Wareysi aad u xiiso badan oo aan la yeelanay Aabaha dhalay Tafa tiraha Guud ee shabakadda Caalamiga ah ee Timacade News Network ( TNN ) oo London deggan

 



Cali Muse Cilmi

 

" Dalkeenna Somaliland ,Ilaahay Subxaane Watacaale wuxuu siiyey shay ka qaalisan Aqoonsiga,oo ah  Nab adda ,aan maanta  haysanno." Cali Muse Cilmi



London, September 20,2010 (TNN) :-Weriyaha shabakadda Caalamiga ah ee Timacade News uga soo war rama magaalada London,ayaa booqasho ugu tagay Aabaha dhalay Mulkiilaha , islla markaana ah  Webmast erka iyo Tafatiraha Guud ee TNN , Eng. Maxamed Cali Muse.

Wareysigaasi oo dhinacyo badan taabanaya wuxuu isagoo dhameys tiran u dhacay sidatan:

Su'aal: Cali Muse , marka hore ku soo dhawaw Shabakadda Timacade News. Su'aasha ugu horreysa ee aan ku weydiinayaa waxay tahay,  sideed u aragataa isbdelka Siyaasadeed ee ka dhacay Somaliland ?



Jawaab: Marka hore  adiga iyo dhammaan weriyayaasha iyo Maamulka Timacade News aad baan idiin salaa mayaa,waxaanan idinku hambalyeynayaa hawsha laxaadka leh ee aad Qarankiina u haysaan,ilaa hayna wa xa  idiinka rajaynayaa inaad hadafkiinna gaadhaan , kuna guulaysataan.

Haddaan u soo noqdo su'aashaada,waxaa runtii wax  ilaahay loogu mahad celiya ah sida arrimaheenii Rax maanku u sakhiray , uguna dhammaadeen nabad ,kala danbeyn,is qadarin iyo isku hibeyn,waana sharaf Dal keena u soo hoyatay iyo hormur la gaadhay.Waxaanay  noqon doontana Dariiq maamuladda danbana kaga daydaan haddii Allah yidhaa.



Su'aal: Sidaan la wada soconno Xisbiga talada haya ee Kulmiye,waxa uu ku guulaystay cod aqlabiyad ah.A diga ra'yigaaga maxaa sababay ayaad odhan kartaa?


Jawaab:Waa su'aal aad u wanaagsan. Sida aynu Dawladaha Caalamkaba la wada soconno,Dawlad kastaab a waxay ku fadhidaa, laguna doortaa rabitaanka shacbigeeda.Maamul kastaana wuxuu ku qasban yahay inuu u dhago nuglaado wax ka qabashada baahida umadda ee dhan walbba leh, sida caafimaadka,waxbara shada ,adeega bulshada, adkeynta nabad gelyada ,horumarka iyo wixii kale ee dalku u baahan yahay. Wa ana ta maalinta doorasho timaado shacabku ama ku abaal marinayaan ama ku badalayaan Dawladda.

 

Su'aal: Somaliland waxay Qaranimadeeda la soo noqotay muddo laga joogo 19 Sanno, ilaa maantana  aqoo nsi caalami ah ma haynno.Adigu sideed u aragtaa?


Jawaab: Anigu waxaan fikirkayga ii gaarka ah odhan lahaa,Somaliland Ilaahay Subxaane watacaale,wuxuu siiyey shay ka qaalisan Aqoonsiga,oo ah NABAD.Tusaale ahaan,waxaan la wada soconana Dalka aynu jaark a nahay ee Somaliya,Aqoonsi ma raadinayo,ee waxaa la laayahay waa NABAD. Markaa nimco ayeynu ku jir naa ee aynu ilaa shanno. Aqoosigana,marka qadarka ilaahay soo dhammaado, cidna ma hor joogsan karto, ee halganka iyo dadaalka aynu halkaa ka sii wadnno.



Su'aal: Dad badani waxay yidhaahdaan Cali Muse iyo inamadiisu waxaa la moodaa walaalo,weedhaasi adigu sideed u aragtaa ?


Jawaab: Qosol ..... Somalidu waxay ku maah maahdaa:Dadku waa saddex, Walaalkii dhale, Wiilkii dhale iyo Wadkii dhale .Wax waliba qadarka ilaahay ma dhaafaan,waqtigii ilaahay qadarro inaad guri iyo reer yeela taana,waa mid qoran.Anigana ilaahay wuxuu qadaray inaan anigoo dhalin yaro ah reer yeesho, waana All ah mahadii inaan maanta inamadeydii meel  wada mari karno.


Su'aal: Cali Muse , su'aashayda u danbeysa waxaa weeye,maxaad farrin gaadhsiin lahayd dhammaan  shac abka Somaliland ee Dalkii iyo Qurbahaba jooga.


Jawaab:Waad mahadsan tahay .Waxaan odhan lahaa, Somaliland ha loo wada guntado,Dawlad  iyo shicibb a, Ilaahayna ha innaga yeelo kuwa Tawxiidka adkeeya ee  Adduunyada iyo Aakhiradaba jidka toosan Rabbi waafajiyo , Aamiin.


 

 


Timacade News Desk
London , UK