War-saxaafadeed UCID IYO KULMIYE Date:
18 JANUARY 2009
Fadhi deg deg ah oo madaxda
sare ee labada xisbi qaran UCID IYO KULMIYE isaga yimaadeen maanta
oo ay taariikhdu tahay 18/1/2010 oo ay isla qaadaa dhigeen xaalada
guud ee dalku maraayo gaar ahaan khilaafkan kazoo laba kacleeyay
Golaha Guurtida taasoo ula muuqata in ay caqabad ku noqonayso
geedisodkii dimuqraadiyada iyo doorashada madaxtooyada ee qab
anqaabadeeda lagu gudo jiro, waxay Dood iyo falaynqayn dheer ka dib
ay isla qaateen qodob adan hoos ku qoran:
1. Khilaafka ka dhex aloosmay Golaha Guurtida wuxuu khalkhal
galinayaa geedisocdkii doorashada madaxtooyada.
2. Waxaanu aad ula yaabanahay kana soo horjeednaa ciidamada la
dhoobay goloyaasha iyada oo aan wax dhibaata ah iyo nabadgalyo xumi
ahi aanay jirin ayna hawshoodii caadiga ahayd wataan.
3. Waxaanu ka war helnay inuu Taliyaha Bilaysku diiday qoraalkii uu
Gudoomiyaha Guurtidu kaga dalbanaayay in uu ciidanka ka dul qaado
golaha,taasoo meelka dhac ku ah habmaamuuska qaranka ee distooriga
ah ,sababta oo ah Gudoomiyaha Golaha Guurtidu waa shakhsiga labaad
maamuus ahaan ee madaxweynaha ku xiga.
4. Waxaanu aad u canbaaraynaynaa fidmada iyo xaalad abuurka laga
faafinaayo warbaahinta qaranka ,waxaase nasiib darro ah oo curfiga
dawladnimo ka soo hor jeeda in warbaahinta qaranka laga aflagaadeeyo
madaxda qaranka ee ay ka mid yihiin gudoomiyayaasha goloyaasha
sharci dajinta iyo madaxda axsaabta qaranka.
Talo soo jeedin
(a) Waxaanu usoo jeedinaynaa golaha guurtida gaar ahaan shirgudoonka
guurtida in ay si odaynimo oo degen u dhamaystaan khilaafkaa ka dhex
oogmay oo aanay dalka u horseedin khilaaf siyaasadeed oo hor leh iyo
kala qaybsanaan.
(b) Labada xisbi ee UCID IYO KULMIYE waxay diyaar u yihiin inay si
muwaadinimo ah oo danta qaranku ku jirto uga qayb qaataan isu soo
dhawaynta golaha guurtida.
Wa Billaahi tawfiiq,
GUD/XIGEENKA 1AAD ,AHANA GUD/XIGEENKA 1AAD, AHANA
KUSIMAHA GUD. XISBIGA UCID KUSIMAHA GUD. XISBIGA KULMIYE
Md,AADAN MAXAMED MIRE WAQAF MD,MUUSE BIIXI CABDI
Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland, Hargeysa
|