MAS’UULIYADDA KOOWAAD IYO LABAAD EE DAWLADINIMO WAA ILAAL INTA MIDNIMADA DADKA IYO DIFAACA JIRITAANKA QARANKA
.

 

Waajibka ugu horeeya uguna culus ee xukuumadi guudka u ridataa waa midnimada dadkeeda iyo difaca jiritaanka qaranka. Waa waxa ugu yar ee laga sugaayo inta xilka haysa. Kolka taas la waayo ee ay noqodaan dar aan qaadi karin xilkaasi, waxay horseedaan burburka qaranka. Waxa waajib ah saran muwaadin kasta inuu ka gacan qabto naakhuudaha doonida aynu wada saarannay  dejina aya, si uu isna u badbaado inana aynu u badbaadno. Ma kale leh xisbi, mucaarid iyo muxaafid, degm o iyo gobal, qabiil iyo jilib..waa xil qaran oo ina wada saran. Waxa waliba xilka gaar ihi saran yahay walaalahay UDUB ee la’aantood ayna suurtagal ahayn in xukuumaddu ku kacdo falal shaki  gelinaa ya nabadgelyada iyo jiritaanka qaranka.

Aan u baqooli dulucda maqaalka. Waxa isa soo taraya dhacdooyin damqasho iyo naxdin u leh qof kasta oo jecel jiritanka iyo dhismaha iyo houmarka dalkeena hooyo. Waxa taarku ka imanayaa daraf ilaa daraf. Wey dhaaftay xadhig saxaafi, iyo oday la caayo, wey ka tagtay wiil la karbaasho iyo oori laga oohiyo, wey ka dheertay muwaadin shaqadiisa laga eryo, iyo ganacsade meheradiisa laga joojiyo, wey dhaaftay laaluush loo qaybiyo ciroole iyo ciyaal kala qaybiya bulshada. Manta waxa ay maraysaa in leysu loogo cadowga oo argagixiso iyo qaran dumis leysku sheego. Waa mid u baaahan in muwaadinka UDUB ka gilgisho, waayo UDUB waxuu xisbi ku yahay dalkana ku xukuntaa waa nabadgelyada iyo jiritaank dalka. Ma jirayso kolka cadowgeenu adeegsado tilmaamaha ay bixinayso xukuumadeenu. Waxa la tumaatiyey maamuuskii qarannimo kolka madaxda siyaasadda ee u sharaxan xil madaxweynenimo horeyna ugu tartamay lagu tilmaamo dar ka soo horjeeeda jiritaanka qaranka. Waxa ka sii daran kolka xildhibaan huwan sharaftii ummadiisa oo weliba haya Shir-guddoonka Golha Wakiilada iyo ruugcaddaa iyo hoggaamiyayaal xisbiyo lagu eedeeyo inay gacan saar la leeyihiin argagaxiso.

Haddaba halkay durantay maqaal koox ku shaqaysata qas-gelinta dalalka Islaamka oo gacan saar la leh Yuhuudda iyo reer Galbeedka xagjirka ah ee neceb inta diir madow, inta indhaha yar, iyo inta diin kale haysata, necebna in dal Islaam ihi helo nabad iyo naruuro. Waxa ay dacaayad iyo qas ku baahiyaan internetka ay ku abaaraan dalalka Turkey, Iran, Saudi Arabia, Yemen, Sudan, Afganista n, Iraq, Palastine, iyo Muslimiin kale. Ma aha duul awood iyo nufuud ku leh dalalka galbeedka, waxy se majaro habaabiyeen caqli gaabka muslimka ah iyo danaystaha dhadhamo raaca ah. Waxay ku ceeshaan been ay iibiyaan iyo mid xukun macangag ihi u dhiibto.Waxa hubaal ah in warka been abuurka ah looga dan lahaa xiligan doorashooyinka, bal se waxa la yaab leh in xukuumadeenu ka dhigato mid ay ku ololeyso ooy si is-dabojoog ah uga sii dayso idaacadda qaranak ee u maqaam eekaatay tii Huutiga Rwanda.

