Cabdiyow murtidaad soo huftee hirarka soo
jiidhay,
Timacade bogeedii horiyo, webabku kala
haadshay,
Ismaaciil jawaabta u helee hore ka soo
raacshey,
Waa gabay ninkii la hordhigaa oohin hoorsado
e,
Waa gabay haweenkaba dhamaan duray hankoodii
e,
Waa gabay hurdad iga kacshoo huray
jidhkaygiiye,
aniguna hal baan odhanayaa ila haboonaatay.
*******
Hablaheenu waa dahab cabdow haybad gooniyahe,
Hoodiyo Sareediyo Hibaaq hibo la gaadhayne,
mahawaysto nimaan geel horwayn hore u
dhiibayne,
waa horjoog qurxoon uu nin dhalay hala ka
qaataay e,
looma hooyo nimaan hanan karayn guud
haldhaaleey e,
dhaqankiyo hidaa kama tagaan, waana la
hubaaye,
Hooy wacan midii lagu korshee diin ku hana
qaaday,
ee hooyadeed ababisee hubisay socodkeeda,
aabaheed higaada u dhigiyo hadaladii eebbe,
marna inaanay hoos marin sharciga waa mid la
hubaay e,
bal hubsada habluhu uma dhamayn hadaf xumaan
taase.
*******
Cabdiyow haween kii ma dhiman herer ku
noolaaye,
gabdhihii hugoodii ma qubin heensa hoodii e,
sidiibay xijaabki u hayaan taniyo haabiil e,
hadal kooda sidii bay cabdow hoos
udhigayaane,
sidii bay hanaan kii wacnaa wali u hastaane,
hagoog wacan sidii buu geyaan weli u
haybshaaye,
iyaguna ush leeyiin midaan hoysan karahayne,
bal hubsada habluhu uma dhamayn hadaf xumaan
taase.
*******
Habluhu way sariigtan cabdow sharafta
haystaan e,
shaydaan miduu huufsadaan cidina haynayne,
hooyiyo aaban celin karayn oon horjoogayne,
Hanadkay la dhalataan karayn waa habow jaane,
abid iyo horaa loo ogaa midaan hagaagayne,
hoygii qureeshtiyo makaad qaar ka helaysaa
e,
Heegaarka dunidoo dhanbaa lagu hayaa taase,
Halkii aad timaadaba darbaa seegay hilin
kiiye,
bal hubsada habluhu uma dhamayn hadaf xumaan
taase,
*******
Cabdiyow dhulkii hooyo iyo herer warkaa
yaala,
hal iyo laba hadii ay gefeen oo la hubo
maanta,
Ha yeeshee sharciga lagu hagoo jeelka lagu
hooyay,
oo cadaaladii la hor dhigoo loo
hamranahaynin,
waxa haatan loo hadal hayee dhaafshay heer
keeda,
hablihiina loo hiifayaa keenay haraanka, waa
hal aanan
garan oo runtii hubin u baahnaaye,
bal hubsada habluhu uma dhamayn hadaf xumaan
taase,
*******
Cabdow dawladaan haysaniyo haybadlow calanka,
habeen iyo dharaar ciidan kaa heeganka u
taagan,
hadaf xumo ninkii ula yiimad way haligayaane,
god dheer bay ku ridi saancadaha heeray
dhaqan kiiye,
iyagaa hogaan kii hayood hawl u dirateene,
uga hadha iyana yaan la lumin himiladoodii
e,
*******
Waxba hadal ku yuu ila durkine waxaan ku soo
hooyay,
Ragoow hiilku waa furan yehee horumar
raacdeeya,
Haweenkiina idinkaa dayacay dhigay habaas
kaase,
Hogaad kula jirtaan qaad ka baxa hidiya
aayadka,
hoos u eega guryihiina oo hoysta ubadkiina,
u hamrada ganboolayda oo hura xaquuq dooda,
*******
Hablaheena idinkaa lunshoo heeray bawdada e,
marka aad halaysay tidhaa dhaaftay hilin
kiiye,
markaasay hog wayn ugu dhacdaa midaab
hanbaynayne,
Halkaad igu banaysuu ka yimi halaqan
shaydaane,
marka aad halaag taad hadana qaran dhan
hiiftaane,
Hablahoo dhan baa wada xunbaad howdka
gelisaane,
Gabdhihiina idinkaa hodee sharaf ku
haasowsha,
*******
ka hor jooga nacabkoo ka hira horoor ka
geestiina,
weligaa hubsiimo u lahow hooyga kuwa jooga,
Nin walbow hablaa ku la dhashee wax u hanbee
tiina,
Hawadaadu yay kula durkine hubi odhaahdaada,
Hooyo waa guntee howga tegin howsha
dhinacaaga,
Hogaan kana ragbaa lagu ogaa hay ya
xadhigiisa.
Alaah haydin garabgalo
munajeed@hotmail.com |