Xisbiga
Udub Oo Xaflad Soo Dhaweyn ah U Qabtey
XubnoKasoo Baxey Xisbiga Ucid

Gabiley (longlivesomliland)-Xaflad
balaadhan oo lagu soo dhawaynayo xubno ka mida ahaa maamulkii iyo
taageerayaashii xisbiga ucid ee Gob olka Gabiley oo ka soo baxay
Xisbigaasi kuna biirey Xisbiga Udub ayaa lagu qabtey xaley Huteel
Asker ee Magaalada Gabiley.
Xafladan oo ay soo agaasimeen Garabka Haweenka Xisbiga Udub ee
Gobolka Gabiley waxa kasoo qeyb galey Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub
Jaamac Yaasiin Faarax,Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud Mr Maxam ed Aw
Cabdi (xirsi),Wasiir kuxigeenka Boosaha iyo Isgaadhsiinta ,Maayarka
Degmada Gabiley,Aadan Muxumed Bade, Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee
Gobolka Gabiley Saleebaan Maxamed Sheekh Saleebaan ,Gudoomiyaha
Ururka Now Marwo Kaltuun, Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Udub
ee Gabiley,Maryan Xadi Axmed iyo marti sharaf kale.
Waxa ugu horeyn xafladaasi hadal ka jeediyey Xoghayaha Guud ee
Xisbiga Udub Jaamac Yaasiin Faarax oo sheegay in Xisbigooda Udub
yahey Xisbi qaran oo umada reer Somaliland usiman tahey islamrkaana
ay soo dhaweynayaan cid kasta oo kusoo biireysa kana soo baxeysa
Xisbiyada Mucaaridka ah ,waxanu Xoghayuhu ku dheeraadey xogwarnka
taariihkda Gobolka Gabiley iyo kaalintii aykulaheyd Halgankii SNM oo
Gabiley laga aasaasey dhib badana ay kusoo muteen Dadweynaha Gobolka
Gabiley wxanu Xoghayha guud ee Xisbiga Udub xafldaasi soodhaweynta
xubnaha kasoo baxey Xisbiga Ucid ugu magacaabey Gudoomiyaha Xisbiga
Udub ee Gobolada Galbeedka.
Waxa kale oo isaguna halkaa hadalo kooban ka jeediyey Wasiiru
Dowlaha Howlaha Guud Mr Maxamed Aw Cabdi(xirsi) ,Wasiirkuxigeenka
Boosaha iyoIsgaadhsiinta, maayarka Degmada Gabiley Aadan Muxumed
Bade oo sheegay in Xisbiga Udub yahey xisbigii dhalinyarada.
Waxa kale oo iayguna xafladaasi ka hdley Maxamed Muuse Qowdhan oo
sheegay in uu Xisbiga Ucid uga baxey ka dib markii ay afgaran waa
yeen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Feysal Cali Waraabe.
Waa Xafladii labaad ee Xisbiga Udub ku qabto Gabiley ee lagu soo
dhaw eynayo taageerayaal kasoo baxey Xisbiyada mucaaridka ah iyadoo
kan kii ka horeeyeyna loo qabtey xubno kasoo baxey Xisbiga Kulmiye.
Weriye Nimcaan Dheeg Ibraahim
Longlivesomaliland
News Media
Gabiley Office
|