"Waxaad ka gudubteen
Carqabadii Doorashada waxaanu idiin balanqaadaynaa in aan dhismaha
dalka idinkala qayb qaadano"wasiirka mudowga yurub ee Sweden
Sweden (TNN)-Wasiirka Mudowga Yurub ee Sweden marwo Birgitta Olhsson
ayaa Ka qaybqaadatay Munasabadii Loogu dabaaldagayay doorashadii
dalka Somaliland dhawaan ka qabsoontay. Birgitta Olhsson oo ah
shaqsi si aada ugu ololeeya dimuqraadiyada iyo geedi socodka nabada
ee somaliland ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaaSomaliland waxa ay
ka gudubtay caqabad in mudaaba hortaag nay oo ah ta doorashada.
Birgitta waxa ay ku amaantay shacbiga somaliland sida wadaniyadaku
dheehan tahay ee ay codkooda ku dhiibteen, sidoo kale waxa ay si
gaara ugu amaantay sida dham aan xisbiyadii tartamay u
aqbaleen najiitadii codbixinta. Birgitta Olhsson mar ay ka hadlaysay
sida dalka Sweden iyo wadamada yurubta bahooben in ay aad usoo
dhaweynayaan horumarka xaga di muqraadiyada ee Somaliland
gaadhay ahna wax aan looga baran qaarada Afrika , Sweden iyo dalal
badan oo yurubii waxa ay u diyaar yihiin in ay Somaliland
dimuqraadiyadee ugu tahay furihii dhadha bada u xaadhayay
sidii Dalka soomaliland loo garab galilahaa ha noqoto mid dhaqaaale
am amid siy aasadeedba. Hadaanu nahay dowlada Sweden waxa aanu
noqondoona kuwa iyaga safka hore kaga la ka midho dhalinta
tageerada somaliland uga baahan tahay caalamka.Somaliland waxa ay ka
gud ubtay marxaladii ahayd caawimo biniaadnimo iyadoo ugu gudubtay
mashaariic horumareed taas oo macnaheedu yahay in soomaliland loola
macaamili doono qaab dawladeen.taas oo dhabada u xaadh aysa
kamidho dhalinta Aqoonsi taama.
Wasiir Birgitta waxa ay balan qaaday in ay ugudbindoono
Raysalwasaaraha Dalkan Sweden Mudane Fredrik Rienfall I uu si
dhaqsaa ugu hambalyeeyo dowlada iyo shacbiga dalka Somaliland.
Marlaweydiiyay mawqifka dalalka midowga yurub ee ku aadan dalka
Somaliland waxa Birgitta ku Ja waabtay midowga yurub marwalba
waxa ay danaynayaan deganaanshaha iyo horumarka Dalka so
maliland,waxa aanu xaqiijiney in shacbiga somaliland,iyo dhamaan
xisbiyada siyaasadu marnaba aa nay ogolayn in dalkooda wax
dhibaati ka dhicin, waxa aanu xaqiiqsanay in aanay marna seeflabood
ha ahaado midh shaad diineed huwan am amid dano kale oo ku lida
jiritaankooda aanay u ogolay dalkooda , taasina ay tahay wax aan
cidina iska idhi tiri karin, Dawlada Sweden iyo wadamo badan ooka
mida midowga yurub waxa ay u diyaar yihiin in ay garab buuxa u
noqondoonaan horumaraka dalkii somaliland.
Isla madasha Munasabada waxa iyana hadalo dhiiri galin iyo hambalyo
ah ka soo jeedisay Kerstin oo matalaysay xisbiga ugu wayn ee talada
dalka Sweden hada Haya, Kerstin waxa ay ku nuuxnuuxsa tay sida
dawlada somaliland horumarka aan mida lamida lagu arag africa
inteeda badan ugu hana qaaday Somaliland, Waanu idin
barbartaaganahay, xisbigayga waan hordhigi waxa aad qabsateen , waan
idiin hambalyaynaa si dhaqsaana xukuumadu way idiinku hambalyay.Waxa
aad hormood u tih iin dalal badaq oo ku yaal mandaqada Africa
siiba geeska afrika . Waxa isna goobta madasha xafla da ku
sugnaa Gudoomiyaha dalada guud ee Jaaliyadaha sweden Mudane Zakaria
Hassan Waes oo kaga qayb qaatay munasaba qudbad dhiirigalin iyo
tahniyad xambaarsan , Mudane Zakarie waxa ha daladiisi ka mid
ahaa muhiimada ay leedahay isku duubnida iyo meel ugu wada soo
jeedsiga ku adk aansha qadiyada soomaliland siiba qaybta kaga
aadan qurbajoogta, Sidoo ka waxa u ku baaqay in lala shaqeeyo
xukuumada cusub ee ku timi rabitaanka shacbiga haday noqon lahayd
mucaarid iyo mucaafidba.
