Degmada Wajaale Umay Baahnayn Maamul Foorara ee waxay u Baahnayd Mid
Soo Jeeda
Xukuumada Madaxwayne
Ahmed Maxamed Maxamud Siiraanyo hogaaminaayo waxaan xasuusinayaa
waqtigii bulshada reer wajaale kuu ololaynaysay ee ay habeen iyo
maalinba u halgamaysay sidii guus hu u raaci lahayd Xisbiga
Kulmiye oo ay shacabku 75% aamin sanaayeen in uu dhaami doono
maamu lkii astaanta lagu xasuustaa ahayd,Cadaalad daro, Musuq-maasuq,
Cadaadis, iyo Qaraabo kiil I.w.m o o dhamaantoodba ka dhici
jiray Degmada wajaale Taasi oo dalkuna la qabay oo aanan odhan Karin
w ajaale ayay gaar u ahayd, hadaba markaan intaa ku dhaafo hoga-
tusaalaynta ayaamihii la soo dhaa fay waxaan hadaba leeyahay
manta degmada wajaale may helin maamulkii iyo abaal gudkii ay
filanay say oo ay ku ilawdo hadimooyinkii uu maamulkii hore
gaadhsiin jiray .
Waxaanay la kawsadeen dadka reer wajaale maamul foorara oo aan
hogaamin Karin bulshadan la ara dan dhamaan adeegii bulshada tusaale
ahaan.
1-waxbarashada degmada oo liidata marka
laga yimaado dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe oo aan o dhan
karo way dadaalaan maamuladooda iyo macalimiintooda balse waxaa si
toosa u baabasan dugsi ga sare oo ay dhigtaan 7 arday oo ay
maalin walba ay u soo cawda maamulka degmada, balse aan l aga
hoos qaadin cabashadoodune ay eegtahay xiisadahii oo aanay wada
helin.
2-Biyaha oo degmadu ka cabto balayada
oo caafimaadkooda laga dayriyo
3-Qashinka :- waxaa buux dhaafiyay
degmada qashin xad-dhaaf ah, waxaanay Dawlada hoose xash
iishka ka qaadaa kaliya suuqa bakhaaradu ku yaalaan oo iyagu baco
waawayn ku ururiya qashinka laga saaro alaabada ay iibsadaan
ganacsada dalalka aynu jaarka nahay, waxaanay baaburka qaada ee
dawlada hoose ku daadiyaa mooska banaanka wayn ee ka sareeya
magaalada taasi oo dabaysha iyo roobkuba dib ugu celiyaan gudaha
magaalada .
4- Maamulka wuxuu awoodiisi oo dhan
saaray sidii loo ururin lahaa lacag iyo sidii shaqaalaha loo dhimi
lahaa, taasi oo maamulku shaqada ka joojiyay 42 qof , Badhasaabka
gobolkuna markuu maamulkan xilka ku wareejinaayayna uu todoba bilood
mushaharkood laga duudsiyay iyadoo uu badhasaabka gobolku shaqaalaha
ugu hanjabay idinkaa lunsaday oo waxba kuma lihidin gudoomiyaha la
badalay , taasi oo iyaduna aanay ahayn afkii masuulku shaqaale ku
gancin lahaa xaq daro cadna ay tahay
5-Maamulka degmada wajaale wuxuu
jabiyay amarkii uu madaxwaynuhu dalkoo dhan ku amray shan iyo
afartankii maalmoodba in maalin olole loo dareero. Taasi oo aan
marnaba degmada laga fulinin.
Maalinti dalka laga qabtay ee loogu magac daray 1December maalinta
HIV/AIDS xafladii uu badhsaa bku amray inuu maamulku diyaariyo
oo aanay habayaraatee iska xil saarin, kana soo xaadiri waayeen
taasi oo aan odhan karo maamulku inaanu ku xidhnayn maamulka gobolka
taasi oo ah wadadii udub ku jabtay.
Hadaba waxaan leeyahay masuuliyiinta waxaan leeyahay masuuliyiinta
wasaarada arimaha gudaha iyo madaxwaynaha Somaliland Mudane
Siilaanyo waxay wax ka xumadaan ama ku hagaagaan waa go bolada iyo
degmooyinka ee hoos ha loo eego oo yaan lagu sii daynin qof loo
magacaabo.
Qore C/kariim Cali Caydiid
Cabdirisaaq Maxamuud Aw Daahir
abdidhago@hotmail.com
Tog wajaale
|