WAR SAXAAFADEED

 

 

 

Taariikh:20 September 2011
 



Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Qas riga Madaxtooyada ku qaabilay wefti uu hogaaminaayo Safiirka Wadanka Switzerland u qa abilsan wadamada Kenya, Burundi, Rwanda, Uganda, Somaliland, Somalia iyo Seychelles Jac ques Pitteloud.



Weftigan oo ka koobnaa 3 xibnood waxa ay Madaxweynaha uga warameen ujeedada socd aalkooda oo ay sheegeen inay salka ku hayso sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinacyada taabo-galka dimuqraadiyada, horumar ka, & nabagelyada, waxaana uu xusay inay dawladoodu danaynayso sidii ay wada-shaqay n buuxda ula yeelan lahayd Somaliland.



Waxa uu safarkiisu intaasi ku daray in socdaalkoodan ay ku joogayaan wadanka muddo 2 maalmood ah, isla-markaana ay la kulmayaan Labada Gole ee Baarlamaaanka, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Axsaabta Qaranka iyo Ururada Bulshada.



Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa uga mah ad celiyay safiirka safarkoodan waxaana uu uga waramay maraaxilkii kala duwan ee ay So maliland soo martay mudadii 20 sanadood ee ay dib ula soo noqotay xoriyadeeda, Madaxw eynuhu waxa uu muujiyay inay Somaliland diyaar u tahay wada shaqayn iyo xidhiidh adag oo ay la yeelato wadamada beesha caalamka oo ay Switzerland ka mid tahay.



Dhinaca Xukuumada waxa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta Md. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Rashiid Sh. Xasan.





ALLAA MAHAD LEH



Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.