Taariikh: June 1st ,
2011
Ku: Dhammaan Salaadiinta, Boqorada iyo
Odayaasha dhaqanka ee Beesha sharafta leh ee Madaxwe ynaha
Ku: Dhammaan Cuqaasha , Aqoon yahanka
iyo wax Garadka Beesha sharafta leh ee Madaxweynaha
Ku: Dhamman Qurba jooga sharafta leh ee
Beesha Madaxweynaha
cc: Madaxweynaha Somaliland , mudane
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Ujeedo: War galin
cadaalad darrada uu u xidhan yahay Mujaahid Qawrax Muse Xuseen
Anigoo ku hadlaya magacayga Eng. Maxamed Cali
Muse iyo ka dhammaan Beesha ballaadhan ee deg aankeedu yahay
Tog-Wajaale,
Xudunta Ganacsiga Somaliland,waxaan walaalayaal naga
guddoontaa n salaanta islaamka, Salaama Calaykum waraxamtu laahi
wabarakaatu.
Waxaan idinku war galinaynaa , in Bishii March
3,2011 , Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Hargeys a,soo saa
artay qoraal cadaynaya in aan wax danbi ah aan lagu haysan
Mujaahid Qawrax Muse , xo riyadiisana
loo soo celiyo.
Tix raacii Maxkamada:
Ref: Maxkammada Rafcaanka Gobolka Hargeysa
MRH/124/2011/ ee ku taariikhaysan Date:03/03/2011
Ku: Xafiiska Xeer Illaalinta Guud ee Gobolka Hargeysa
Waxaa xigtay , Bishii April 25 ,2011,
waxaanu qoraal u gudbinay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Som
aliland,mudane Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) , kana codsannay in
muwaadinkaasi cadaala d helo , oo haddii Maxkamadii cadaysay in aan
wax danbi ah oo loo haystaa jirin, in xoriyadiisa loo so o celiyo.
Tix raacii qoraalka:
http://www.longlivesomaliland.com/Mujaahid%20Qawrax%20Muuse%20Xuseen%20oo%20caddaalad%20darro%20u%20xidhan.htm
Mujaahid Qawrax Muse, wuxuu in ka badan
5 bilkood (150
cisho ) , uu sabab la'aan God Madaw
ugu jiraa cadaalad darro ,
reerkiisii iyo caruurtiisiina laga
dhigay Aabo la'aan, isagoon wax danbi
ah oo lagu xakumay aanay jirin. Sidaan warkiisa ku haynana, waxaa
aad looga dayrinayaa xaaladiisa caafi maad
, una baahan in daryeel caafimaad lala gaadho.
Walaalayaal,arrinkan Madaxweynaheenii waanu gaadhsiinay sidaan kor
ku soo xusnay, idinkana maa nta oo Bishu tahay,
June 1st , 2011 , ayaanu idinku war
gelinaynaa, waxaanan idiinka fadhinaa
sadd ex arrimood:
1- Waa in si deg
deg ah Mujaahid Qawrax Muse,
xoriyadiisa loogu soo celiyo, si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo,
oo aanu Xabsiga ugu dhiman darxumo
iyo cadaalad darro
awgeed
2- Waa in
Mujaahid Qawrax Muse, laga raali geliyaa xaq darradaa
uu mudada dheer u xidhnaa
3- Waa in
Mujaahid Qawrax Muse , mudadii uu xaq darada ku
xidhnaa,ee laga hor joogsaday inuu re erkiisa iyo caruurtiisa u soo
shaqeeyo, loo gudo ,wax caqli gal ahnna la siiyo.
Midnna yaan laga tagin ee ha la ogaado,
Rag gogoshii waa cadaalad,haddii
cadaalad la waayana,na badeenii, walaaltinamadeenii iyo
wadajirkeenii , ayaa cadawaga Somaliland ka faaiidaysan doonaa.W
axaan Allaha weyn ka baryaynaa inuu
dhammaanteen xaqa inna garan siiyo ,kheyr
iyo wanaagnna i noogu soo af jarro ,
Aamiin.
FG:
Fadlan wixii loo baahdo , aniga igala soo xidhiidha emailka hoos ku
qoran
Af Hayeenka Beesha Degaanka Tog-Wajaale
Eng.
Mohamed Ali Muse
Email:Mohamed.a.muse@Gmail.com
|