Wakiilka Somaliland ee Maraykanka oo markii uu ku f ashilmay xilkiisii ka hinaasay socdaalkii Muj. Axmed Silaanyo iyo Dr.Maxamed Cabdillaahi

 

Wakiilka Somaliland u fadhiya wadanka Maraykanka, mudane Sacad Nuur, ayaa hadal ay ka muuqato hinaase iyo xagxagasho qaawan u soo jeediyay xisbiga KULMIYE, kuna tilmaamay socdaalkii mudane Axmed Silaanyo hoggaaminayay iyo Dr. Maxamed Cabdillahi mid aan guul dhalin oo lagu guul darraystay, sheegayna in ay dhabarjabin ku tahay dalka.

Socdaalkii waftiga KULMIYE waxaa lawada ogyahay sida uu kor ugu qaaday sharaftii iyo  ma gacii ay Somaliland ku lahayd dalka Maraykanka. Kulamdii ay la yeesheen madaxda  Marayk ankuna waxay ahaayeen qaar qiime leh oo waxtar u yeelan doona shacabka Somaliland.

Waxaana la filayaa in socdaalkani kordhiyo macaawinada la siiyo Somaliland iyo inay  abuur maan xildhibaano Maraykanka ah oo u ololeeya qaddiyadda Somaliland. Waana arrimhii laga waayay in xukuumadda Somaliland ay u qabato dalka, wakiilka Somaliland ee Maraykankuna uu ku fashilmay.

Hadaba waxaa is waydiin leh maxaa ku kalifay in wakiilku sidaa u hadlo iyadoo lawada  ogyah ay guulaha dhaxalgalka ah ee socodka guddoomiyaha iyo xoghayuhu u keenay dalka iyo  da dka Somaliland. Kow, wuxuu Wakiilku la saftay wasiir ku xigeenka wasaardda arrimaha  diba dda ee Somaliland Kayse Aadan iyo wasiirka Warfaafinta ee Somaliland oo labaduba ka soo horjeestay hadalkii wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdillahi Maxamed Ducaale ee ahaa in  socd aalka Axmed Silaanyo uu yahay hawl ay qaranka ugu maqan yihiin, wax dhaleecayn ahna  a an loo hayn. Waxaaana muuqata in wakiilku weerar ku hayo wasiirkiisa.

Waxaa kaloo la ogyahay in beryahan denbe uu sii daciifayay xidhiidhka ka dhaxeeya  Somalil and iyo Maraykanka gaar ahaan Goddoomiyaha Qaybta Afrika ee Baarlamaanka  Maraykan ka, mudane Donald Payne oo awood wayn ku dhex leh maamulka Madaxwayne Obaama iyo dawladda Somaliland khaasatan xidhiidhka u dhexeeya Donald Payne iyo wakiilka Somaliland ee Maraykanka, Dr. Sacad Nuur iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi  Max amed Ducaale, oo labadooda laga joojiyay  inay is arkaan Guddoomiye Donald Payne oo  saa mayn wayn ku leh go’aamada xukuumadda Maraykanka ee la xidhiidha taageerada xagga horumarka iyo siyaasadda ee loo fidiyo Somaliland. Waxaana joojintani ku timid ka dib markii Dr. Sacad Nuur uu kharibay xidhiidhkii Maraykanka iyo Somaliland ee uu isagu u xil saarnaa inuu kobciyo.f

Markii uu uu xisbiga KULMIYE arkay in danhii iyo maslaxaddii ummadda Somaliland ka lahayd Maraykanka ay halis ku jirto ayuu xisbigu qaaday tallaabooyin ay ku badbaadinayaan  xidha adhkaasi. Waxayna sameeyeen kulammo iyo safarro ay ku arkeen madax sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka oo uu ka mid yahay mudane Donald Payne. Safarka guddoomiye  Axm ed Silaanyana wuxuu qayb ka ahaa dadaalka KULMIYE ugu jiro hagaajinta xidhiidhka  Soma liland iyo Maraykanka. Arrintanina waxay muujisay in Wakiilku ku fashilmay xilkii qaran ee saarnaa. Waana taa ta keentay inuu sidaa u hadlo.
 


By: Yusuf Cartan