Waa Maanso la magac baxday , Hammiga dhoofka

 

 

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan Timacade Groub,iyo Hawl wadeenada Sharafta naga m udan, iyo dhamaan reer soomaliland,Halkan waxaan kusoo lifaaqay maanso, la magac baxday      ( Hammiga dhoofka), sidaa iyo akhris fiican.

Waa mahad san tihiin



 

 

Anigoo halyayoo, Hooyaday agteediyo
Dhaafin hoos ka gurgoo, wali aan haraad qabin
Halkii aan jaleecda ba,Raaxo taal hareeraha
Huga kiisa qurux leiyo, Lay huro anfaco badan
Habeen kii hurdada gacal,Ka habsaamin gogoshii

*****

Anigoon hayaan kiyo,Wali hawlba lay dirin
Anoo heeryo culus iyo,Halis adag ba soo marin
Anigoo Hargaisaba , Hurin taw sarayn jiray
Halka raaxo gacal iyo Lagu hubo waanaagii
Xeraddii haldoor kiyo, Hidaha iyo dhaqan kii
Ayaamaha la hayb sado,Hurdan loogu wada jiro
Miyaan dhoof ka haybsaday, u huleelay meel adag

*****
Hanfi iyo kulayl iyo, halka laysu dhiba iyo
Wax I heera lay dirin,Hadh ka aan ka dheeraan
Hami waa baalyee, saw kii haatuf ii yimi
Hoos wax iigu yidhiyee,ka huleelay meeshii
markii aan hambaabiray,Hintisuhu naftii galay
Heeryo saaray guud kay,Hooygiina iga raray
Meel habeen ku dheer yahay, Halistuna ku badan tahay
Huruf low libaax iyo, Bahaluhu hor joogaan
Cidla tahay hareeruhu,Habeen iigu galay meel

*****

Halkii socod ku ila galay,loo hayaamay waa hore
Meel kulayl ku hodan yahay, Naxariisto halis tahay
Meel ka hoog tay garashoo,Hagar daamo badan tahay
Meel magacu hebel yahay, Muuquna higaad yahay
Meel hayb tu badan tahay,Qaran kuna habsaan yahay
Meel diintu hodan tahay, Dad nimana habaar tahay
Hindiga iyo gaal kaba , Meel heeryo loo dhigay
Meel aan haraad kiyo Halisto kaaba dheerayn
Sawtii aan hadh kii galay , Cidla Heer yadii dhigay

*****

Anigoo haraad qaba, Halis galay ayaamoo
Hibanyaa meel roon,aan ku reebo hawshii
Wax bay soo hiraayoon, Higsanaayo waayee
Meel reer ku hodan yaa, Usoo galay hayaan kee
Sahan halis I galiyaan, Hibanaayay waayoo
Awrkaan heryo saaraan, Hogaan gaw hayaaoo
Haybtii dhaqaalaan,Horseed keed ahayoo
Maan helin waxaan rabay,Haraad kina maan dhigin
Hodan kaygii baan nacay,Hammigaygi wuu lumay

*****

Nin ka soo hamiyayee, Dhoof ka soo higsanyoow
Halkaan maan ta jogee, Habeen iigu galay eeg
Naftaydii halawdaye, Halkii bay u magan tahay
Hamigii cuslaaye Halkee baan u rarayaa
Garashadi Habsaan tee, Halkii maxaa helay
Hidaha iyo dhaqan kii, Xaggeen magac ka helayaa
Heeryadi cuslaadee, Halkeen maan ta dhigayaa

*****

 

 

 

Abdulkhaliq Ali
S.Arabia