Wasiirka Duulista Hawada Warancade Oo Soo Bandhigay Ma gac Cusub Oo Uu U Bixiyey Madaarka
Egal International Airport


 



Hargeysa,February,19,2010 (TNN) – Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Cali Maxamed  War ancade ayaa markii ugu horaysay soo bandhigay naqshada cusub ee madaarka Egal  Internatio nal Airport loo dhisi doono oo uu kaga badalay magacii hore ee Egal una bixiyey sida naqshada cusub ee dhismihiisa ka muuqata Hargeisa Airport.

Wasiirka duulista Cali Maxamed Warancade oo isaga iyo maayarka caasimada Eng: Xuseen  Max amud Jiciir ay todobaadkan socdaal kaga soo laabteen dalka Shiinaha oo wasaarada duulistu ay heshiis kula soo gashay shirkad laga leeyahay dalka shiinaha dib u dhiska cusub ee lagu samayn doono Egal International Airport ee caasimada dalka ee Hargeysa

Naqshada cusub ee madaarka Egal International Airport oo lagu daabacay shabakada wararka Qaran News qorshaha cusub iyo muuqaalka loo dhisi doono madaarka ayaa waxa ka muuqata in magacii hore ee garoonka diyaaradaha ee Igal International Airport la odhan jiray laga badalay sida uu wasiirka duulistu Cali Maxamed Warancade soo bandhigayna uu u bixiyey magaca cusub ee ka muuqda nashqada madaarka oo ku xusan laguna muujiyey oo ah Hargeisa Airport, lamana garanayo sababta iyo ujeedada uu wasiirka duulista hawadu u badalay ama meeshaba uga  saa ray magacii hore ee lagu maamuusay (AHN) madaxwaynihii hore ee Somaliland Marxuum  Maxa med Xaaji Ibraahin Cigaal.

Dhica kale Madaarka Egal International Airport, ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid ka mid ah  mad aarada ugu balaadhan ee ku yaala geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka kaasi oo hiigsanaaya in ay maalintii ka dhoofi karaan kumanyaal kun oo qof isla markaasna ay tiro aad u badani ay ka soo dagi karto, iyaga oo madaarku u diyaargaroobaaya in saacad kasta diyaarado ka duuli karaan kuna soo degi karaan isla markaasina uu wato dhamaan adeegyadii caalamiga ahaa ee madaarada dunida.
 

 


Source:Haatuf