War Saxaafadeed

 

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL


Date: 30/10/2010



Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Maanta Guddi heer qaran ah u magacaabay Tayeynta Billicda Caasimada Dalka ee Hargeisa oo ah Muraayadi Dalka.

Guddidan uu madaxweynuhu magacaabay oo ka kooban Lix (6) Xubnood oo ka kooban Wasiiro iyo Maayerka Caasimada.

Madaxwynuhu waxa uu Magacaabista Gudida ku yidhi sidan:

Mudanayaal, Sida aad ka war qabtaan, bilicda iyo muuqaalka caasimaddu wuxuu qayb muhiim ah ka qaadanaya milgaha dawladnimo.

Haddaba Mudanayaal, laga bilaabo taariikhda warqadan waxaan idiin magacaabay Guddida Bilicda Caasimadda Hargeysa, waxana gudoomiye idiin noqon doona Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

Magacyada Gudida

1. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

2. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

3. Mudane, Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

4. Dr. Xuseen Axmed Maxamed (Xoog),Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

5. Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta

6. Mudane, Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayarka Magaaladda Hargeysa, Ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Gudidan kula Dardaarmay in ay Sida ugu Dhakhsaha Badan hawshan u Gutaan oo ay Xil wayn iska Saaran Waxaanu yidhi madaxweynuhu Illaahay Haydin Fudaydiyo hawshaa

 



ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL