Rafaadkii mudada qaatay iyo Raaxadii ka danbaysay?


 

Burco (TNN) - Dalkani waxa uu dhacaa geeska afrika waa dal curdin ah isla markaana ay ka jirto na bad,xasilooni iyo kala danbayn buuxda waxaana si weyn uga hanaqaaday Dumuquraadiyada  wax aana uu xoriyadiisa qaatay 1960 kadib markii ay halgan dheer u galleen badbaadin mustaqbalka dadka iyo dalkaba oo ay kaga dhinteen halyeeyo maanta taariikhda dalka kaga jira baal dahab ah waxayna afar cisho kadib xornimadii la midoobeen wadan ay deris haatan yihiin .

Midowgaas oo ahaa mid aan laga fiirsan ayaa waxa uu dhaxalsiiyey dulmi rafaad xasuuq iyo  dhiba atooyin kale oo aan lasoo koobi Karin waxaana uu dalkani markale galay halgan mudo dheer  qaat ay iyo dib u xorayn kaasi oo ay la galeen dawladii macangaga ahayd ee Siyaad Barre oo samaysay xadgudubyadii ugu la yaabka badnaa ee dawladi u geysato shacbigeeda tusaale ahaan ma dhicin horena loo maqal lama arag diyaarad magaaladii ay ka duushay oo dad rayid ahi ku nool yahay dib u rushaysa!

Waxa ay ahayd sannadkii ugu darnaa ee xasuuqa shacabka dalkani 1988 xiligaas oo ay dhacday  x adgudubyadaan soo xusnay oo ka dhacay guud ahaanba Magaalooyinka waa weyn ee wadankani

Dagaal iyo dhiig badan oo daatay kadib waxaa markale mandiqadani lasoo noqotay xoriyadeedii  s annadii 1991 waxaana ay jabhadii guusha soo haysay talladii faraha ka saartay rayidka iyadoo la isku raacay in laga madaxbananaado gobolkii ay hore ula midoobeen lana qaato nidaam ku dhisan caddaalad sinaan kala danbayn iyo qaynuun aan lahayn sifihii kelitalisno waxaana la isla gartay in ay jabhadu si ku meelgaadh ah usii hayso xilka waxay sidaa ku socotaba waxaa dalkani markale dib u galay dagaalo sokeeye oo salka ku haya qabiil iyo kursi jacayl taasi oo sababtay in markale beelaha dega mandiqadani ay isu yimaadaan kana tashadaan masiirka umada iyo dalkaba  waxaa na shirkaasi ka markale si kumeel gaadh ah loogu doortay madaxweyne labaad oo aan ka mid ahaan jirin jabhadii dalka xoraysay


Waxaana uu madaxweynahaasi dhisay dhamaan laamihii dawladeed iyo haayadaheedii sidoo kale waxa uu suura geliyey lacag geyigani yeesho iyo kor u qaadida kobaca dhaqaale waxbarasho iyo caafimaad waxyaabaha kale ee lagu xasuusto madaxweynahan waxaa ka mid ahaa hirgelintii u  co dayntii dastuur uu yeesho dalkani sannadii 2001 isagoo wali aanay ka dhamaan xiligii  madaxtinima diisa ayaa uu geeriyooday waxaana tallada ka gacanta ku dhigay ku xigeenkiisa oo noqday  madax weynihii saddexaad dalkan isagoo labo sanno oo keliya ka dibna qabtay doorashada  madaxtooya da maadaama uu ku meel gaadh ahaa markii hore waxaana uu ku guulaysta markale  madaxtinim ada oo uu ku helay cod aad u yar oo dhamaa 80 cod oo kaliya waxaana uu noqday madaxweynihii u horeeyay ee shacabku soo doortay iyoo asxaabtii kula tartamaysayna ay aqbaleen natiijadii codbixinta waxaa kale oo dalkani ka qabsoomay doorashooyinkii golaha wakiilada iyo deegaanka oo hab xor iyo xalaal ah u dhacay

Intii uu hayey Madaxweynihii u horeeyey ee lasoo dortay waxa uu dalku gaadhay horumar  dhinac yo badan leh sida taabo gelinta dumuquraadiyada oo si dhab ah u dhaqan gashay suggida  xuduud aha dalka kor u qaadida waxbarashada iyo caafimaadka

Waxaana xusid mudan in ay sanooyin dib u dhacday doorashadu isla markaana ay tanaasulayeen asxaabta dalkani ku waas oo hadafkoodu ahaa sidii aysan nabad gelyadu khalkhal u geli lahayn.

Isla sannadkan aynu ku jirno dalkan waxaa ka qabsoomaay doorasho xor iyo xalaal ah taas oo ay ku guuleeysteen mucaaridku isla markaana ay haneeyeen muxaafidkii waana markii u horeysay ee qaarada uu dhaco dalkani lagu arko madaxweyne lasoo doortay oo si nabadgelyo iyo  dumuquraa diyadi ku dheehan tahay isla markaana aanu dhiig ku daadan uu madaxweyne kale oo la soo  doort ay u bedelo taas oo kor u qaaday sharafta sumcada iyo maamuuska dalkan oo madaxda afrika qaarkeed ay ku tilmaameen in afrika ay qoruxi u soo baxayday waxaana sidoo kale si weyn u  ama anay deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan ras”iisal  wasaar aha dalka ingiriiska david camereon iyo wasiirka afrika u qaabilsan dalka maraykan.


Si kastaba ha ahaatee akharistoow dalkani waa jamhuuriyada Somaliland oo aan wali ictiraaf  buu xa ka helin beesha caalamka balse soo jiidatay indhaha Aduunka waxayna soo martay marxalado adag iyo dagaalo oo saameeyey dhamaan kaabayaashii bini aadamnimo dhanka kalena waxaa jira deegaano Somaliland ka tirsan balse aanay ilaa hada aanay gaadhin ciidamada qaranka  Somalila nd.


Guud ahaan marka la iskusoo wada xooriyana dalkani waxa uu ku talaabsaday horumar dhinacyo badan leh sida taabo gelinta dumuquraadiyada waxbarashada caafimaadka sal u dhigista  dhaqa alaha dalka maamul wanaaga nabad gelyada dardar gelinta warshadaha gaarka loo leeyahay iyo la dagaalanka budhcad badeeda iyo tahriibka




 




Qalinkii Wariye: Muuse Xasaasi
Timacade News Desk
Burco Somaliland
E mail:muuse190@hotmail.com
tel:2522 4350082