WARSAXAAFADEED

 


 

Taariikh: 18/02/2012


Ka dib markii uu Madaxwynaha Jamhuuriyada Somaliland Maanta uu magacaabay Xafiis ka Xidhiidhka Jaaliyadaha Soomaaliland ee Wasaaradda Arrimaha dibeda iy Iskaashiga Caalamiga Gudoomiye cusub, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskashiga Caalamiga Dr.Maxamed C/llaahi Cumar isaga oo dhamaystiraya dar-dar galinta shaqada Xafiiskan oo muhimad wayn u leh qaranka Jamhuuriyada Somalilan uu maanta xilal u magacaabay Masuuliyiin kala ah sidan:



1. Cabdi Maxamed Ismaaciil Gudoomiye ku-xigeen

2. Jibriil Cali Muuse Xidhiidhka Dibeda

3. Cabdicasiis Axmed Muuse Agaasimaha Fulinta.

 




Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga


Hargeysa, Somaliland