Weriye
Nimco Muxumed Ibrahim oo waraysi dhinacyo badan
taabanaya la yeelatay curaddii Marxuum Cabdillahi
Suldaan Timacadde.
Hargeysa (Timacade News) :-
Akhristayaal Waxaanu maanta halkan idiinku soo
gudbinaynaa waraysi xiiso badan oo weriye Nimco Muxumed
Ibraahin la yeelatay curadii uu dhalay abwaan kii
soomaaliyeed ee C/laahi Suldaan Maxamed (Timacadde) oo
maanta galinkii danbe nagu soo booqatay xafiiska ay
shabakada wararka ee Timacadde
News ku leedahay magaalo madaxda gobolka Gabiley.
Waraysigaasi oo taabanayay dhinacyo faro badan oo ka mid
ah noloshii curada abwaanku dh alay Maryan C/laahi
Suldaan Maxamed (Timacadde), halkii ay ku dhalatay,
goobtii ay ku soo ba rbaartay, kuna soo qaadatay
waxbarashadadeedii, shaqooyinkii ay soo qabatay, qaabka
ay b ulshadu ula dhaqanto maadaama uu dhalay
abwaan caan ku ah suugaanta ay dadku xiiseeya an
iyo ka gabyida kolba marxalada taagan iyo sidoo kale
xidhiidhka ka dhexeeya qoyska uu ab waanku dhalay
iyo xukuumadihii kala duduwanaa ee wadanka soo maray.
Weriye nimco oo ugu horayn waydiisay Hooyo Maryan C/laahi
Suldaan Timacadde goobta ay ku dhalatay iyo halka ay
kusoo barbaartay ayaa waxay Galoolay ugu jawaabtay inay
ku dhal atay tuulo Barri ka xigta magaalada
Gabiley oo ay caruurta uu dhalay abwaanku intooda
bad ani ku dhalatay.
Maryan waxaa kale oo ay sheegtay mar la waydiiyay inay
jiraan maryan intii ay soo jirtay inay jiraan wax
waxbarasho ah oo ay soo qaadatay waxay ku jawaabtay
inaanay jirin wax uga dan beeyay malcaamad
quraantii oo ay ku qaadatay galoolay.
Waxaa kale oo uu weriyuhu waydiiyay Curadka Abwaan C/laahi
Suldaan Maxamad Timacadde inay shaqooyin kasoo qabatay
dawladihii kala duduwanaa ee wadanka soo xukumayay
waxaa nay xustay inaanay jirin shaqo dawladeed oo ay soo
qabatay iyo cid shaqo ugu yeedhay too na.
Maryan mar la
waydiiyay inay jirto wax shaqo ah oo ay hada gacanta ku
haysaa waxay weri yaha u sheegtay inay hada
ka shaqayso meheradyar oo ay iyadu leedahay kuna iibiso
dharka dumarka, laakiin aanay jirin xaafadeeda inaanay
jirin wax shaqo haya rag iyo dumarba qoyskii balaadhnaa
ee uu ka tagay abwaan Timacadde.
Su,aalihii ay Nimco waydiisay curada abwaanka waxaa ka
mid ahaa:
S:
Maryan waxaan ku waydiin lahaa inaad nooga waranto,
maadaama ay ka mid tahay ubadkii uu abwaanku dhalay
abwaan Timacaddena uu ahaa abwaan laga yaqaano dhamaan
dhulka ay dagaan dadka afka soomaaliga ku hadlaa, bal
sida ay kuula dhaqmaa bulshada reer Somaliland ee ay ku
dhex nooshay?
J: Shacabka aan la
noolnahay si waynbay noo qadariyaan, si wanaagsana way
noola dhaqma an, laakiin dhinaca dawlada wax
ixtiraam ah kama hayno oo madaxwaynihii hore ee
geeriyoo day Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal dhawrgoorbuu
nasoo maray, halkaan ku nool nahay iyo ko lba sida
uu xaalkayagu yahay wuu nala socon jiray. Laakiin,
dawlada dalka maanta haysata wa xaanu ku qabnaa ma
jirto, marka aan is idhaahdo bal maanta inamada
iskuulada ka baxay shaq o ha helaan ee aan wasiir
warqad u geeyana waxay yidhaahdaan sug bari iyo sahan
danbe a an dhaamanayn, sidaas uunbaanu wakhtigu
kaga dhacaa oo ama wasiirku xilka kaga dhaadha caa
ama shanta sano kaga dhamaadaan.
