WARSAXAAFADEED

 

 

 

 

 

Taariikh: 26 February 2012



Ku: Dhamaan Isuduwaywasha Wasaaradda Macdanta, Tamarta & Biyaha JSL

Ku: Dhamaaan Gudoomiyayaasha Gobolada JSL

Ku: Dhamaan Gudoomiyayasha Golaha Degaanka ee Degmooyinka JSL

Og: Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha JSL

Og: Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada JSL

Og: Madaxwayne ku xigeenka JSL

Og: Madaxwaynaha JSL





Ujeedo: Qodista Ceelasha Biyaha



Anigoo tixgelinaya in ay biyuhu nolosha noolaha oo dhan u yihiin udub dhexaad, sidoo kalena tixgelinaya inay waajib dawli ah tahay in qof kasta oo degan dhulweynahaJSL uu xaq u leeyahay inuu helo biyo na diif ah oo dabooli kara baahidiisa daruuriga ah. Isla markaana ka hortagaya wasakheynta biyaha dhulka hoostiisa ku jira (taas oo aan si naba suurtogal u ahayn in dib loo nadiifiyo), waxa kale oo ay wareegtad ani meesha ka saaraysaa khilaafka ka dhex qarxa shirkadaha ceelasha biyaha qoda oo badiba ku hungoo ba inay wax natiijo ah ka gaadhaan shaqadooda iyo dadka rayidka ah oo aan marnaba ku qancin jawaa baha aan cilmiyeysnayn ee ay bixiyaan masuuliyiinta shirkadahaasi.



Sidaa awgeed waxaan soo saaray wareegtadan qeexaysa qodobada hoos ku qoran:



Dhamaanba shirkadaha qoda biyaha dhulka hoostiisa ku jira waa in ay ogolaansho (drilling Permit) ka ha ystaan WMT& Khayraadka Biyaha.

Shirkaduhu waxay qodista ceel bilaabi karaan ka dib markay ogolaansho buuxa ka hesho xafiiska agaasi nka biyaha ee WMT& Biyaha, iyadoo injineerada waaxda biyuhu ay ku khasban yihiin inay riiga ku dul qot omiyaan meel ay macluumaad buuxa ka hayaan. Tani waxay muhiim u tahay in hantida shacabka loo ade egsado sida ugu haboon. Dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya riigagga qoda ceelasha biyaha wa in ay ka diiwaan gashanaadaan xafiiska agaasinka biyaha ee Wasaaradda. Waxa lagu wargelinayaa cid kasta oo ka hor timaada qodobadan kor ku xusan inay la kulmi doonaan ciqaab waafaqsan sharciga Somaliland.

Waxa lagu war galinayaa dhamaan hayadaha ka shaqeeya hawlaha biyaha in ay iska diiwaan geliyaan waaxda biyaha ee WMT& Biyaha.



Haddaba waxaan ka codsanayaa dhamaan masuuliyiinta ay wareegtadani tooska ugu socoto iyo masuuli yiinta ogaysiinta ku lehba inay sidaa ula socdaan isla markaana gacan ku siiyaan Isuduwayaasha WMT& Biyaha si ay u gutaan waajibaad kooda. Isla markaana waxaan farayaa agaasinka waaxda biyaha in uu si dhaqso ah u diyaariyo dhamaan dhukumentiyada iyo ruqsadaha looga baahan yahay wareegtadan. Sidoo kale waxa Agaasimaha guud ee WMT& Biyaha la farayaa in uu hirgaliyo fulinta wareegtadan.


 

 


Allaa Mahad Leh,

Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta & Khayraadka Biyaha

Eng. Xuseen Cabdi Ducaale