Warsaxaafadeed



 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL



Email: afhayeenka_jsl@yahoo.com,afhayeenka@gmail.com,(E-m: private) cukuse@hotmail.com

Date: 29/10/2010



Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Tacsi u dirayaa  Qoy saskii ay ka bexeen Muwaadinintii ku geeriyooday Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee ay Argagixisadu la Beegsatay Xarunta Madaxtooyada, Xafiiskii Ethiopia iyo Xafiiskii UNDP 29 October 2008 iyada oo ay  Ma anta ku beegantahay Sannad Guuradii 2aad ee Qaraxyadaasi ka soo Wareegtay, sidoo kale waxan ka tacsiyadaynayaa Shacabka reer Somaliland oo Dhan Falkaa Foosha Xun ee Cadawga Somaliland kula  k acay Qarannimada Somaliland.



Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Maalintaasi ahayd maalin Murugo leh Illaahayna waxa uu uga beryey Dadkii ku Dhintay inuu Naxariistii janno ka waraabiyo Shacabka reer Somaliland iyo intii ay ka bexeena uu samir iyo Iimaan ka siyo.



Dhinaca kalena waxa uu Madaweynuhuu sheeg in ay maalintani ay ka mid ahayd isku dayadii uu  Cadaw ga Somaliland ku mijo xaabinaayey Qarannimada Somaliland laakin taasi aynu kaga soo gudubnay isku duubnida iyo Hal adayga Ummada reer Somaliland.



Madaxweynuhu waxa uu sheegay in aanu Cadawga Somaliland marna ku guulaysan doonin Hagar-daa mo kasta oo uu u malleegayo Somaliland hore iyo Dibtoona



Waxaanu Madaxweynuhu shacabiga ugu baaqay in ay sidii ay horeba ay ugu soo jedeen u illaashadaan Nabadgelyada Qaranka iskuna duubnadaan.





ALLAA MAHAD LEH



Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.