JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Email:
afhayeenka_jsl@yahoo.com,afhayeenka@gmail.com,(E-m: private) cukuse@hotmail.com
Date: 05/12/2010
Hargeisa
War-Saxaafadeed
Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Mudane: Axmed Maxa med Maxamuud (Siilaanyo), oo wali ay u
socoto booqashadii ay ku joogeen dalka boqortooy ada
Ingiriiiska, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo
Mucaawimada dibadda ee Ingiriiska Md. Andrew Mitchel.
Kulankan oo ay Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka arrimaha Dibadda
iyo Iskaashiga Caala miga ah Dr. Maxamed C/llaahi Cumar,
Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyo
Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi X Cali. Waxa uu Md. Andrew
Mitchel ugu ho reyntiiba ku hambalyeeyay Madaxweynaha
Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaan yo doorashada loo
doortay kursiga madaxtinimada Somaliland, isagoo shacbiga reer
Somalila nd ku bogaadiyay sida nabadgalyada leh ee doorashadaasi ku
dhacday. Wasiirka Iskaashiga iyo Mucaawimada dibadda ee Ingiriiska
Md Mitchel waxa uu intaasi ku daray in dowladda Ingir iisku
kor u qaadi doonto taageerada ay siiso Somaliland shanta sanno ee
soo socda.
Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu waxay si mug leh oo balaadhan
uga warbixiyeen qor shayaasha lagu horumarinayo dalka iyo
dedaalka xukuumada Somaliland ugu jirto kor u qaadi da
hawl-galada ka socda dalka ee ku wajahan horumarka iyo dhismaha
dalka. Waxaanay halk aasi ku soo bandhigeen oo sharaxaad ka
bixiyeen weftigu qorshayaasha xukuumada ee dhina cyada
waxbarashada , caafimaadka, biyaha iyo horumarinta kaabiyada
dhaqaalaha sida dhis mayaasha dekadaha, garoomada, waddooyinka,
Leydhka iyo isgaadhsiinta.
Madaxweyne Siilaanyo Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wasiirka
Iskaashiga iyo Mucaawim ada dibadda ee Ingiriiska Md. Andrew
Mitchel waxa kale oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka iyo
wada shaqaynta labada dal ka dhexeysa (Somaliland iyo Ingiriiska),
gaar ahaa na waxay si aada uga wada xaajoodeen xagga nabadgalyada,
fidinta dimuqraadiyada iyo ade egyada bulshada ee ay dowladda
Ingiriisku gacanta ka geysato.
Kullankan labada dhinac dhexmaray waxa uu ku dhamaaday jawi guul iyo
is afgarad ah, waxaa nay madaxweynaha iyo weftigiisuna uga
mahadceliyeen dowladda Ingiriisku sida qiimaha leh ee ay ugu soo
dhaweeyeen dalkooda iyo kaalmada joogtada ah ee ay u fidiyaan
Jamhuuriyada Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|