WARARKII GOBOLKA GABILEY IYO
WERIYE NIMCAAN
 

Xisbiga Kulmiye Oo Isku Khilaafey Xafladii Degmada Alleybadey Iyo Haween kaTaageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ee Gabiley oo nidar k umaray In ay cash ar u dhigi doonaan Khadra Xaaji Geydh


Gabiley(longlivesomaliland.com)-
Degmada Alleybadey oo sideedaba ka  tirs an Gobolka Gabiley ayaa mudooyinkan danbe waxa kabilaabmey olole  Deg mada dhexdeeda ah oo ah loolankau dhexeeya axsaabta Kulmiye iyo Udub. Taas oo lagu qabtey Alleybadey xaflado labada Xisbi ee kulmiye iyo Udub midba maalin ku qabsadey Degmada Alleybadey.

Hadaba Xafladii U danbeysey ee Xisbiga Kulmiye shaley ku qabtey Degmada Alleybadey ayaa aheyd mid si weyn uga cadheysiisey dhamaanba  taagee rayaasha iyo masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley kadib markii ay isku koobeen Xafladaasi Khadra Xaaji Geydh oo mudooyinkan danbe bilo wdey xintan iyo xafiiltan u dhexeeya Degmada iyo Gobolka iyo Odeygii wey naa Aw Cabdi Cismaan (Aw xereeye) oo isaguna ku taageeray Khadra arin keeda ku wajahan in la kala jaro taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gobol Weynaha Gabiley.

Aamina Cilmi oo katirsan xubnaha ugu firfircoon Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley ayaa sheegtey in Khadra Xaaji Geydh toos iyo badheedh cadaan ah u daadafeysey dhamaanba masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley oo uu ugu horeeyo Gudoomiyuhu iyadoo diidey in ay kala qeyb qaataan  Xa flada lagu Qabanayo Degmada Alleybadey ,waxaney xustey marwo Aamina in aaney Khadra Xaaji Geydh aheyn Xubinlagu kalsoonaan karo oo Xisbiga Kulmiye ah sababtoo ah ayey tidhi waxey xidhiidhweynlalaeedahey oo  sha qsi ah Wasiirka Arimaha Gudaha , Wasiir kuxigeenka Wasaarada  Caafimaad ka, Badhasaabka Gobolka Hargeysa ,Maayarka Caasimada Hargeysa oo dha maantood ah Xubnaha ugu firfircoon ee Xisbiga Udub.

Waxana xaqiiq ah in ay had iyo jeer khilaaf joogto ah ka dhex abuurto  Xisbi ga Kulmiye taas oo aanu marar badan u dulqaadaney laakiin hada aaney su urta galeynin in mar danbe looga dulqaato ayey tidhi Aamini.

Sidoo kalena Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiyeee Gobolka Gabiley mr Xasan  Sh eekh Muxumed Warsame oo Gabileynews wax kaweydiisey in uu ka qeyb gali waayey Xafladii Xisbiga Kulmiye ee Degmada Alleybadey iyoin uu sikale uga baaqdey ayaa sheegay in ay balantumarkii hore aheyd inuu kaqeyb galayo waajibna ay tahey in sikastaba ha ahaatee ka qeyb gali doono   laa kiin khaladku kayimid dhinaca shaqsiyaadkii howshaa qabanqaabinayey oo ay ugu horeeyaan labda Xildhibaan arinkaana uu u heysto isagu in ay badheedh uga tageen xildhibaanadu .


Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley ayaa iyaguna ka biyo diidey habdhaqnkaloo maamuley Xafldaasi waxaney balanqaadeen in aykala xisaabtami doonaan Marwo Khadra Xaaji Geydh .


 




Weriye Nimcaan Dheeg Ibrahim

Longlivesomaliland News Media
Gabiley Office