WARSAXAAFADEED

 

 

Hargaysa (TNN)- Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) wa xa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka kooban 6 Xubnood uu horkacayo Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Debeda ee Dawlada Norway,

MR. ESPEN BARTH EIDE.

Kulanka Weftigan oo ahaa kii ugu horeeyey ee Noocisa ah oo ay Dawlada Norway iyo Dawlada Somaliland wada yeeshaan waxa uu Madaxweynuhu Weftiga uga waramay Dadaalka ay  Soma liland ugu jirto Qaran ku dhisan Dimuquraadiyad, cadaalad iyo Maamul wanaag.

Madaxwweynuhu waxa uu weftiga Warbixin mug leh ka siiyey sida ay Somaliland wax u  qabsat ay, Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada iyo Dawlad-nimada, Madaxwweynuhu waxa kale oo uu Weftiga uga waramay sooyaalkii taariikheed ee somaliland iyo Sidii uu ku yimid midawgii  ho re ee somaliya iyo siduu ku burburayba.

Waxaanu sheegay Madaxweynuhu in ay Somaliland Beesha Caalamka Ka dalbanayso in la  Aqoo nsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka, Isla markaana ay Buuxisay Shuruudihii oo  Dh an.

Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu Weftiga si wayn uga mahad-naqay Niyad Samida ay  Da wlada Norway u muujisay Somaliland iyo Booqashada ay ku yimadeen Dalka Somaliland isaga oo Madaxweynuhu weftiga ku soo Dhaweeyey Dalka.

Wasiirku xigeenka Arrimaha Debeda ee Dalka Norway MR. ESPEN BARTH EIDE wuxuu Dawlada  S omaliland ku amaanay Sida Qiimaha Badan ee ay uga Shaqeeyeen Horumarka Dalka iyo  Dimuqu raadiyada isaga oo si gaara ugu Amaanay Bulshada Reer Somaliland Doorashadii  Madaxtooya da ee ay ku muujiyeen Midnimadooda iyo sida ay ugu bisil yihiin in la Aqoonsado oo ay ka mid noqdaan Dawladaha Caalamka ka jira ee la aqoonsan yahay taasi oo uu sheegay in ay ka  Norw ay ahaan Fiiro gaara u lahaayeen tadawarkii ay soo martay Somaliland ee Dhinacyada  Dimuqur aadiyada iyo dib u dhiska Dalka.

Wuxuu ku Nuuxnuuxsaday Wasiirku xigeenku sida ay Somalialnd uga Shaqaysay nabad gelyada ka jirta dalkeeda taasi oo uu tilmaamay inay deris latahay xasilooni daro ka jirta Somaliya

Wasiirku Xigeenku waxa uu ka hadlay inay bulshada Caalamku isha ku hayso Budhcad badeeda isaga oo Somaliland-na ku amaanay Doorka ay ka Qaadato Budhcad badeeda kuna Dhiiri geliyey inay halkaa ka sii wado Dedaalkeeda.

Ugu Danbayn Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay inay Dawadaa Norway Soo Dhawaynayso H orumarka ka socda Dawlada Somaliland isla markaana kor u qaadi doonto Xidhiidhka iyo  kalm ada ay ka gaysanayso Dhicineeda

Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa Madaxweynaha kulanka ku Wehelinaayey Wasiirka  Duulis ta iyo Hawlada, Wasiirka Qarshaynta Qaranka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta,.

Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnayeen.

1. Espen Barth Eide

2. Per Ludvig Magnus

3. Kjell Harald Dalen

4. Kjetil Elsebutangen

5. Rina Kristmoen

6. Geir A. Schei

 



ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.