Waxay ceeb ka dhigeen labada gacmood ee KULMIYE ee u taagan midnimadii ka dhalatay beelihii SNM iyo kuwii aan ahayn ee dhidibka u taagay qarannimida Soomaliland. Iyagoo ku tilmaamay qaar u taagan midnimo Soomaaliyeed . Yey u sheegayaan, reer Kulmiye waa is-yaqaan ummadooduna wey taqaan. Wey kala taqaan kii qarannimada dhaliyey iyo kii dayrka dhinaca kale ka joogay, iyo kan maalin iyo habeenba hadardaamada ugu maqan.Waxay ka dhigantay calanka Maraykan ee  kh adka dheeri u taagan yahay 13 gobal ee ugu hor midoobay iyo xidigaha oo ka socda intii kolkii  dam be ku soo biirtay. Sidoo kale ayuu calanka labada midab ee Kulmiye uga kooban yahay labada garab ee bulshoweynta Soomaliland.

Waxay yidhaahdeen Kulmiye taageero iyo madax kuma leh beelaha darafyada. Yey u sheegayaan. Miyaanu Murashaxa Madaxweyne Xigeeenku ahayn Awdal, miyaanu ahayn nin nus iyo wax ka  bad an haysata codka Awdal. Miyeyna darafka bari ahayn siyaasiinta Guddoomiyaha Labaad ee Golaha Wakiilada, Mudane Baashe, miyaanu garab socon Fu’aad aadan Cadde, miyaanu dhinaca kale ka taagnayn Cadani iyo Talyanle, miyaanu Kulmiye ahayn ka ugu xildhibaanka badan seddexda xisbi ee Golaha Wakiilada ku matala beelaha Sool iyo Sanaag Bari. Miyaanu Kulmiye ahayn xisbiga keliya ee Golaha Wakiilada doorsho ku keenay gabadhii ugu horreysay waa Ikraam oo reer Awdal ah, waana gabdhii ugu horreysay ee caro Soomaaliyeed doorasho ku guulaysata, waana tii ugu horeysay ee Madaxtooyada Maraykan casuumto.Dalalka Galbeed wey yaqaaniin Kulmiye, Soomalilandna loo  she egimaayo, iyagaa leh iyagaa dhistay, iyaguuna matalaa.

Xukuumaddii ay ahayd inay madaxda qaranka ilaaliso ooy daafacdo sharafta ay u hayaan  ummade ena ayaa noqotay haddayna iyaduba ka dambayn makarafoonkii baahinayey xumaanta sida  badhe edhka ah loogula kacay Xisbi weynaha Kulmiye iyo madaxdiisa.

Waxa ay xukuumaddu ilowday arrimahan:


Kolka la leeyahay Kulmiye madaxdiisu waa argagixiso. Waxay ka dhigantay in dalkuba yahay  araga gixiso, dawladduna tahay mid aan itaal iyo tamar lahayn. Ogow Afganistan iyo Paakistan waxa loo garaacayaa waa in yar oo lagu sheego Taliban, bal ag dhig taageerada Kulmiye iyo nufuudda uu ku leeyahay dalkeena. Miyeyna ku tusayn in dalka loogu yeedhaayo balaayo iyo burbur ka qosliya cadowga ummadeena.

Waxa shaki weyn la galinayaa ictiraafkii aynu dedaalka xooga ah u galnay. Waxa kaadh dahab ah ay xukuumadeenu siisay cadowga Soomaliland oo durtaba meel walba ku fidiyey iyagoo leh waxa warkani ka baxay Radyow Hargeysa oo xukuumadda ayaa qiratay in Soomaliland tahay hoyga  arg agixisada.