S:
Ma jiraan Balanqaadyo dhinaca
waxqabadka oo ay idiin samaysay dawlada maanta xilka
hay saa ha noqoto heer dagmo iyo heer gobolba ee?,
J: Maya, Waxba may balan
qaadin waxna may qabanin, haday noqoto dawlada hoose iyo
dawl ada dhexe toona marka aan iska hor nimaadnaana waa
marka aan waraaqo u gaynayo ee aan leeyahay inamadaa
wada bilaa shaqada ah qaaruun shaqo hala noo siiyo
kadibna ay na meerm eeriyaan ee sidaasuun wakhtigu
nagaga dhaco. Horena waan u sheegay ee af macaan waxaa
dhaanta gacan macaan, wax xidhiidh oo kale iyo waxqabad
ama kaalmo naga dhaxaysaa ma jir to, wax shaqaale
oo noogu jiraana ma jirto.
S:Maryan,
ma jiraan wax xidhiidh ah oo ay idinla soo sameeyeen
asaxaabta mucaaridka ahi ama masuuliyiin kale oo magac
ku leh wadanku?
J: Maya walaahi xisbiyada
mucaaradka ah iyo shaqsiyaad kale toona wax taakulo ah
oo aan ka helnay ma jirto,inta banana ururada siyaasiga
ah iyo xisbiyadana ma dhex galo. Bulashadaa a an
wada noolnahay ee caadi noo yaqaana sida fiicana noola
dhaqma mooyaanee ma jiro waxa anu dawlada iyo
xisbiyada toona ka helnaa.
S:Maryan
C/laahi Suldaan waxaa tahay curadiisii, kolay dad
badanbaa iswaydiinaya marka la y idhaahdo maanta
maryan ayaa halkan waraysi lagaga qaadayaa, tolow maryan
oo ahayd cura dii abwaanku halkay ku nooshahay
maanta? Tolow imisa ubad ah ayay leedahay? Maxaad ugu
jawaabi lahayd dadka su,aalaha noocaasiya iswaydiinaya
adigoo maanta fursadan ka faa,iday sanaya?
J: Waxaan ku noolahay
Gabiley aniga iyo sadex kale oo aan walaalo nahay,
waxaanay kala yihii n Xaliimo C/laahi Suldaan oo
iyadu Galoolay dagan waxaanay leedahay lix caruur ah
afar hablo od iyo laba wiil. Samsam C/laahi waxay
ku nooshahay magaalada Tog-wajaale waxaanay leed
ahay Toban ubad ah oo kala ah Todaba wiil iyo sadex
hablood. Aniga oo Maryan ahina waxaan daganahay mgaalada
Gabiley waxaanan dhalay sadex wiil iyo laba gabdhood
wixii ay sii dhalee na intaas way kasii badan
yihiin. Oo aniga ubadkaygu waxay sii dhaleen kow iyo
toban caruur ah.
S:
waxaan maanta ku waydiin lahaa maxay tahay fariinta aad
maanta halkan uga diraysaa da dka ku dhagaysanaya
oo u badan qurbajooga reer somalialand.
J:waxaan leeyahay dhamaan
inta u halgamaysa magaca
Cabdilaahi iyo qiimaha uu
wadanka ku
lahaaba iyo
aayaha uu uga tagayba , waxaa soo saaray dadkaa
qurbaha jooga
,
gaar ahaana
shabakada
Timacade News
Network
TNN
Cabdilaahi maalinta ay dawladu u
baahato uunbay
cajaladihiisa la soo bixi jireen. Waxaanan le
eyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin farxad wayna
way ii tahay dhamaan hadaanu na hay ilma
Cabdilaahi waxaananu leenahay haka hadhina halkaana
kasii wada.
Weriye Nimco Muxumed Ibraahin
Timacade News Network
TNN
Hargeisa Somaliland
|