waxa uu yidhi; “Arrintaasi, arrin ay Xuk uumadda Somaliland horena wax uga ogayd gacanna ku leedahay maaha, waana la caddeeyey arrintaas oo dawlad du way ka hadashay. Dawladdayadu waxay ogashahay Baasaabboorka qudha ee Somaliland laga bixin karo in shacab ka reer Somaliland ay qaadan karaan waxa weeye baasaboorka Jambuuriyadda Somaliland.

Source :BBC/Ogaal