Warkani waxuu ahaa mid cida fidisay ay ka muuqato xilkasnimo la’aan aragti gaaban iyo qof lid ku ah jiritaanka dalkeena. Hadday ka ahayd olole doorasho, waa u guul darro oo dadkeenu wey  yaq aniin madaxdooda weyna kala gartaan weedha beenta ah si kasta oo loo qurxiyo, waayo iyagaa KULMIYE ah. Qofna waxa uu yahay cid kale uma tilmaamayso. Dalalka reer Galbeed wey yaqaaniin KULMIYE iyo siyaasadda Soomaliland. Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykan iyadaa  sanad walba warbixinteeda kaga hadasho tacaddiga lagu sameeyey siyaasiintii Qaran ee la xidhay welina xaqoodii siyaasi maqan yahay. Akhri warbixintii sanadakan oo guji: http://www.americanchronicle.com/articles/view/146295

Warbixint waxaa ka mid ah : The Somaliland Constitution provides for freedom of association, and this right was generally respected in practice; however, in July 2007 Somaliland authorities  arrest ed three opposition politicians who were planning to form a new political party. These persons  we re released in December 2007. President Riyale stated that he issued an official pardon; however, their judicial record was not cleared, and the leaders remained effectively blocked from  participa ting in the electoral process as candidates for any party

Sidoo kale kolka ay ka hadlayso dhibta uu Madx. Riyale ku hayo dib-u-dhiga iyo dimuquraadiyada dalka waxay tidhi:

Elected in April 2003, President of Somaliland Dahir Riyale Kahin initiated several actions to  postp one elections for the fourth time and extend his term in office. Beginning in 2006 Riyale initiated a process to extend the mandate of the unelected upper house of parliament, the Guurti, for four years. In April 2008 the Guurti postponed presidential and local elections and extended President Riyale's term in office for an additional year. After successful international mediation, the major political parties agreed to hold presidential elections in April 2009 after a national voter  registrati on process under which each Somaliland citizen would receive a national identity card. On March 3, the National Electoral Commission announced that presidential elections would be held on May 31; however, on March 28, the Guurti voted to postpone the elections and extend President Riyale's term in office to September 27.

Haddaad doontid wabixinta oo afsoomali ah kooban guji oo akhri warbixinta:

 http://samotalis.blogspot.com/2010/03/codkaaga-ku-ciil-bax-23-warbiixntii.html

Intiina u baahata asalkii warbixinta ee Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykan oo Soomaliya oy ku jirto Somaliland ka warbixinaysa guji:

http://www.state.gov/g/drl/rls/hrrpt/2009/af/135976.htm


Guddoomiye xigeen Samaale waxuu yahay xubin ka mid ah xubnaha Wakiilada ee Barlamaanada  Yu rub oo dhan xidhiidh la leh, socdaalo rasmi ahna isagoo qaranka matalaaya uga qayb galay shirar ka dhacay dhowr dal oo Yurub ah. Nin qarson iyo qof aan la aqoon ma aha. Madaxdan waxba lama yeelin ee qaranka ayaa meel lagaga dhacay, cida sii buunbuunin doontaana waa cadowga diidan jiritankeena. Waana dhacdo u baahan in muwaadinku ha ahaado UDUB, UCID amba KULMIYE ay  tah ay arrin laga midoobo oo laga waantoobi ceebta iyo been-abuurka aan ku eekaanayn cida  dhooqa da lala damacsan yahay ee xumaanteedu ina wada taaban doonto.

Wax ha laguu sheegee maankaaga la kaasho. Fidnada been-abuurka iska jir, ka tabaabushayso saaxiib-u-yaalka qalbiga ka cadowga ah, yeelo dabar ku qabta iyo xad aadan dhaafin, masiirka ummadaada ha siisan dhadhamo, xasad iyo nin-neceyb yaanu xaqqa kaa indho tirin, u-kac horum arka ummadaada, kor-u-qaad kaskooda, u tilmaam dariiqa toosan, ka leexi kan qaloocan.

Bulshooy waa adigoo CODKAAGA KU CIIL BAXA, ee u dhaqaaq inaad KAADHKA CUSUB QAADATID.

 

Mahad oo dhan Alle ayaa leh,

Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah
 


Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com
SAMOTALIS Group
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/group.php?gid=143687650990&ref=mf

 


SAMOTALIS Page

http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589

http://samotalis.blogspot.com/