warbixin dhinacyo badan oo kusaabsan magaaladasi iyo xaaladaheeda no loleed, dhaqale waxsoosaar iyo horumarineed ee caasimada wadanka Itoobiya ee Adiss Ababa

 

 

Adiss Ababa (TNN)-   Adiss Ababa Mid kamid ah caasimadaha afrika ee xiligan ay ka socdaan korniinka horumarka dhinacyada dhaqaalaha iyo dhismaha oo aan socdaal gaar ah maalmo ku joogay, waxaan isku dayayaa inaan ka qoro inta qalinku igu simo waxyaabaha aan ku arkay ee ka socda halkaasi anigoo qodobeyn doonaa insha allah.

Adiss Ababa muuqaalka guud iyo bilicda


Adiss Ababa macnaheedu waa ubixi cusbaa waxa ku dhaqan oo ku nool in ka badan sedex milyan oo ruux marka loo eego tirokoob laga qaaday 2007 waxa dhacdaa dhul dheer oo qabow ah inta badan waxa xiligan ka da’ayey roobab guud ahaan magaalada waxa ka socda dhismayaal horumar iyo kala danbeyn aad heer sareysa waxa ku dhaqan qoo miyada kala duwan diin ahaan isir ahaan iyo midab ahaan waxanay qolo waliba wadataa shaqadeda oo cid cid ku mas hquulimayso muslimiintu way tukanayaan misaajidada ayay buuxinayan halka ay kiristaanku kaga jiraan kiniisadaha qolona qolo afaaro galaymayso.

Waxxa iigu layaab badnaa oo aan arkay dumarka oo kuuliga guryaha dhismayasha galaya oo weel hareeraha haya waxna ku wada qaadaya sidoo kale markata ayaad arkaysaa nin xamaali ah oo lagu rayayo ilaa kun shirikan ama boqol joodari ama furaash.

Magaalada guud ahaan waxa dhan bilic wadooyin iyo dhismayaal dhaadheer oo aad u badan oo in ta badan haatan gacanta lagu hayo amnigu aad ayuu u adagyahay waxaana dareemaysaa dawladnimada iyo nidaamka ay leedahay,

Waxay leedahay wadooyin isa saran oo ay u dhiseen sucuudiga qaarkood kuwaasi oo aad looga shaqeeyey.

Ajanibiga iyo dalxiisayaasha

Waxa aad ugu badan dadka ajaanibka ah ee reer galbeedka ee dalxiisayaasha oo aad ku arkaysa goobaha dalxiiska hotelada waaweyn iyo meelaha lagu xanaaneeyo xayawaanada kala duwan kuwasi oo aad u badan lana dhacsan cimilada iyo quruxda dalka itoobiya.

Diblomaasiyiinta iyo Xarunta Ururka Afrika United Nations Economic Commission for Africa and the African Union.


Adiss Ababa waxay xarun u tahay midowga afrika waxaanay Somaliland ka faaiideysan kartaa qadiyada madaxbanaanideeda inay ka dhaadhiciso wadamada afrika maadaama aynu leenahay safaarada kaliya sida rasmiga ah u shaqeysa bixisana fiisayaasha dadka ajinabiga ah ee dalka Somaliland imanaya ama booqnaya waxa iyaduna fursad ah guud ahaan ba shirarka qaarada afrika oo halkan ka dhaca mudo dheer oo ay xarun u ahayd, waxay sidoo kale xarun u tahay comishanka dhaqaalaha ee qaarada afrika taas oo uu ka socdo kobac dhaqaale oo baaxad balaadhan maadaama iminka gacanta ka qaadeen biyo xidheenka afrika ugu weyn oo ay niilka ka sameysteen waxa iyaduna xusid mudan inuu ku yaalo suuqa ugu weyn afrika oo loo yaqaano markata kaas oo ah dhisme qadiimi ah balse waxkasta lagu iibinayo oo aad u baahantahay waxaad arkaysaa nin xamaali ah oo la saaray ilaa konton furaash oo isa saran waa arlo dhan oo lagu kala shaqeysanayo ganacsi balaadhanina ka socdo qofka ganacsadaha ah ee itoobiyaanka ahi lagama yaabo inu ku yidhaahdo waxas ma hayo qasab iyo xadarada ayu waxkaga iibinaya.

Khudaarta iyo Khayraadka dabiiciga ah

Waxaad ka helaysaa khudaar noockasta oo aad u baahato waa dhul aanad ka waayin khudrada noocyadeeda kala duwan waxa xusid mudan in nabigeen suubanaa calayhi salaam muxamed u duceeyey dhulka itoobiya (allaahuma Baarak Ardul Xabash) xadis ahaa taas oo badelkeeda aanu roobku qaadin dhulkuna cagaar yahay khudrada noocyadeedana aad ka helayso.

Cuntooyinka ugu caansan waxa kamid ah laxoox xabashida oo ay dadku aad u cunan shacbiyad badana leh.

