Dhaqanka hal-karnimada iyo hal-adaygnimada leh ee lagu
yaqaano Dadka Reer Somal iland, dhaqanka xushmada
karaamada iyo qaderinta badan ee shacabka reer
Somaliland ku dhaq maan isla markaana asalka iyo caadada
u ah dadkeena kuma jirto ama ka mid maaha in qof ku noqdo
mid wejiyo badan oo maalin ba middab iyo muuqaal gaar ah
yeesha. Siddoo kale Raganimada, garashada,geesinimada,
go’aan qaadashada iyo weliba geed adaygni mada
ninnimo kuma jirto in aad noqoto qof sidda koorta geella
lagu xidho maalin ba qof tu nto.
Asluubta eddaabta iyo
weliba acmaasha diinta islaamka kuma jirto in qofku
noqdo jirjiroole wakhti kasta iyo goob kasta oo uu joogo
jaha wareer qofnimo daro ku dhaco meesha uu d an ka
leeyahay ama uu dan ka waayona markiiba laga garto
wejigiisa iyo hadalkiisa. Siddoo kale waxaa diinta iyo
dhaqankaba ka reeban in qofku noqdo mid la adeegsado oo
la dirto iyada oo aanu ku soconayn wax maskaxdiisa ka
soo baxay . Intaa aan soo sheegay waxay lidi ku yihiin
Diinta islaamka, Dhaqanka Suuban ee laynagu soo koriyey,
iyo weliba qofnimad a rag iyo dumarba oo masuuliyadi
weyni ka saaran tahay hagista iyo hormeynta nolosha bi nu
adamka. Haybada iyo hadimo araga dadnimo
indheergaradnimo, huga iyo sharafta shaq siyadeed ama
wadareed. Haddii intaas aan soo sheegay aad wada yeelato
ama qaar ka mi da yeelato waxaa hubaal ah waxaad tahay
mid nolosha ku qasaaray isla markaana ku saaq iday ama ku
qaribmey.
Balse suaasha is waydiinta lihi waxay
tahay qofku mays oggaan karaa in uu intaas aan soo
sheegay nadiif ka yahay? Jawaaabtu waxay yeelaysaa laba
dhinac? Marka hore qofku had dii uu dhaliishiisa iyo
goddalooladiisa og yahay wuxuu noqon karaa qof
damiirkiisa garasho nool yahay, iska markaana kala garan
kara xumadaha iyo samaha, waxaana dhici karta in
qofkaasi ka nabad gallo dabeecadahaas aan kor ku soo
xusay. Dhinaca kale waxaa jira qof intaas iyo in kale oo
ka badani ku rarran tahay kuna reeryeysan tahay balse
isagu isu haysta qofkii keli ahaa ee aduunka ugu aqoonta
garashada iyo kartida badnaa.
Qofka aan is xisaabin ama
is miisaamin samaha iyo wanaagiisa is dhinac dhigin kala
ogaan w uxuu ku suntan yahay qof wanaagiisa uun arka
waana ka aynu ka hadlayno ee wajiyada i yo muuqaallada
badan leh, is mahadiyaha isu boggay ama is jeclaadayba
isla markaana aan arkin dhaqankiisa qal qalooca iyo
jiirooyinka badan odhaahdiisa iyo aragtidiisa maalinba
me el u jeedo sidda oday geelii baay. Hadaba aan u
gonta dego toosin iyo tusmayn kooban oo aan doonayo in
aan si kooban ugu hoga tusaaleeyo Mr Ilka-jiir oo
sheegta Abwaan ama Su ugaanyahan belo ka dhacday, laakiin
shacabku markhaati ka yahay sugaanta iyo abwaanim ada
Ilka-jiir hab dhaciisa iyo hiddo raaca suugaaneed
halkana aan ka iftiimin doono si koob an.
Waxaan kale oo
si urursan idinku guud mari doonaa wejiyada faraha badan
ee Ilko-jiir mar ba mid xidho, kuwaas oo mararka qaar
Jaboutian noqdoo marar kalena
Somaliweyn u saca bka tuma,
muuqana Somalilander gaamuray isula muuqada. Aan ku
horreeyee Abwaanima da Ilko-jiir waa mid ku meegaaran ama
ku meersan erayo heeseed lagu liqaafay music-gan casriga
ah ee xilgan la isticimaalo DHUM IYO DHISTA, suugaanta
Ilko-jiir ma dhaafto inta a an arkay hees, mana gaadho
Geeraar,Gabay iyo Maanso macno leh toona, inta uu
sameeyo ee heesta ah lafteeda waxaad arkaysaa haddii aad
u fiirsato wax macno iyo milgo leh maa ha mana aha wax
murti iyo meeqaam suugaaneed leh, kuma jiraan hadalo iyo
erayo taaban aya ama saamayn ku yeelanaya qofka
dhegaysanya, waa haddal music loo tumay oo mark uu doono
xaraf raaca iyo qaafiyadaba ka baxaya, laakiin dadka
hadda jooggaa qofku haddii uu heeso sameeyo abwaan bay
ugu yeedhaan laakiin waxaa jira qof hees sameeya oo
mar ka abwaan loogu yeedho yidhaaha anigu ma ihi abwaan
raali ahaada.
Laakiin
ILKA-JIIR marka abwaan la yidhaaho
sacab ayaabu isu tumaa, ama isaga ayaaba is ugu yeedha
Abwaan! Abwaanimadu odho maaha eray eray u gee maaha
hees baan alkum ay maaha alif beeto tiri maaha isu wada
ek-kee maaha afka kala fur uun maaha anigeys la wacan
maaha umal iyo xanuun maaha iimaanka beel maaha
ujeedooyin kuu gara shilin urur si uun maaha hadba qof u
adeeg maaha sidda geel u olol maaha sidda ubad u ooy
maaha aflagaado tiri maaha reeraha abaar maaha eeddee
qabiil maaaha kaaga amuurtiisa iyo eel ka hooseeya afka
uun ka dhowr maaha;. Intaa iyo eraydaa kooban aan
ku dhaafo abwaani mada Ilka-jiir iyo
suugaanta uu sheegto
ee bilaa tayada iyo bilaa taabashada ah.
Imika bal aan
eegno Ilka-jiir iyo aragtisiisa qofnimo ee ku wajahan
mowqifkiisa guurguurka badan ee maalinba dhinaca u socda.
Ilko-jiir oo mar u heesayey
Madaxwaynaha Somaliland
intii uu ahaa Gudoomiyaha Xusbiga Kulmiye Dalkana uu ka
talin jiray Madaxwaynigii Horre M udane Daahir Riyaale
Kaahin, wuxuu yidhi :
waa nala siree Siilaanyo mee
Waa nala siree Silaanyo mee;
layaab iyo amakaag! Shalay haddii uu ilko-jiir siddan lahaa maantana wuxuu
yidhi; Dhan uun Daalin noo dhaaf
fajac !
Labadan xaaladood waxay sidda cadceeda inoogu
cadaynayaan qofnimada ILKOJIIR ee aan meel loogu soo
hagaago lahayn ee geediga maalinlaha ama saacadlaha ah
ku jirta. Bal hada ba aan is waydiinee Ilkojiir ma dhib
uu Madaxwayne Siilaanyo sameeyay oo SL geystay ay uu ka
damaqday mise waxaa jira arin cadiifadeed ama aragti
qabyaaladeysan? Haddii ay ta hay in Ilko-jiir Somaliland
u damqanayo oo ay dhibayso xumaan Somaliland soo gaadhey
bal u fiirsada Waraysigan uu Ilkojiir siiyey TV-ga
Universaltv isagoo Siyaad Barre u barroorana ya isla
markaana ka boodsan boholna ku riday
Halgankii
himiladdii Shacabka SL, siddoo ku hadlaya af wax cunay,
una janjeedha dhanka jabouti, Madaxwaynaha Jabouti Md
Ismaciil Cumar Geelle Amaanaya shacaka reer Jaboutina ku
boorinaya in ay ISMAACIIL CUMAR GEE LE doortan wuxuuna
yidhi ; Shacabka
reer jabouti
waxaan u sheegayaa
kula talinayaa in a anay weligood bedeelin
Ismaaciil
Cumar Geelle annaga ayaa madaxwaynahayagii
( Siyaad
Barre) Qalad ku erinaye! oo maanta aad na arkaysaane;
http://www.youtube.com/watch?v=zEZINrDl_g8. Halkan ka
daawada Waraysigaa.
Akhristeyaal markaad daawataan
Vedio-gan waxaad si dhib yar u ogaan doontaan qofnima da
maamuuska iyo qadiyada Ilkojiir. Ilkojiir qadiyadiisu
waataas Siyaad Barre
u barooranay sa,
waataas beenta iyo
waxba kama jirraan ka ka dhigtay
Halgankii
SNM ee
shacabka Reer Somaliland oo galleen ee
naf iyo maalba
loo huray, waataas, hiilka u noqotay
keli taliyihii
macangaga ahaa ee
dhiiga shacabka Somaliland daadiyey,
waataas caddayneysa in uu Ilko jiir
yahay qof aan ku
qanacsanayn wuxuu yahay isla markaana kalsoonidu ka
maqan tahay, waataas dafirtay dareenkii shacabka SL,
waataas
Somalilandernimadiisa ka dhigtay mid cal aamad suaal saaran yahay.
Waxaa kale oo vedio-gan aad ku dheehan
doontaan Mr Iko-jiir kuu ku dhawaaqaya Ilahay na ka
baryaya Midnimo Somaliyeed oo uu marka ula jeedo
Somaliland iyo Somalia, wuxuu yidhi
; reer
Jaboutiyow noo soo duceeya in ilahay dhibaatada naga
saaro siddoo kalena
mi dnino ( unity) na siiyo.
Mr Ilko-jiir wuxuu inkiray
doonistii iyo dareenkii Shacabka
Somaliland ee gunta aya u ahayd gooni isutaaga
Somaliland.
Waxaa kale oo
Mr Ilko-jiir ka dhawaajiyey in
llahay looga soo baryo in Somaliya ay dib u mid owdo isla
markaan loo duceeyo
midnimada Somalia wuxuuna yidhi
; Umada reer jabouti han oo soo ducayso in ilahay
dhibta naga saaro iyo siddoo kale in ilahay midnimo
nooga soo barya; isagoo u jeeda Somalia iyo
Somaliland dib oo middooba kuna ducaysanaya.
Wuxuu
Inkiray oo aasay gooni-isu-taagii Somaliland iyo
doonistii dadka reer Somaliland ee
98% d astuurka loogu
coddeeyey.
Gebogebo, Waxaan ku soo afmeerayaa iftiiminta
Ilko-jiir,
shacabka Somailandnow Iko-jiir waakaas!!!