“Gogosha nabadeed dabogalkeeda iyo dhamaystirkeeda qofka koowaad ee laga rabaa waa Madaxweynaha, waayo…” Fu’aad Aadan Cadde, Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bariga…..

 



 

WARAYSI GAAR AH Hargeysa 19, March 2011 (TNN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay sida ay u aragto dhawaaq ka soo yeedhay kooxda la baxday SSC ee fadhigeedu yahay degmada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer. Guddoomiye kuxigeenka kooxda nabad-diidka ah ee SSC Mr. Cali Axmed Sebaray oo habeenimadii  Khami ista uu Wargeyska Ogaal waraysi la yeeshay, waxa uu sheegay in koox aan aanay nabadda diidanayn, balse  gogos ha nabadeed ee dhawrka jeer Madaxweynaha Somaliland ku baaqay aanay dawladdu toos ugala xidhiidhin oo ay ahayd uun mid warbaahinta la mariyay. Hase yeeshee, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bariga Somaliland Mr. Fuaad Aaden Cadde, ayaa caddeeyay in aanay dawladdu si gaar ah wada-hadal ula galayn kooxda nabad-diidka ee la baxday SSC.

Fu’aad Aadan Cadde oo xalay waraysi gaar ah la yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in gogoshii  nabade ed ee Madaxweyne Siilaanyo dhawrka jeer ku dhawaaqay aanu cid gaar ah u fidin, balse ay ahayd mid si caam ah loogu fidiyay bulshada gobolka Sool, Sanaag/bari iyo Buuhoodle, hase yeeshee xukuumadda Somaliland soo  dhawa ynayso cid kasta oo nabaddaas qaadata. Ugu horayn, isagoo ka jawaabaya aragtida Xukuumadda ee ku saabsan hadalkaa ka soo yeedhay SSC ee la xidhiidhay in aanay Somaliland si toos ah nabadda ugala xidhiidhin kooxdaas, waxa uu yidhi: “Gogosha waxa loo dhigay reer bari oo Dhulbahante iyo Warsangeli oo isu dhan baa loo dhigay, markaa maaha inay qolo gaar ahi tidhaahdo nalalama hadal…Madaxweynuhu dhawr goor buu ballan-qaaday gogoshii nabada, cid gaar ahna umuu ballan-qaadin, cid gaar ahina ma soconayso, gogoshana waxa loo dhigay dadkaa oo dhan, laakiin ninkii nabad u diyaar ah waa lala hadlayaa, ninkan hadda yimiba (Kayse Yuusuf, sarkaal u soo goostay dhinaca Somaliland) iyaga ayuu ka mid ahaa, waa la soo dhaweeyay, waa laga hortagay oo wasiirro ayaa loo diray, markaa ninkii sidaa Kayse oo kale nabad u diyaar ah waa lala hadlayaa oo waa la soo dhaweynayaa waliba.” Mar la waydiiyay su’aal la xdhiidha in Xukuumad ahaan ay qorshaha ugu jirto inay markale dhigaan gogol-nabadeed oo la mid ah mid hore loogu qabtay degaanka Widhwidh, waxa uu sheegay in hawshaas ay soo  dhexgas hay shaqaaqadii Kalshaale, balse waxa uu xusay in qofka koowaad ee dabogalka hawshaas iyo dhamaystirkeeda laga doonayaa uu yahay Madaxweyne Siilaanyo.

 “Horta waa tii dhibaatadii Kalshaale ina soo dhexgashay, nabaduna mar walba waa ka diyaar Madaxweynaha iyo dawlada, dadkiina waa diyaar maanta oo wax fogi ma jiraan, markaa waxaan rajaynayaa mar haddii Illaahay tii Kalshaale inaga dhameeyay inay nabadii gogoshu ku xigto. Gogoshiina sidii Madaxweynuhu u dhigay waa inay u socotaa oo dabagal Madaxweynuhu ku sameeyaa, waayo isagaa fikrada keenay aadna wuu ugu mahadsan yahay, dhamaystirkeedii iyo dabogalkeediina isagaa laga rabaa, dhinaca kalena waa inay jawaabtii diyaar tahay, ileen waa qof nabad loogu yeedhaye hadduu yidhaahdo nabad iyo wada-hadal ma rabo, markaa wax lagu qiyaaso la garan maayo,” ayuu yidhi. La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha degaamada Bariga dalku waxa uu tilmaamay in xilligan bulshada Sool iyo Buuhoodle diyaar u yihiin nabada. “Dadkaasi waa u diyaar nabada, meel kasta wuu iska jiraa qof iyo koox rabshad wade ahi oo mar walba iska dhibaato ah, laakiin dadku guud ahaan nabaddaa iyo gogoshaa waa u diyaar,” ayuu raaciyay. Ugu dambayn, waxa Fuaad Aadan Cadde la waydiiyay inay Xukuumadda qorshaha ugu jirto inay si gaar ah wadahadal nabadeed ula galaan kooxda SSC, wuxuuna si kooban u yidhi, “Maya, maya, talada noog uma jirto.
 

Source:Ogaal