Warsaxaafadeed

 

 

Date:January 8 , 2011


Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta  Xafiis kiisa ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socda Dalka Sucuudiga. Weftigan oo ka Kooban 5 Xubno od Dalkana soo gaadhay shalay (Jimcihii) ,waxa ay saaka Madaxweynaha kulan saacado qaatay kula yeesheen Qasriga Madaxtooyada.

Weftiga oo ujeedda socdaalkoodu yahay in ay Dalka Maalgashi ku sameeyaan oo ay Dawlada So maliland xidhiidh Ganacsi la yeeshan ,gaar ahaan dhinacyada Shiidaalka.

Dalkana ay gacan ka gaystaan wax soo saarkiisa madaama oo bay yidhaahdeen Dalkani uu ku  t alaabsaday talaabo wax ku ool ah oo u baahan in laga taageero dhinacyada wax soo saarka si ay uga mid noqdaan wadamada aadka u danaynaya inay Somaliland la yeeshan Xidhidh noocan oo kale ah.

Madaxweynuhu wuxuu weftigan uga waramay xaaladda Guud ee dalka gaar ahaan dhinaca  Gan acsiga waxaanu kusoo dhaweeyey weftiga fikradooda ah inay Somaliland La yeeshaan Xidhidh ganacsi taas oo uu madaxweynuhu u balan qaaday inay gacmo furan ku soo dhawaynayaan wa xna la qabanayaan cidkasta oo dalkan maalgashi iyo wax soo saarba ka damacsan gaar ahaan dhanka ganacsiga.

Gebagebadii Madaxweynuhu waxa uu weftiga uga waramay xaalada ganacsi ee Dalku maraayo taasi oo uu u sheegay inay tahay mid ay Reer Somaliland iyagu ay is gaadhsiyeen heerkaa ay M aanta taagan yihiin waxaana Tusaale idinku Filan ayuu yidhi madaxweynuhu in ay Maanta   Caal amku Danaynayaan Xidhidh ay Dalka la Yeeshan.

 



ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL