WAR-SAXAAFADEED
 

 

 



Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,
      mudane,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)





Taariikh: 30 October, 2012

Qoraal #: TWF4-30102012




Ujeedo: Cusbitaal weyn oo laga hir galinayo Magaalada Tog-Wajaale



Mudane Madaxweyne, naga guddoon salaan qadarin , sharaf & karaamaba leh ,waxaanan Allaha awoodda leh weydiisanaynaa inaad caafimaad iyo cimri dherer ku waarto, kuuna fud udeeyo xilka culus ee aad  u hayso Qaranka  Somaliland , kuguna guuleeyo.


Mudane Madaxweyne,waxaanu kula socod siinaynaa ka dib markay Hay'adda Samo-Falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF) shirar  iyo xog wareysi la yeelatay dadka degaanka,oo isugu jira aqoon yahanka,madax dhaqameedka,culimaau diinka,ururada haweenka,dhalinyarada, maamulka degaanka,waxaa noo cadaatay in baahi aad u ballaadhani ka jirto dhinaca Caafim aadka,tirada dadkuna maalinbba maalinta ka danbaysa ay kor u sii kacayso.


Mudane Madaxweyne,maamulka Hay'adda Samo-Falka ee Tog-Wajaale Foudation (TWF), iya goo baahidaa ka jawaabaya ,waxay go'aansadeen in  gudo iyo dibadba gacmaha lays qabsa do,lagana wada  shaqeeyo danta guud ee la wada leeyahay,Cusbitaal weynna laga hir gali yo  Magaalada Tog-Wajaale.


Ka dib markaanu muddo dheer si cilmiyeysan u maareynay , u lafo gurnay, qorshaynay , qii maynayna Cusbitaal dabooli kara baahida  intaa leeg, waxaa noo soo baxday in ay ku bixi doonto duunyo dhan US$500,000.


Mudane Madaxweyne,waxaanu si qadarrin iyo  xushmadi ku dheehan tahay kaaga codsanay naa:


1- Inaad noo ogolaato , noona sharciyayso dhul ballaadhan oo aanu Cusbitaal ka dhisnno

2- Inaad gacan weyn naga siiso dhaqaalaha ku baxaya Cusbitaalka




Mudane Madaxwene,waxaan Allaha awooda leh kaaga baryaynaa inuu miisaanka xasanaad ka kuu saaro,kaana abaal mariyo  dhammaan waxtarka ballaadhan iyo horumrka la taaban karro ee ay Dawladaadu ku tallaabsatay mudadii koobnayd ee aad xilka haysay.









Eng. Mohamed Ali Muse      Dr. Hussain Mohomed Nur

                         
Founder and  Chairman       Executive director 
                         
Tog-Wajale Foundation       Tog-Wajale Foundation