JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND

 


Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Email:

afhayeenka_jsl@yahoo.com,afhayeenka@gmail.com,(E-m: private) cukuse@hotmail.com

Date: 06/12/2010
Hargeisa

WAR-SAXAAFADEED

Sannad wanaagsan oo wacan

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha JSL MUDANE: CABDIRAXMAAN C ABDILAAHI ISMAACIIL (SAYLICI) Waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka oo Beri oo Salaasa ah Kowsanaaya (01/01/1432 ee Hijriyada) Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa  Shacbi ga soomaaliland Meelkasta oo ay Jooganba Sidoo kale waxa u Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Guud ahaanba Shucuubta Islaamka oo dhan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa in Shacbiga Somaliland sanadkan  San nadkiisa uu ku gaadhsiiyo Baadhaadhe iyo Barwaaqo sidoo kale waxa uu madaxweyne ku  xigeen ku ILLAAHAY uga baryey inta Bukta in uu ka Dulqaado Xanuunka inta Caafimaad qabtana uu u si yaadiyo.

Ugu dambayn waxa uu Madaxweyne ku xigeenku shacbiga somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qaran-ninada Dalka u soo jeedaan oo ay u illaashadaan sidii ay hore-ba ugu feejignaayeen.
 

 

 


Sannad wanaagsan oo wacan

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.