Xisbiga UDUB
Ref:- UDUB/Xg/F-1-1940 Date: 02/12/09
 


Warsaxaafadeed:


Ujeedo:- Beenin


Waxaa ku soo baxay wargayska saxansaxo cadadkiisa 793 ee 01/12/09 in Xisbiga UDUB jawaab ka bixiyey hadalkii Cismaan Hindi.

Hadaba, waxaan jecelahay in aan shacabka reer Somaliland iyo saxaafadaba u  cad eeyo inaanay jirin warkaa uu wargaysku qoray ee ah inaanu mawqif cad iska taagi doono warna ka soo saari doono hadalkii Cismaan Hindi, mana jirin ballan qaad aan ka siinay Xisbiga Kulmiye arrintaa.

Waxaana la wada og yahay in Xisbiga Kulmiye caado u isaga leeyahay sidaad  hore ba uga maqli jirteen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo: Madaxweynaha wax wada shaqayn ah yeelan mayno iyo Cismaan Hindi oo fadhiya saxeexi maayo heshiis.

Tanuna waxaanu u aragnaa tii oo kale oo lamaanu yaabin Cismaan Hindi la shaqayn maynada ay leeyihiin, balse waxaan waydiinayaa wargayska saxansaxo mar  hada anu goob joog ahayn warka uu siiyey Xisbiga Kulmiye inuu hubiyo oo na soo  wayd iiyo inay sidaasi jirtay miyaanay ahayn?.

Mida kale “ilo xogogaal ah baa ii xaqiijiyey” ma ateero lagu gabadaa oo laga hoos galo eeda? Intaad Xoghayaha Kulmiye ka xaqiijinaysay ana lahaa inaad iga xaqiijiso maadaama aad aniga iga qoraysay.

Gababadii, saxaafada waxaan leeyahay war dhinac ah walaal ha qorina, Xisbiga  Ku lmiyena waxaan u sheegayaa in Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) uu yahay masuul xil culus u haya Xisbiga UDUB hawl-gudashadiisana aanu rukhsad uga  baa hnayn Xisbiga Kulmiye.

 


Alla Mahad Leh

Jaamac Yaasiin Faarax
Xoghayaha Guud Xisbiga UDUB