JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND


 


Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL



Date: 05/11/2010

War-Saxaafadeed
 



Weftiga uu Hogaaminaayo Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee  k u sugan Dalka Jabuuti ay Madaxweyne Geelle iyo Jamhuuriyada Jabuuti waxa ay Qaabilaada ay  ka la kulmeen Jabuuti Noqonaysaa tii ugu Meqaanka saraysay ee ay Somaliland kala Kulanto Jabuuti iyo Caalamka kaleba.


Geesta kalena Waxa ay Booqashadan uu Meqankeeda iyo soo Dhawaynta qiimaha lihi ee ay  Mada xweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu kala Kulmeen Jabuuti noqonaysaa mid shacabka Somaliland u  xaq iijisa xigto-nimada adag ee ka dhaxaysa labada Waddan iyo labada Shac-biba.


Ka sakowna kulanki rasmiga ahaa ee ay yeeshaan labada madaxweyne ee Jamhuuriyada Jabuuti iyo Jamhuuriyada Somaliland Mudane. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.



Waxa iyaguna garab-socday kulamo ay gooni gooni u yeesheen isu-Dhiganka



1. Wasiirka Arrimaha Debeda Jabuuti

2. Wasiirka Ganacsiga Jabuuti

3. Wasiirka Maaliyada Jabtuuti

4. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boosaha jabuuti iyo

5. Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Jabuuti

6. Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland

7. Wasiirka Ganacsiga Somaliland

8. Wasiirka Dhalin-yarada iyo Cayaaraha Somalilnd iyo

9. Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland



Kulamadaa Farsamo oo iyagana laga gaadhay is af-garad iyo natiijo wanaagsan.


Maanta oo ay ahayd Maalintii Saddexaad ee Booqashada weftiga uu madaxweyne siilaanyo ku  joo go Jamhuuriyada Jabuuti oo ay intaasna Si xidhiidha u socdaan kulamo kala duwan oo ay labada  D hinac ka leeyihiin sii xoojinta Xidhidhka iyo is garabsiga labada waddan.

Waxa kale oo Madaxweyne siilaanyo iyo Weftigiisa, Madaxweynaha oo ay hogaaminayeen Wasiirka Warfaafinta iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta ahna Afhayeenka Xukuumada Jamhuuriayda Jabuuti iyo Madax kale oo ka tirsan Jamhuuriyada Jabuuti Waxa ay gaadheen Xarunta Shirkada is gaadhsiinta ee Telcom Jabuut.


Waxa kale oo la soo marriyey Qaarka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee Dhinacyada Dhaqaalaha  i sla markaana ay Jamhuuriyada Jabuuti horu-marka ay ka samaysay kuwaas oo ay ka mid  ahaaye en Xarumaha Isgaadhsiinta, xadhkaha Cable-lada ee Bada hoostooda mara iyo Dekedda Jamhuuriyada Jabuuti.











ALLAA MAHAD LEH



Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL