WAA TAHAY WADAAD SHARIIF MAANTANA MAXAAD TIDHI….?
 


WAA TAHAY WADAAD SHARIIF MAANTANA MAXAAD TIDHI….?


Bani Aadamka Ilaahay abuuray tasarufaatkiisa waxbaa xakameeya: Hanoqota mid  Diine ed, mid dhaqan, mid dadnimo oo damiirku ka xishood waxyaabaha qaarkood. Ma haddiise Aadamaha joojiyuhu u fakado wax la xeeriyaaba ma jirto. Hab dhaqanka siyaasiyiinta  So omaali konfureed ayaa manta ka dhigan moodhikaar injiinkii u fakaday. Wadaad Shariif iyo ina Cabdirashiid, kuwii ka horeeyey, iyo kuwa ka dambeeyaba xaaloodu waa siduu Ilaahay Qura’anka Kariimka ku sheegay: “ Man kaana fii haadihii acmaa fa huwa fil aakhirati acmaa wa adalu sabiilaa.” Ragga tamartoodii dhaafiweydey in ay adduunka ka dhowteystaan oo ay kiish kunta ka daloola hadba meel ula cararaan oo ay gacmaha hoose hoorsadaan  aj nebi. Weli ma dareensana magacii xumaa ee la kowsaday dowladdii lagu hungoobay ee lixdankii dhalatay eek u caanbaxday qabrigii qaraamaadka addunka. Wadaad Shariif iyo ina Rashiidoow ummadda reer Somaliland indinka iyo qeyrkiin midna wax ka sugimeyso dibna wax ula wadaagimeysoe, samir iyo iimaan Ilaahay ha idinka siiyo midnimo  Soomaali yeed oo dib loosoo yagleelo.

Wuxuu yidhi: Maandeeq markay curatay ay laba mataanaysay eed midig ka Haaneeday, markayaal markaad heemiseen ee maataadii qadisey, maantana midaad soo waddaa sow macaac ma ? aha//: Waa taan isniintii dhoweyd awrta kuu raraye, maantana maxaa I kaa ag dhigay sow arbaca ma aha? Nin indho la’ oo dhego la’ oo hadba dhinac u rooraya wuxu halis u yahay in uu aakhirataanka haadaan ka shalwado. Hore waxa loo yidhi waano  dhal an baa ka adage miciin ha moodo kub aan daalin, kubo an dhergin, iyo kas aan garan.

Wanaag iyo walaatinimo hore ayey Walaweyn u deeqi weydeye ilaa inta suurtii yumal  qi y aamaha la afuufayo midnimo Soomaaliyeed weligiinba ku eedaama, taasi u ka dhian  sid uu Qur’aan sheegay: “ Kamaa ya’isal kufaaru min asxaabil qubuur” ama “Xattaa yalujal jemelu fii simmil khayaad.” Nin hoggaan siyaasadeed u hanqal taagay seddex hal in uu ku sifoobo waa xaraan: Ma quuste, ma qabsoome, iyo ma qaderiye! Wax yaab noqotay  laba atankan sannadood ee u dambeeyey siyaasiyiintii koonfureed seddexdaa hal ayey ka  ma soobeen. Nin kaa tashaday oo dalkoodii dhistay wax idin kulmiyaaba jirin waxaad u daba gebleysaaba waa gardaro. Marka hore Soomaali koonfureed ha is weydiiso waxa looga tegey. Markay Soomaali koonfureed teeda meel dhigto tu cid kale haka hadasho.

CULIMADII SHALAY IYO KU MAANTA?


Werdi iyo kitaab, wacdi iyo wax sheeg intii la xidhiidha Diinta Islaamka waxa lagu ogaa  wa daad caalim ah oo bulshada ka mudan qaderin, sharaf, maamuus, iyo karaamo gaar ah oo salka ku haysa xadiiska odhanaya, “ Culimaa’u ummati ka anbiyaa bani Israaiil.” Oo  macni hiisu yahay culimada ummadeydu waxay la midyihiin nebiyadii reer Israaiil.

Marka aynu is barbar dhigno culimadii hore ee Soomaaliyeed iyo kuwomaantajooga ayaa faraq weyni u dhexeeyaa. Hirdanka culimadii hore iyo kuwa manta ayaa salka ku haya  da gaal qadhaadh oo dibadda laga soo maamulayo looguna talo galay in ummadda  Soomaali yeed caqiidadeedi shaki la geliyo hilfahana loogu laabo Madhabtii Shaaficiyada ee  boqol aalka sannadood aynu ku soo dhaqmayney. Aaafadan ayaa si gaar ah ugu habsatay  Soo maali Konfureed ka dib markay hadhaagii Siyaad Barre ay qori u adeegsadeen Kitaabkii Ilaahay.

Waa masiibadii bilowga boqol guurada shan iyo tobnaad ee tariikhdii Hijradii Nebi  Muxam ed Sallalaahu Calayhi wa Salam, oo lagu tijaabinayo deegaanada Soomaalida  dhammaa ntood.

RAADRAACKOOBAN TAARIIKHDII ISLAAMKA


Hadaba marka aynu bilowga taariikhda Islaamka dib u raacno, ayaa waxa jirta in  marka sta oo ay boqol guuro buuxsantaba in fitno aan hore loo arag lana maqalini dhacdo. Tii  u gu dambeyseyna waatan riiqdeedii sii qoyantahay(1399H). Bal hada aynu dib u  raadraac no siddeedii boqol ee sannadood ee taariikhda Islaamka u horesey iyo waxyaabihii  dhac ay:

Masiibadii u horessey: Waxa dhacday fidmadii Xujjaaj Bin Yuusuf Al Thaqafi, waa tii uu  m asaajid kaga khudbadeeyey, “ Yaa Ah-lal Ciraaq, yaa Ahlal-kurfi wal-nifaaqi waash-shirki, innii araa ru’uusan qad aynacat wa xaana waqtu qidaafuhaa; la tacrifuunii mattaa adicu cimaamati..”=” Reer Ciraaqoow, waxa la bahaowdeen Gaalnimo, munaaqnimo, iyo Ilaahay oo cid kale ku lammaaneyseen; waxa ii muuqda madaxyo bislaaday oo xiligii la goyn lahaa gaadhay; waxay dun I garan markaan cimaamadda dhigto..” Xujjaaj hadalkiisii wuu kaga dhabeeye oo ummad farabadan ayuu dilay.

Tii labaadna: Waxay la kowsatay dagaal ba’an oo dhexmaray Ma’muun [Cabdallah Abu Al-Cabbas ibn Rashiid] iyo walaalkiis oo uu si foolxun u dilay. Waxa kale oo taa ka darneyd in Ma’muun ummaddii ula shir yimaado wax aan hore loo maqal ooo ahayd in Qur’aanka  Ka riimka ah la abuuray- Sumxaan Allaah min Ma’muun.

Tii Seddexaadna: Waxa soo baxay nin la yidhaa Alqurmudi iyo wixii ka dhacay caleemo  sa arkii Al-Muqtadir Billaah Abu Al Fadl Jacfar Ibn Muctadad Ibn Al-Muwafaq Dalxa Ibn  Muta wakil Ibn Al-Muctassim Ibn Rashiid,wakhti yar ka dib xilkii ayaa Muqtadir laga xayuubiyey, waxana lagu bedeley Ibn Ul-Muctas Billah Muxamed Abu Cabdallah Ibn Mutawakil Ibn  Mu ctasim Ibn Rashid. Ibn Ul-Muctas isna xilkii ayaa laga xayuubiyey, khilaafadiina waxa dib loogu caleemo saaray Al-Muqtadir, isna markiiba wuxu ku dhaqaaqay in uu gowraco  Qaa digii iyo Culimo kale oo fara badan, dil, dhac, boob, iyo tacadiyo kale ayaa dowladdii  Isla amka hadheeyey.

