lunsasho hantiyeed umadda yaa ka masuul ah
Lacagta canshuurta danyarta lunsashadeeda oo soo gaartay Norway

 


Wakiilka Somaliland ee Norway oo leexsaday lacagtii xafiiska lagu furi lahaa Waxaa wadanka Norway ku nool dad tiro badan oo reer Somaliland ah Dadkaan oo ah dad isku xiran lehna Jaaliyadqura isla markaana ah jaaliyadda ugu waxtarka badan ee qurba joogtada ah.

Sida aad la socotaan waxa uu madaxweeynuhu uu ku yimid Norway laba socdaan oo aad muhiim u ahaa waxaayna ku soo dhaweeyeen wafdiga gacmo furan oo sharifi ku dheehantahay,hadaba Jaaliyadda Somaliland ee Norway waxaay madaxweeynaha ka codsatay in loo furo xafiis ka wakiil noqda arrimaha siyaasaddda taasoo uu madaxweeynuhu aqbalay kuna balan qaaday.

Mxaa dhacay kadib Wakiilka waxa uu sameeyay waraaqo Contract xafiis ah oo aan jirin si loogu soo shubo lacagta xafiiska ee uu madaxweeynuhu balan qaaday contractigaas ama ijaarkaas xafiiska ee been abuurka ahaa waxuu sameeyay bishii March 2008 waxaanu u ambabaxay Hargeisa isagoo sii raacay qolo Patroliumka ku jirta wakiilku waxa uu madaxtooyadda geeyay heshiiskii xafiis in uu furay oo been abuur ah.

Waxaanu Madaxweeynuhu degdeg u balan qaaday in la bixinayo ugu dambeeystii bishii April Horaanteedii ayeey Madaxtooyadu amar siisay Baanka Somaliland in loo diro Wakiilka Norway xafiiskeeda oo loo qoondeeyay  5000 doolar Bishiiba lacagtaas oo katimaada canshuuraha laga uruuriyo danyarta sicir bararku dilooday .


Baanka Somaliland waxa aay soo xawileen Markii ugu horeeysay 10.000 DOOLAR oo ahaayd labadii bilood ee u horeeysay waxaana si caadiah hadana loogu soo dirayay bil walba .

Hadaba waxaan bulshada reer Somaliland ee degen gudo iyo debedba u sheegaaynaa in xafiis furani jirin lacagtana lagu soo diro xawaalad aan ahaayn Dahabshiil maadaama dadka ka shaqeeya aay yihiin muwaadiniin fahmaaysa arrinka.

Waxaan u sheegaaynaa Xukuumada Riyaale ee aan daba socod ku sameeynaaynin in reer Norway aanay lahaayn xafiis wakiileed aay leedahay oo kaliya Xarun jaaliyadeed .

Waxaan cid walba u sheegaaynaa in arinkan la hubiyo lana wareeysto cid kastoo somalilander ah oo aay quseeyso maadaama loo dul qaadan Karin in cashuurta danyarta lagu feento Oslo Norway lana moodo in xafiis u furan yahay.

Arrintan waxaa waajib ah in Jaaliyadda Norway la dareensiiyo in badan oo og in lacag la soo diray ayaa jirta laakiin lagu isticmaalay in lagu taxasho oo dawladana loogu sheego xafiiskii waashaqeeyaa. Waxaanan leenahay dadka sidaas oo kale ah maahan muwaadiniin ee waa cadaw halala xisaabtamo.



N.B

Hadii loo baahdo cadeeyn la xidhiidha xawaaladda iyo goorta lacagta la soo diray waan haaynaa . Madaxweeynaha waxaan ugu baaqaaynaa madaxweeyne waad fulisay balankii laakiin yaad u dhiibtay xafiisna ma jiro manta.

 


ALLAA MAHAD   LEH

 


Maxamed Abdi Faran

Oslo Norway
somalilandnorway@hotmail.com