“Waa Xaaraan In S/land Ka Qayb Gasho Shirarka Lagu Midaynayo Somalia, Marka Uu Wasiirka Khaarajigu U Baxayo Dibadaha Waa Inay Sii Raacaan Xubno Baarlamaan”

 

Guddoomiyaha Arrimaha Dibada Wakiilada Xuseen Maxamed Cigge
 


Hargeysa, February 14, 2011 (TNN) - Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibabada iyo iskaashiga  caalami ga ah ee golaha Wakiilada Somaliland Xuseen Maxamed Cige ayaa sheegay in ka qayb galka shirarka  lag u midaynayo Somalia ay yihiin arin xaaraan ah, isla markaana ka hor imanaya Xeerkii labada gole ee  Baa rlamaanka Somaliland ay 12-kii October 2003-dii ay ku xaaraantimeeyeen ka qayb galka shirarka loo  qa bto kooxaha Somalia.

Guddoomiyaha arrimaha dibada Wakiilada Xuseen Maxamed Cige waxa kale oo uu sheegay in shirkii  dha waan lagaga hadlayay arrimaha Somalia ee lagu qabtay dalka Ingiriiska ee uu ka qayb galay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/laahi Cumar, haddii lagaga hadlayay dib u heshiisiinta arrimaha Somalia, isla markaana lagu marti qaaday Somaliland gobol ka tirsan Somalia ay ahayd arin xaaraan ah, isagoo intaa ku daray inaanay xukuumadda Siillaanyo aanay isku koobin dadaalada siyaasada khaarajiga iyo hawlaha Ictiraaf raadinta, balse ay ka wada qayb qaataan Baarlamaanka iyo xukuumaddu marka uu Wasiirka Arrimaha dibada socdaalada dibada u baxayana aanu kaligii u bixin, balse ay sii raacaan xubno ka tirsan guddidooda arrimaha dibada ee Wakiiladu, taas oo uu ku tilmaamay arin lagama maar maan u ah aqoonsiga Somaliland, isla markaana miisaan u yeeli karta qadiyada gooni isku taaga Somaliland, wa xaanu sheegay in Wasiirka Arrimaha dibada golahoodu u yeedhay si ay wax uga weydiiyaan qaabkii u uga qayb galay shirkaasi ay ka soo qayb galeen maamulada Somalia ee TFG, Puntland iyo Gal-mudug.

Guddoomiyaha guddida arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ee golaha Wakiilada Xuseen Maxamed Cige oo Haatuf uga xogwaramayay aragtida guddidooda iyo doorka uga banaan siyaasada arrimaha  di bada iyo aqoonsi raadinta, waxa uu yidhi “Halkii uun baanu ka taagan nahay , haddii dawlad iyo  Baarlam aan Ictiraafka Somaliland la doonayo in Baarlamaanka iyo xukuumaddaba ay ka wada hawl galaan oo  W ufud dibadaha la isku raaco oo marka Wasiirka Arrimaha Dibadu socdaalada dibada u baxayana ay xubno guddida arrimaha dibada ee goluhu ay sii raacaan, arintaasi oo aan u arko in wax badan ay ku soo  kord hinayso, dadaalada qadiyadaa-na soona dhaweynayso aqoonsi aynu ka helno caalamka, maxaa yeelay, marka Wasiirku la shirayo masuuliyiinta dawladaha uu booqdo xildhibaanaduna wixii la kulmi karaan, xild hibaanada dhigooda ah oo ay ka dhaadhicinayaan qadiyadeena gooni isku taagana miisaankuna waxa uu ku jiraa, golayaasha Baarlamaanka oo kala qayb qaata xukuumadda siyaasada dibada, waxaan u arkaa in arintaasi si weyn u dheyelsaday, waanan kala hadlay Wasiirka arintaasi”

Mar aanu weydiinay guddoomiyaha arrimah dibada Wakiilada sida uu u arko in wakhtigan xaadirka ah oo aan Somaliland wax aqoonsiya caalamku siinin, haddii Somalia beesha caalamku ku marti qaado shir ay fadhiyaan maamulada dawlada TFG ee Somalia, Puntland iyo Gal-mudug, waxa uu yidhi “Hadii aynu ka  ha dlayno dan guud oo Somaliland lagu casuumay, dawlad madaxbanaan oo aan lagaga wada hadlayn  arri maha dib u heshiisiinta Somalia, waxay ku xidhan tahay, hadba mawduuca la inoo casuumay iyo wax  la gaga wada hadlayaa waxa uu yahay, hadii lagaga wada hadlay Somalia oo dib loo midaynayo, oo  Punt land, Gal-mudug iyo Somaliland la yidhi ka soo qayb gala Somalia oo la midaynayo, anigu waxaan u arkaa inay xaaraan tahay oo qalad weyn ay ku tahay Somaliland, haddii se la leeyahay Somaliland ha ka soo qayb qaadato, ariminta mushkiladaha ka taagan Somalia, taasina waxaan u arkaa inay daw tahay, Wasii rka Arrimaha Dibada-na waanu la balan sanahay gole ahaan inuu na hor yimaado”.

Mar aanu weydiinay sida uu arko Xeerkii labada gole ee Baarlamaanku ku xaaraantimeeyeen, ka qab  gal ka shirarka lagaga wada hadlayo hidisayaasha Somalia, waxa uu yidhi “Haddii shirkaasi ahaa wada hadal siin Somalia oo dhan oo inaguna aynu ka mid nahay waa xaaraan, sharcigaasina waa kii laga soo saaray, Wasiirka Khaarajiga ee dawlada TFG ee Somalia ee yidhi Somaliland waxay shirkaasi kaga soo qayb  gas hay maamul goboleed Somalia ka mid ahna, waxaan qabaa inay tahay gef uu ku muto ciqaab adag, wax aan qabaa inuu dambigaasi ku mutaystay dil, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland waxay ahayd inuu ka jawaabo hadalkii quudhsiga ahaa ee ka soo yeedhay Wasiirka Khaarajiga Somalia, oo uu yidhaahdo kama mid nihin Somalia ee qaran madaxbanaan baanu nahay, aniguna kama iman gobol Somalia ka tirsan, ee waxaan ka imid dal madaxbanaan oo Somaliladn la yidhaahdo”.
 

 

Source:Haatuf