Tii Afraadna: Waxa yahayd Fidmadi Al Xaakim Bi-Amrillah[Abu A- Cabbaaas Axmed bn Abi Cali Al-Xasan Ibn Abi Bakr Ibn Al Xasan Ibn Cali Al-Qubi Ibn Al-Khaliifah Al-Mustarshid  Bilah Ibn Al-Mustadhir Bilah] iyadana sheekadeeda. Halkan laguma soo koobi karo.

Tii Shanaadna: Waxay dhacday markay Saliibiyiintu la wareegeen Beit Ul-Muqadas iyo  dh ulkii la odhan jirey Sham.

Ta Lixaadna waxa dhacay sicir barar aan hore loogu ilaa sebenkii Nebi Yuusuf
Ta todobaadna waxay ahayd weeraradii Tataarku ku soo qaadeen dowladdii Islaamka oo dad aad u tiro badani ku nafwaayeen oo dhiig badani ku daatay.
Ta Siddeedaadna wa dagaaladii dhexmaray Islaamka iyo Tamerlane.

HADALADA KOOXDA WADAAD SHARIIF

Intaa haddiii aan ku dhaafo hordhacii tusmadan, waxan jecelahay in aan waxooga ka  idh aado hadalo aad u macno daran oo had iyo jeer ka soo yeedhay hadba ciddii loo  cumaa mado talada Soomaali koonfureed oo ay ugu dambeysey tan wadaad Shariifka Muqdusho lahaa Somaliland annaga ayey sugeysaa inta aanu xasileyno ee xiska iyo maanku dib  no ogu soo noqonayaan. Waxaad aad moodaa in tubtii uu kii u horeeyey maray in kuwa  da mbena ku raadjoogo oo ay taxliil wada cabeen. Aadamaha sidiisaba waxa uu hadalku ku habooyahay in uu marka hore u meeldayo oo aanu ka noqon waran isaga dib ugu soo  no qda. Waxa dunidii waakeeyey wadaad werdigii, wacdigii, weysadii, iyo Kitaabkii lagu ogaa intuu xooray yidhi siyaasad ayaan u xuubsiibtay oo anna wey kan. Isla markiiba waxa ka barbar oogsaday kuwo aan Kitaab iyo Diintoona ehel u ahayn oo Kitaabkii Ilaahay ka  dhig tay wadkii Soomaali dabargoynayey. Wadaad Shariif iyo kooxda uu horboodayaa marka ay maareeyaan halaaga ay ummadoodii u horseedeen ka dib arrimo kale ha ka hadlaan. Gaar ahaan wadaadka waxa la gudboon marka u horeysa in uu isku dayo bal in uu  midig tiisa iyo bidixdiisa mattaaneeyo oo meel isugu keeno inkastoo aanya taasi marnaba u suurto geleyn.

WADAAD IYO DOWLADNIMADII LIXDANKII?


Ilaa intii ka dambeysey gobanimadii lixdankii koleyba wadaada waxbaa laga urinayey oo haddii aynu tilmaan u soo qaadano berigii[1961] loo codeynayey Distoorkii/Xeerkii  Israa ca waxay kaba caddu ku balweyn jirtey:

Waa tahay wadaad wadadii cadeyd naga weecise; Waa tahay wadad wan dambood cuntaa waa kaa wallee.


Isla wakhtiyadaa ayaa Webi Shabeele iyo Juuba dulkii konfureed ku fataheen oo dad iyo xoolaba galaafteen. Addun weynaha ayaa soo gurmaday oo deeqo raashin iyo daawooyin isugu jira deg deg u soo gaadhsiiyey. Waxay kale oo jirtey in dowladdii Soomaaliyeed ee xiligaa jirtey dadkii hormoodka ka ahaa in ay ku taliyeen in mucaawinooyinka laga soo dejiyo Boosaaso! Weynu qiyaasi karnaa goobta dadku ku tabaaloobay iyo halka wax laga so dejinayaa inta ay isu jiraan. Fikradda noocan ihi waa mid soo jirtey tan iyo maalintii wixii la isku odhan jirey Jamhuuraddii Soomaaliyeed iskeed u haligantay. Tusaalo kale  had dii aynu soo qaadano waxa tan hore la mid ah wersheddii sibidhka ee Berbera laga dhisay muddo shan iyo tan sannadood ah ayaa la hadal hayey oo waxa dhacday golihii kacaanka oo maalin arrinta ka hadlaya in nin madasha fadhiyey soo jeediyey in dhagaxa Berbera baabuur lagu soo qaado wersheddana laga dhiso Buur Xakaba! Tani waxa markhaati ka ah mashaariicdii Soomaaliya laga hirgeliyey mudadii dhexeysey 1985-1990 oo qiimahoodu ku kacay US$4.3605 Billion, waxa Somaliland ka soo gaadhay US$142.00

