M/weyne Siilanyo oo ku Hambalyeey Geelaha Jabuuti in mar kale loo doorto Musharaxa MAdaxtinimada Jibuuti

 

 

Date:January 22,2011

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) wuxuu Dhambaal Ham balyo iyo bogaadin ah u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo uu ku Hambalyeeynayo Doorashada mar kale loo doortay inuu noqdo Murashaxa Mad axtinimada Jamhuuriyada Jabuuti ee Xisbiyada Bahoobay.
 

Madaxweynuhu waxa uu Dhambaalkiisa ku yidhi Mudane Madaxweyne Aniga oo la socda in uu jamhuuriyadda Djibuti ka socdo dhaqdhaqaaq qiimo weyn ugu fadhiya oo laagu diyaar garoob ayo doorashada madaxtinimada dalka oo dhawaan dhici doonta waxaan adiga,madaxda kale ee xisbiyada ( RPP,FRUD, PSD IYO UPR) ku bahoobay xisbiga UMP iyo shacbiga weynaha reer Djibuti ee taageeraba ku bogaadinayaa doorashada uu xibigu kuu doortay inaad noqoto murashaxa xibiga ee madaxtinimada dalka.waxaan kuu rajaynayaa guul.


Dhambaalka Madaxweynuhu waxa uu shacbiga iyo xisbiyada jamhuuriyada Djibuti kula dardaar may inay wadajir uga wada shaqeeyaan sidii ay doorashadu u noqon lahayd tartan walaanimo oo caafimaaad qaba.


Ugu dambayna madaxweynuhu waxa uu madaxweynaha shacbiga iyo Djibuti u rajaynayaa guul,bash-bash iyo barwaaqo.



ALLAA MAHAD LEH


Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.