War saxaafadeed

 



Xisbiga Dimoqraadiga Ummada Bahowday

Xafiiska Siyaasada

Ref: UDUB/f-12/10 Date: 01/11/10



Waxa maanta wadanka soo gaadhay wefdi ka socad Wasaarada arrimaha Dibada ee Dawlada Sweden, qaybta qaabilsan Africa oo ay hogaaminayso Ambassador Marika Fahlen ahna ergey khaas ah. ( Ambassodor and special envoy).


Wefdiga waxa uu maanta galenkii danbe kula kulmay Hotelka Ambassador madax ka socotey Xisbiga UDUB, halkaas oo ay ka wada hadleen wefdiga arrimo khuseeya xaalada guud ee dalku ku sugan yahay, iyada oo la galay marxalad cusub.


Wefdiga oo hadalkiisa bilaabay ayaa sheegay inay u socdaan sidii ay somaliland wax ula qaban lahaayeen, mar xalada cusub ee dalku galayna wax uga ogaan lahaayeen.


Mar aanu wax ka weydiinay bal inay wax qabad la socdaan ayay sheegeen inay u yimaadeen inay helaan xog, dhegystaana madaxda dalka, xisbiyada iyo ururada bulshadaba. Waxay intaa ku dareen inay la iman doonaan qorshe sugan marka ay helaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta wadanka Somaliland.


Wafdiga waxanu uga waranay xaalada guud ee dalka iyo in loo baahan in beesha caalamku gacan ka geysato horumarinta dalka, adkeynta nabad gelyada iyo xaqiijinta, kor u qaadida Demoqraadiyada wadanka.
 

Waxanu kale oo sheegnay in Xisbiga UDUB ka tegey wax yaabo badan oo lagu xusuusan doono, sida hirgelinta demoqraadiyada, nabad gelyada, waxbarashada, dhismaha dawladnimo.


Waxa kale oo Xisbiga UDUB lagu xusuusan doonaa xidhiidhka wanaagsan ee Somaliland la lahayd beesha caalamka, gaar ahaan wadamada jaarka.


Waxanu kale oo xaqiijinay in awooda shacabku codkooda ku bedeli karaan hogaanka ay dooranayaan, taas oo uu xaqiijiyey Xisbiga UDUB oo si hufan u aqbalay natiijada doorashada, maamulkiina u weejiyey si hufan oo aan turxaan lahayn.

 

 



Cumar Jaamac faarax

Guddomiyaha Gudiga Siyaasada ee Xisbiga UDUB.