Waari mayside war ha kaa hadho

Maanta oo Axad ahayd, kana nasanaayey shaqadii
toddobaadka oo aad u daalbadnayd ayaan furay bogga
Internetka Waxaan ku arkay
Maanta oo Axad ahayd, kana nasanaayey shaqadii
toddobaadka oo aad u daalbadnayd ayaan furay bogga
Internetka Waxaan ku arkay war aad ii farxad galiyey.
Inkasta oo maalmihiila la soo dhaafay ay wararka
Somaliland ay baxaa dagaayeen. Kol ay qolo meel soo
fadhiisato kuna dacwooto in la xidhay nin ka soo jeeda,
tu kalena tidhaa anakaa la noo dig iyo dam leeyahay.
Waxayna iskugu soo biyo shubanaysaa in aan weli la garan
qabyaalada iyo qaranimada waxay kala yihiin ama faraqa u
dhexeeya. Hadaan u soo noqdo arrinta aan kor ku xusay ee
xiisa leh waxay ahayd Shirkii taariikhiga ahaa ee reer
Togwajaale todobaadkii hore qasadeen. Waxay ku
gorfeeyeen sidii ay u dhisanlahaayeen wadooyinka ama
jidadka mara magaalada gudaheega e e cid waliba ka
dharagsantahay tacadiga iyo dhibaatada lagu qabo. Iska
day gaadhi ku qalib m ee ama dad wax ku noqdee, waxa
afartaba kor taaga dameeraha hilibka sida. Dabeedna
hilibkii oo ciidaysan ayaa masgarada la keena.
Waxa la yidhaa Necessity is the mother of invention,
baahida ayaa keenta wax qabadka. Waa Ilaahay mahadii
hadii Bacaluul is qaatay, dhammaana madal la iskugu
yimid hormuudna ka aha ayeen madaxda degmadu sida
gudoomiyaha degmada Mr. Xaashi, iyo maamulaha dowlada
hoo se Mr. Faysal lana garwaaqsaday in wax lawada qabsado.
Sida aan maqaalkaykii hore Charity begins at home ku
iftiimiyey in ay waajib tahay loona baahanyahay in
guntiga dhiisha la iskaga dhigo horumarinta danta guud.
Aduunyoo waalalay war iyo sheekaa ka hadha!!!!!!!!!!!
Qofka aadamiga ah taariikh baa ka hadha, camalkiisuna
wuu raacaa,xoolahiisuna kama danbee yaan.Aniga oo ku
hadlaaya magaca ururada samafalka ah ee
TWF (Tog-Wajaale
Foundation) iyo kan
gobolka ee GARDO waxaan idinla garab taaganahay hoo iyo
hiilba ee ha noqdo goaankii shirku mid midho dhaliya.
Siday tahayna Action is louder than words.
Waxan ku soo gunaanadayaa:- Wadaniga dhabta ahaw-
Waari
mayside War Hakaa hadho.
Jibriil
Cali Caqli
jibril_akli@yahoo.co.uk
London
, UK |
|