Waxsoo saarka iyo Warshadaha


Waxay sameystaan waxyabo badan sida sharaabka lagu cabo dalka ee noocyada leh kokaha shanida iyo marindaha ay iyagu sameystaan waxay sido kale sameeyaan kabaha dharka iyo qalabka caagaha ah ee loo isticmaalo biyaha waa dal guun ah oo leh warshado badan inkastoo ay baahi badani ka jirto oo dadku badanyihiin maadaama ay gaadhayaan ilaa 80 milyan oo qof dabaqado hoose iyo dhexeba leh

Adis ababa waxa la sheegay inay 1985 ahayd magalo yar balse korninkeedu uu la kowsaday waqtigi uu dalka qabsaday males senawi taas oo ay siweyn kor u qaadeen horumarka iyo dhaqaalaha ka socda shiinaha oo xidhiidh ganacsi ka dhexeeyo iyo mid dhaqaale.

Waxbarashada iyo aqoonta


Waxay leedahay jamacada hana qaaday sida jaamaca adis ababa arday badan oo reer Somaliland ah ayaa ku nool oo ka dhigta jaamacadahaasi kuwaasi oo runtii markii aan waraystay tibaaxay in aqoon fiican ka helaan waxbarashada halkaasi iyo ilaalinta tayada aqoonta meesha taala waxaynu leenahay xidhiidh waxbarasho oo inaga dhexeeya Somaliland ahaan waxa waxkusoo barta saraakiisha ciidankeena ardayda ciidanka loo tababaro iyo waxbarashada kale ee ay bulshadu u doonato.

Nolosha iyo maceeshada.


Maceeshadu way jabantahay marka loo eego bulshada ku dhaqan magaalada iyo guud ahaan dalka itoobiya waxa laga yaaba inaad sedex waqti ku cunto dabaqada dhexe ee 3 dolar lacagtoodu waxay boqolka dolar lagu sarifaa 1700 oo bir taas oo runtii ku tusinaysa sida ay u daryeelayan lacagtooda oo kaliya aya la isticmaalaa no more dollar taas oo marka aad dalkeena eegto dadkuba dolar wax ku gadanayan kuna adeeganayaan oo keentay qiimo dhaca shilinkeena.

Guud ahaan nolosheedu waa caadi oo qof ku noolaan karaan cuntooyinka moockasta wuu ka heli karaa.

Taksiyada iyo shurucda wadoyinka


Waxa lagu adeegsadaa taxyo buluug ah oo ay dadweynuhu isticmaalaan waxyaabaha aad uga helayso waxa kamid ah darawal gaadhi ma ka xeyn karo ilaa uu beelka xidho dadka iyo baabuurta oo wadooyinka look ala calaamadiyey xiliyada ay ka gudbayaan taas oo runtii u baahan in wax laga qabto shuruucda wadooyinka caasimada Somaliland ee hargeysa oo ay dadka iyo gaadiidku isa saaranyihiin una baahan inay maayaradu casharo ka bartaan caasimadaha jaarka sida adiss ababa.

Madarka Caalamiga ah ee Bole Adiss Ababa


Madaarkan waxa uu u qalabaysan yahay si cajiib waxana u dhisay wadan muslim ah waa madaar runtii aad ka helayso kana qalabaysan dhinacyada terminalska iyo guud ahaan hawlaha adeegyada uu u qabanayo bulshada waxay sidoo kale itoobiya leedahay diyaarad caalami ah oo laga daremi karo aqoonsiga ay leedahay flights tooska ah ee ay kaga imanayso caasimadaha caalamka ugu waaweyn sida London iyo Washington oslo Stockholm iyo kuwo kale. Iyadoo sidoo kalena iman jirtay Somaliland ka hor qaraxyadii hargeysa ee ka dhacay madaxtooyada tan iyo intaassina aanay iman balse hada xukumada cusubi ku hawlantahay inay ku qanciso dib u bilowga hawsshaasi.

Hilton 5 star hotel and sharaton hotel

Waa labo hotel oo qaali oo ku yaala adiss ababa wanan booqday runtii Hilton waxa lagu tilmaamaa five star waxanu kamid yahay kuwo dunida u qaalisan waxa u leeyahay barkadaha dabaasha waxana ku kulma madaxda afrika iyo kuwa dunida ee itoobiya soo booqda wa mel qurux badan.

Sharaton waa hotel raxo inta badan waxad ku arkaysa dadka reer yurub ee booqanaya itoobiya waana mid qaali ah oo runtii aad ka mabsuudayso sida laguugu shaqeynayo.



Markata suuqa ugu weyn afrika.


Waa suuqa aad u weyn oo qadiimi ah itoobiyanku waxay u yaqaanaan suuqa ugu weyn qaarada afrika waxaanad ka helaysaa waxkasta oo aad u baahato dad mooyaane waxxanay ka helaysaa wax walba oo u badan aloobaay alaabooyin ay sameeyaan sida kabaha dharka iyo wixii lamid ah.



Waxan kusoo koobayaa intaas qoraal an ka diyariyey adiss ababa oo aan joogay 12 casho safarkan iyo keygii hore waxay ku kal duwanayeen magaladu sida degdeg ah ee ay u korayso iyo dhismayaasha ka socda oo kusoo jiidanaya.




Abdikarim Said Salah.

Journalist Work For
Horn Cable TV,
Geeska Afrika Journal,
Sahil Region Based Berbera


Berbera Press Editor
website: www.berberapress.com
Berbera Travel And Tourism Agency

Contact :
Mobile: +25224441209
Email: clkarim_3@hotmail.com
suldaan14@yahoo.com
Berbera Somaliland