“Waana nasiib daro haddii uu guddoomiyaha xisbiga Kulmiye uu u haysto in hadal lagu waxyelayn karo qaranimada Somaliland” Wasiirka Qorsheynta Qaranka cali-sanyare
 


Hargaysa(TNN)- Waxaa indhaha Wasaaradda Qorsheynta Qaranka soo jiitay laba qo dob oo ku jiray warsaxaafadeedkii uu qabtay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud “ Siilaanyo” maalintii salaasada ee bishu ahayd 16 Febrweri 2010. Kuwaas oo kale ahaa:



1. Warar, uu ku tilmaamay in wadatashigii (shirkii) u dhexeeyey Somaliland iyo deeqbixiyaashaa lagaga Hadley arrin waxyeeleeysay qaranimada Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye’e.

2. In Beesha caalamku soo gaadhsiisey Somaliland deeq dhaqaale oo gaadhaysa 216 milyan oo dolaarka Mareykanka ah labadii sanadood ee ina soo dhaafey, waa sidu haddana hadalka u dhigaye’e.



Waa arrinta kowaade, waxay nala tahay in qaranimada Somaliland aanay  ahayn”qo sol- ku jab”. Balse ay tahay mid taagan oo jirta oo dhidibka aastay oy ilaalinayaan sadex milyan iyo shan boqol oo kun oo muwaadin.

Umana haysano, hadal la yidhi iska daaye, inay cidi waxyeeleen karto qaranimadeena.

Waana nasiib daro haddii uu guddoomiyaha xisbiga Kulmiye uu u haysto in hadal lagu waxyelayn karo qaranimada Somaliland.

Qof ama dal, ra’yi ahaan, inagu diidan inama wax yelayeen karaa. Ictiraaf- raadintuna dhabar adeeg intaas ka xoogan ayey inooga baahantahay.

Haddii Guddoomiyaha loo sheegay hadal uu safiirka Masar ka yidhi madasha, waxay ahayd inuusan ka tegin jawaabihiii uu guddoomiyaha shirku iyo xubno ka tirsan shirkaasi ay ugu jawaabeen safiirka.

Nasiib darose waxa ah in Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye uu isku dayey inuu  siyaasiye eyo “hadal iyo jawaabteed” oo nuxur ahaan la siyaasiyeen karin halkiina ku dhammaaday.



Arrintii labaad ee deeqaha ku saabsan, waxa la bilaabay sanadkii 2008ka xisaabtanka deeqaha dalka soo gaadhay.

Waxay sanadkii hore, wasaaradda Qorsheynta Qaranku soo saartay warbixin xisaabeedkii sanadka 2008 oo ahayd 53 bog, taas oo si weyn loo shaaciyey.

Warbixintu waxay, si qeexan, u sheegtay ama u iftiimeysay:

1. Deeqdii dalka soo gaadhay sanadkii 2008ka oo dhameyd $70,731,769 oo dolarka Mareykanka.

2. Meelihii ama cidii ay deequhu inooga yimaadeen

3. Sidii iyo wixii ay ku baxeen iyo wadaagihii (sectors) la xidhiidhey.

4. Sidii goboladu u kala bursadeen

Waxay warbixintu xambaarsaneyd xogo badan oo kale oo hore loo hayn.

Xisaabtankii mashaariicda ee sanadkii 2009 wuu bilaamey, haddana gacanta lagu hayaa.

Marka la dhameystirana, waxa loo soo bandhigi doona dadweynaha sidii sanadkii ina dhaafay oo kale.

Markaas, deeqda lacagta ee labada sanadood ah uu sheegay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ma sugnaan karto ilaa xisaabtanka 2009 la dhameystiro. Markaas oo la  oga anayo, rasmi ahaan, deeqda dalka soo gashay sanadka 2009ka. Marka lagu daro tii 2008ka aya wadar sugan oo labada sanadood ah la heli kara. Waxaanu kula talinayna Guddoominyaha Xisbiga Kulmiye in aannu ka hor dhicin inta xogta runta ah la soo saarayo.shacbigana aan lagu jahawareerin deeq afka laga yidhi oo aan weli la hubin inay dalka soo wadagashay.

 



Alla Mahad Leh
Cali Ibrahim Maxamed
Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Iskuduwida iyo
xidhiidhka ha’yadaha Caalamiga ah