Maansadii  Waano Saaxiib

 

Salaamu calaykum marka hore, marka xigta anigoo ah Yaxye Cabdi Cali Yeebaash,waxaan jeclaaday inaan idiin soo tabiyo maanso la magac baxday Waano Saaxiib taaso  taf atiray sa,tusaale iyo tilmaana ugu filan ruux kasta oo jecel inuu helo saaxiib sharaf le oo isagana faaido u le mujtamacana faa’ido le kana dardardaaraysa saaxiibtinimada lala  yeesho  qof ka doqoni raacaydaa, waxa ay si qayaxan u cadaynasaa saaxiibtinimadu muhiimada ay  le edahay. Waxay soo baxday maansadani sannadii 2008 markaaso aan ala talinayay  asxaa btayda mid ka mida waxay tidhi maansadu sida tan:

 

 

* Weedhahaygii sinnaa
* Matirin waayahaa sakariyowe
* Waa baynu saaxiibo nahay
* Ilaa iyo saakadane
* Saaxiib xulashadiisuna
* Waa shay aad u saran
* Samankan aynu joognaaye
* Waano saaxiibaan
* Inta aan ku siiyo
* Kuu kala saarilaa
* Hadaada saaxi tahaye
* Saaxiib micnihiisuna
* Waa kalgacayl sareeyoo
* Sambabada agtoodiyo
* Wadnahaaga saaranoo
* Sahal lagu helayne

********

* Dadkanaad sawireysee
* Susumaaya aduunkuna
* Waykala soocanyihiinoo
* Isku wada sifo maaha
* Aadmiga se laba sibaan
* Kuugu kala saaroon
* Sadar kuugu muujiyee
* Weedhayda la soco

********

* Mid aad socodkiisiyo
* Sawirkiisa layaabtid
* Oo saancadaalihii gaal
* Siduu u dabaqaayay
* Surwaalku ka dhacayoo
* Timaha seeb xiiray
* Marka uu suuqa maraayona
* Dhexda sararaha jidhkiisa
* Shan jeer kala siiboo
* Sanka uun kor u taaga
* Foolxumo tii u saraysaa
* Korkiisa saaranoo
* Isaguna sidaasuu
* Qurux soo jireen ahiyo
* Saxdii u haystaa
* Hadalkiisa siraatana
* Heblaayaa xagan socotiyo
* Sakadaasay ka laabtay
* Aanay ka suulayn
* Diintuu sarjarayaayoo
* Sixunbuu udhaqmayaaye
* Hala saaxiibin kaa
* Waano aan simaybaa
* Sidaa ku faraysee
* Bal kawarn saaxiib

********

* Allahaaga sareeyaa
* Mu’miniintiisa ku soocday
* Aayaduu soo dajiyee
* Mid aad sabirkiisiyo
* Balanta sugi yaqaano
* Oonad salfudaydiyo
* Saxarkaa ku arkayn
* Sunnihii rasuuliyo
* Salaadoo oogaa
* Saldhigiisa tahayoo
* Waalidka suubiyoo
* Saacaday dhibtimaado
* Ku saacidi yaqaanoo
* Sinaba aan kaa tagayn
* Xumaantii ka sahdiyoo
* Samaha aad uyaqaana
* Sumcadiisa layaaboo
* Tacliintiisa saraysana
* Loogu wada sarakacabaan
* dadka kaaga soo saaree
* balkawaran saaxiib

********

* saaxiib anuunbaaba
* kuu dhuuxaya sirtoo
* oon marnaba sogordohayne
* ha saluugin waanada
* adoon si kale uqaadan
* hagaaji saaxiibka

********

* saaxiibkay adoo ah
* adigoo sida nuurka
* samadaa iiga iftiima
* anigoo samirkaagiyo
* kugu sifeeyey wanaag
* wanaada aan ku siiyo
* xubnahay ka socotaa
* oo si fudud kuma keenine

********

* looma seexdo aduunka
* waa loo sarakacaye
* saddex cisho uun weeyi
* oo la seeto dheereeyee
* camalkaad waxsiisane
* aakhiro sideedaba
* haka saarin qalbigoo
* yay ka siiban abidkee

********

* qofkii kaa sannad wayna
* waxba yuu ku saloolinoo
* qalbigaaga sawaabina
* da’daada uun la soco

********

* dumarkii aan sirtoodio
* aan aqaanay safkooduna
* way wada socdeenoo
* saddexdii hadhaybaaa
* toban saamood loo
* maryaha dirqi ku sitee
* yuu ku taaban sixirkoodu
* way ku sal guurinayaayne

********

* waalidkaagii sida adag
* kuugu soo tacbay
* hooyadii sagalka bilood
* calool kugu siday
* aabahagii sannadaha
* cunto kuu siinayaa
* inaad suubiso mudane
* xilkaa isa saar

********

* cilmiguna waa siraadaha
* dunidan saaka joogtee
* danta kuma seejiyee
* waligaa sida oo
* ha ka sallimin abidkaa


 

Yaxye Cabdi Cali Yeebaash
yeebaash@hotmail.com
yaxye.yeebaash@gmail.com
252-2-4136181