WAR SAXAAFADEED

Hargeysa Axad December 6
(Timacade News)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda So maliland, Mudane,
Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta kulan kula yeeshay qa s
riga Madaxtooyada, Wefdi balaadhan oo ka socda Urur Goboleedka
Wadamada Bari ga Afrika, marka la soo gaabiyana loo yaqaan
IGAD.
Wefdigaasi oo uu hogaaminayay,
Mudane, Kipsuto Arab Kirwa, oo wadamada IGAD u qaabilsan arrimaha
horumarinta ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxa ay booqasho gaaban ku
yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland.
Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo wefdiga kala hadlay arrimo dhinacyo
badan taa banaya, waxa uu marka hore ugu mahad naqay wefdiga
booqashada ay ku yimaad een Somaliland, waxana uu sheegay
Madaxweynuhu in booqashadani aanay noqon doonin tii ugu danbaysay ee
ay mustaqbalka socdaalo kale ku iman doonaan Soma liland.
Madaxweynuhu, waxa kale oo uu si kooban wefdiga ugaga waramay arrimo
ku saa bsan gooni isu taaga Somaliland iyo waxqabadka iyo
tallaabooyinka horumarka ah ee ay ku tallaabsatay tani iyo intii ay
kala soo noqotay xorriyadeed wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya.
Madaxweynuhu, waxa uu carabka ku dhuftay in Somaliland aanay ka
helin caalamka intiisa kale oo ay ugu horeeyaan wadamada Afrikaanku
wixii ay ka mudnayd dhina ca aqoonsiga iyo tix-gelinta ay u
leedahay in loo qiro gooni isu taageeda.
Madaxa wefdiga oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay, waxa uu ka
waramay in ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay in ay
warbixin iyo xog fiican ka hela an waxyaabaha horumarka leh ee
ay qabsatay Somaliland oo ay ugu weyn tahay Nabad gelyada iyo
xasiloonida ay ku caano maashay.
Mudane, Kipsuto Arab Kirwa, waxa kale oo uu Somaliland ugu mahad
naqay, tallaa booyinka ay ka qaaday la dagaalanka Argagaxisada iyo
Budhcad badeeda, taasi oo u baahan in wadamada kale ee mandaqaduna
kaga daydaan Somaliland, gaar aha an wadanka ay dariska yihiin
ee Soomaaliya oo aynu ognahay dhibaatooyinka ka taagan.
Gabo gabadii, Hogaamiyaha wefdigu waxa uu ballan qaaday in uu u
gudbin doono shirka madaxda wadamada IGAD ee ka dhici doona
Magaalada Jabuuti wixii ay ku soo arkeen intii ay joogeen
Somaliland.
Allaa Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|