Million, oo US$68.00 Million oo ka mid ihi ku baxday wersheddii sibidhka.
Dhalinyaro iyo waayeel meesha wax isdhaamaba kuma dhaqnee ma dhambal ayaa caqliga loogu shubay. Berigaa webiyadu fataheena dhalinyaradii kaba cadda la odhan jirey waxay ku heeseen:
Ilaahii Walaweynta webiga ku rogoow waraabahan shacabka rooraayiyo weeggan naga qabo wadaadada.

Toloow berigaana xagay wax ka qaloocdeen ee culimada laga raacay? Waa su’aal iswediin mudan.

SOOMAALI KONFUREED MAXAY KU HIRDAMAYSAA?

Si kastaba wax ha u dhaceen dhibaatada loo caalwaayey ee Soomaali koonfurees  ragaa disey waa mid ay iyagu gacmohooday ku abuureen ee dowladdii Siyaad Barre wixii ay  So maliland ka geysatey iyo mid u dhow toona koonfur kulamay kicin. Tii oo koonfuri  fayowd ahay ayuu Siyaad Bare ka tegay, dabadeedna Cali Mahdi iyo Maxamed Faarax Caydiid  ay aa xukunkii isku qabsaday oo Magaaladii Muqdusho ayaa noqotay goob dagaal oo laba  dh inac u kala saffan. Markii xigaeyna Cabdiqaasim-Qasbaaye ayaa Carta, Djibouti lagu soo caleemo saaray. Isna Cabdillaahi Yuusuf iyo xulafadiisii ayuu tab ka rogi waayey  wakhti giina sidaas ayuu kaga dhammaaday. Waxa xigay Cabdillaahi Yuusuf oo isna Embagathi  l agu soo caleemoo saaray; isaga iyo gacan yarihiisii Cali Geedi waxa ka horyimid kooxdii  la baxday Maxaakiimta. Xasuuqyadaii Xamar ka dhacay dunidu wey ogtahay oo halkan  lag uma soo koobi karo. Cabdillaahi ujeedadii u kala haa markuu gaadhay ayuu Yaman  magan gelyo siyaasadeed isku dhiibay. Isbahaysigii Maxakiimtuna wuxu u kala jabay laba  koox ood oo iskasoo horjeeda: Kooxda Asmara iyo Kooxda uu horboodayo wadaad Shariif ee Djibouti lagu soo dhoobdhoobay oo hadda dagaal qadhaadhi ku dhexmarayo meelo badan oo koonfur ka mid ah. Waa tabtii ninkii Carbeed ee gabyey laha:

Acdatu lil shcaraa’I summan naaqican; fa asqaytu aakhirahum ka’asal aweli= Waxan  ga bayaagii u diyaarshay sun ay ku go’aan,Kii u dambeeyeyna waxan ku waraabshey  koo  b kuu kii u horeeyey ku cabbay!

Suntaa lagu le’day waxa manta ka dhigan hoggaanka madaxtinimo ee Soomaali konfureed ku halaagantay. Dambarkii maadeeq laga lisay oo sun isu bedel ayaa hadba mid cumaad madaxweyne duubtay leeyahay anna aan dhad hamiyee markayga ii dhiiba.

 



Halkaa ha inoo joogto

 



Axmed Cali Ibrahim Sabeyse