Guusha ''DAHAB-SHIIL'' Ha Ka Nixine Ku Naax Waa Inoo Wada Dane!
Waa wax dabiici ah in lib kasta
oo la gaadhaa jaadka ay doontaba ha lahaatee ay cariso damac yo ku
lidi noqda oo isku-daya inay hagaasiyaan, oo ay kala dhantaalaan ama
ugu yari carsho-carsheeyaan oo ay caris-qalaan, aawanida ay guushaa
timid ku kobcayso. Malahayga hadaana n seeganayn waxa maskaxda meel
dudrgsan ka biniinixaya hal-kudhiga Physics ahaa oo odhan jiray; ''
Walax kastaaba xooga ay ku socoto mid la mid ah oo caabiya ayaa ka
horyimaada''. Waa run!
Qorshayaal male-waal ah iyo hamo fidsan oo lagu najaxayo oo lagu
riyoodaa qofnaba kuma ya ra, nin kstaaba itaalkiisa maskaxda ilaahay
siiyay waa tuujiyaa, inta-badanse halka ay fikradu ku dhalato uunbay
hadana ku siqiirtaa oo masii tamriso. Sidaasi oo ay tahay, hadana
dadka qa ar-baa ilaahay suduuda hagaagsan cagta ugu ridaa oo uu
waafajiyaa tooduna u rumowdaa, k uwaasi waa kuwa wax kasta oo
aduunkan aan ku noolnahay macno ku leh, iyagu gacmahooda ku maleegay
ee uu maankoodu curiyay. Waa kuwa saamaynta iyo raadka ugu wayn ku
yeesh ay nolosheena! Bal qiyaas aduunyada oo sidii Ilaahay ku
abuuray uun ah oo aan wax bani-aad am sameeyay dusheeda saarayn,
sidee ayaa ay noqon lahayd! Kolaba tan haatan ina kulmisay ee
Kumbuyiirada leh ma ay ahaateen!
Taas ka sokow, tu yar oo fudud oo iska uun...ah bal ila eeg! Hadaan
shirkadaha lacagta diraa ji rin xaalada dadka afka-soomaaliga ku
hadlaa maanta sidee ayaa ay noqon lahayd? Kuma darin Awooda Eebe,
waxase aan marageeda ahay in dhibaato aan la koobi karaynin ina
haysan lahay d; Bal dhagayso; Waa 1991-92-kii waa xiligii dalka laga
xoreeyay maamulkii askarta ee dadka reer Somaliland ay ku soo
guryo-noqdeen dhulkoodii oo baaba' iyo burbur laga yeelay. Waa
markii qaylo-dhaantii ugu horaysay ee ka timaadaa dalkii ay si
aayar-aayar ah u soo gashay Qurbaha (Yurub, Usa iwm).
Inkasta oo dadka qurbaha joogaa xiligaasi aanu badnayn tiro ahaan,
dhaqaale ahaan-na aanu kobocsnayn hadana ninkii wax yar haysta ee
dir is-yidhaa ma helayn si fudud oo uu dadkiisii lac ag u gaadhsiiyo.
Waxyaalaha la samayn jiray waxa ka mid ah tusaale ahaan,
1; in la raadiyo cid bank-account ku leh dalalka carabta, Djibouti,
Itoobiya iwm, oo la yaqaan a ma lagaa wasdeeyo, oo lagu xawilo
lacagtaas kadibna aad rajayso uun in marka cidi meelahaa timaada loo
dhiibo lacagtaa oo loo geeyo dadkii aad u dirtay, 6 bilood iyo
dheeraad ayaa ay mararka qaarkood qaadan jirtay in lacagtaa la helaa!
2; Post-office-ka ayaa si qarsoodi ah inta cajalado lagu dhex-guro
loogu diri-jiray, mararka qaa rkoodna shaqaalaha Post ayaa heli
jiray oo lacagtaa waa la dhici jiray.
3; Dabadeed 1992-ka intii ka danbaysay, waxa bilaabmay xawaaladaha
oo aan sida haatan aad u cilmiyaysnayn, lacago dul-saar ah oo badana
waliba dadka ka qaadan jiray, ''waxa aanan wali iloobayn qiimo kale
oo mushqaayadooda ka baxsan oo labaad oo mar kasta oo aad wax
dirayso lagaa qaadi jiray oo ay ku magacaabi jireen '' Fax''!!! Waxa
taa ka darnaa xawaaladahaasi sald higyo badan kuma ay lahayn
meel-naba oo yabyab ayaa ay qudhoodu ahaayeen, waxana dhici jirtay
inad magaalo fog u safarto si aad lacagta ugu gayso ninka wakiilka u
ah xawaalada, ama uga qaadatoba, halkaana kharashyo kale oo dheeraad
ah iyo waqti badan ayaa ku khasaari jiray! Sidaasi oo ay tahay, waan
ugu abaal-haynay, waayo? waxii hore oo dhan ayay tani ka fududayd!
Waxaasi waa tageene haatan, halkeen xawaaladihii isla-maraynaa?
Waqtigan casriga ah ee On-line (internet) wax walba yihiin, kama ay
hadhin xawaaladuhuna ee dhankooda ayaa ay kala qabsadeen oo ay
waliba safka-hore kaga jiraan! Ilbidhiqsi ayaad meel kasta oo aad
joogto wax kaga diraysaa kuna helaysaa! Waliba-kharash yari! Sidaasi
oo ay tahay hadana, midbaa iyadu runtii ka soo mudhay kuwa kale oo
dhan, taasi waa xawaalada DAHAB-SHIIL!
Adeega hufan ee degdeg iyo amaano xafidaada ah ka sokow, waxa ay wax
aan cidi qiyaasi kar in ka gaysatay shirkada Dahab-shiil iyada oo
waxoogaaga kharashka ah ee macmiishu ay mush qaayada u siiso
quudhaysa oo dib ugu bixinaysa dadkeeda, horumarka dalalka
Soomaalidu ay degto, waxay ka qayb-qaadataa daryeelka dan-yarta,
kor-u-qaadista saxada iyo caafimaadka, wax-barashada iyo waliba ka
hortaga gaajada iyo macaluusha!
Marageedu taasi ma dheera oo waynaga maqala/ akhrina goor kasta,
shirkada Dahab-shiil oo dhistay ama gacan ka gaysatay halkaa iyo
halkaa.........Hadaba marka ay arini sidaa tahay ee qof-kastaa uu
arkayo sida ay shirkadaasi wax u wado ee wax ku oolka ah, ka
xagxaganayaa maanu ahayn uun nin Mehered-waayay? Arintan haatan
internetka ay ku faafiyeen qolyahan magacooda qariyay, wax sidaa u
buuran oo xog ah soo ma ay bandhigin, waxana aan is-leeyah ay waxa
ay daba-socdaan uun kooxahii awalba caaridi jiray shirkada
Dahab-shiil.
Isku soo duuboo waxa dhab ah in dheefta ay leedahay shirkada
Dahab-shiil noqotay mid loo si m an yahay oo aan wada
manaafacaadsano oo, hadii wax-yeelo soo gaadho ama car-qaladi ay ku
timaado shirkadaasi ay dhamaanteen ina saamayn doonto, mid u
shaqeeya shirkada oo mus hahar ka qaata iyo mid ku shaqaysta oo
lacag ka dirta ama loogu soo diroba!
''Gunaanadka; Dahab-shiil iyo qofkii kale ee wax-qabsabada ha lagu
naaxo guushiisa ee yaan laga nixin''!
Cali Cumar Xasan
|