Gudoomiyaha Xisbi muxaafidka kulmiye ee Sweden Eng Mahamed Ibraahim
oo isagu dhawaan dalkii hooyo ka soo noqday, Eng Mohamed waxa uu
umahad naqay Shacbiga somaliland ee suurta galiyey isbedelka dalka
sidoo kale waxa uu ka codsaday dhamaan xisbiyada mucaaradkaa iyo
shacbiga som aliland guud ahaan in ay la shaqeeyaan dowlada si
ay ugu suurto gasho in ay fuliso barnaamijkeeda siyaasadeen.
Gudoomiye ku xigeen xisbiga kulmiye marwo Fowzia oo qayb wayn ka
qaadatay abaabulkii xaflada munaasabada ayaa ka jeedisay hadalo
iskugu jira mahad naq iyo guubaabo , Marwo Fowzia waxa ay ku
adkaysay umada somaliland in ay ku adkaadaan qadiyadooda iyo horu
marka dalkooda, waxa aan idinka codsanayaa in aad waqti siisaan
dowlada cusub ayay ju soo gabagabaysay hadalkeedi.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradkaa ee Udub Mudane Abdi Ali ayaa isna si
qaranimo ku dheehan tah ay u xusay sidii quruxda badnayd ee
doorashadu u dhacdey iyo sidii sharafta huwanayd ee ay u wa
reejiyeen xilka dawlada. Waxa aanu balan qaadaynaa in aanu noqonayno
mucaarid ku adag toosin ta iyo tilmaanta kana reeban is
qabqabsi iyo ku jiq sii waxa aanu siinaya boqol cisho dowlada cusub
.
Mudane Ahmed Awaale oo matalayay xisbiga mucaaradkaa ee UCID ayaa
isna ka dhawaajiyey in ay muhiim tahay in dowladu culays saarto
taakulayta xisbiyada mucaaradka waayo waa furaha dimuq
raadiyada waa sida uu hadalka udhigee. Hadaanu nahay xisbiga Ucid
waxa aanu bilaabaynaa mucaridada marka ay kasoo wareegto boqol cisho
27/7-2010.
Shaqsiyaad mug kuleh bulshada dhexdeede ayaa iyaguna kala hadlay
dadweynihii goobta isugu yimi Sida Dr nimo Ismail oo ku boorisey in
la iska kaashado dhismaha dalkii hooyo isla marahaantaa ham
balyo udirtay dhamaan shacabka somaliland, waxa isna si gaara uga
waramay taariikhda dalkeena hooyo Sheekh Mahamaed Ismail.
Waxa iyana xusid mudan sidii masuuliyada iyo qaranimadu ku dheehnayd
ee ee ay barnaamijka u ho gaaminayeen xoghayaha dalada guud ee
jaliyadaha Sweden Mudane Mustafa Ismail iyo xoghayaha Xisbiga
kulmiye Sweden mudane Ibraahim Adan oo waqti badan uhuray in
xafladani si mug ku dham aato.
Anigoo ku hadlaaya magaca Dalada guud waxa aan si gaara ugu mahad
naqayaa Gudoomiyaha Dala da Haweenka Marwo Faadumo nuur Raaxo
,Fardood Ibraahim Bookh, Saynab Askar, Abdillahi iiman Tv Universal,
Fowzia gabax
Waxa aanu dhawaan idiin soo gudbin doona muqaalo iyo warbixino
muhiima sida qudbadii Wasiirka Midowga yurub ee Sweden Marwo
Birgitta Olhsson iyo qaarkale
Somaliland Guul
Gudoomiyaha dalada Guud ee Jaaliyadaha Sweden
Zakarie Hassan Waes
|