Waa Jibaadka Haweenka Laga Doonayo Marka Ay Guursadaan

 

 

 

Waxaa haweeneyda waajib ku ah inay ninkeeda daacad u ahaato una yeesho wax kasta oo uu ka da lbado, aan ka ahayn inay Eebbe ku caasido. Haddaba xaqqa uu ninku ku leeyahay naagtiisu waa wax aad u weyn oo haddii ayasan gudan gaarsiin kara Naar, hadday gudatana Janno ku geleyso.
Waxaa Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) laga weriyey inuu yiri: (Naag kasta oo dhimata ninke ed oo raalli ka ah, Jannaday gashaa). Waxaa la sheegay in ayaamihii Rasuulka (Sallallaahu calayhi wa sallam), nin safrayey uu naagtiisa amar ku siiyey inaanay ka soo degin dabaqa sare oo ay ku jirtay, isagoo aabbeheedna dabaqa hoose ku jiray. Dabeeto aabbihii baa bukooday, markaas bay Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) u dirtay dad si uu ugu oggolaado inay aabbeheed u soo degto.


Markuu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) ogaaday amarkii ninkeedana waxa uu ku yiri: (Ninkaaga hadalkiisa yeel). Aabbihii waa uu dhintay, say mar kale Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasa llam) amar weydiisatay, saa wuxuu ku yiri: (Ninkaaga amarkiisa yeel). Kolkii aabbihii la duugay buu S allalaahu Calayhi Wasallam ergo u soo diray ugu bishaareysa in Eebbe ugu dembi dhaafay aabbehe ed amarkii ninkeeda oy yeeshay awgii.


Waxa uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) yiri: (Naagtu hadday shanta tukato, bisha soonto, cambarkeeda dhawrto, ninkeedana amarkiisa fuliso, waxay gashaa Jannada Eebbeheed). Caaishah (RC) waxaa laga weriyey inay tiri: (Gabar baa Rasuulka Sallallaahu calayhi wasallam u timid, markaas bay ku tiri: Rasuulkii Allow gabar baan ahay la soo doontay, mana jecli guurka muxuu yahay xaqqa uu ninku naagtiisa ku leeyahay?. Markaas buu yiri: Hadday madaxa ilaa gondaha carun kaga yaal lee fid ku dhammaysana gudi kari mayso xaqqa uu ku leeyahay. Markaas bay tiri: Miyaanan markaa guur sanayn?, suu ku yiri: Mayee guurso isagaa kuu khayr badane). Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu yiri: (Naag baa u timid Rasuulka Sallallaahu calayhi wasallam, kuna tiri: Waxaan ahay naag madax-banna an ah, waxanan doonayaa inaan guursado, ee muxuu yahay xaqqa ninku?. Markaas buu ku yiri: Xuquuqda ninku uu ku leeyahay xaaskiisa waxaa ka mid ah in hadduu doono inuu u galmoodo iyadoo Rati dushii saaran aanay ka diidin). Riwaayad kale waxay leedahay: Ninku hadduu xaaskiisa u yeero haka yeesho, xitaa hadday Tinnaar muufo ku dubayso.


Haweeneydu waa inaanay guriga cidna wax ka siin ninkeedoon oggolayn, hadday saa yeeshana isna ajarkii buu helayaa iyana dembigii. Waxaa kale oo uu ku leeyahay inaanay soon sunno ah soomin isa goon u oggolaan, hadday soontana gaajo iyo harraad waxan ahayn ka heli mayso. Hadday guriga am ar laaan ka baxdana Malaaikta ayaa naclad ka deyn weyda ilaa ay guriga kaga soo noqoto ama ka t owba keento).


Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu yiri: (Haddaan qof ku amri lahaa inuu u sujuudo qof kale, naagta ayaan ku amri lahaa inay ninkeeda u sujuuddo, xaqqa uu ku leeyahay weynaantiisa aw geed). Waxa kale oo uu yiri: (Naagi waxay wejiga Eebbeheed ugu dhowdahay kolkay gurigeeda dhex joogto. Salaadda ay ku tukato gurigeeda daaraddiisa ayaa kaga fadli badan ta ay ku tukato Masjidk a, salaadda ay ku tukato guriga dhexdiisuna way kaga fadli badan tahay ta ay daaradda ku tukato, halka salaadda ay gogosheeda ku ag tukataa ay kaga fadli badan ta ay guriga intiisa kale ku tukato).


Waxaa iyana xuquuqda uu ninku ku leeyahay naagtiisa kamid ah, inay is daryeesho isna asturto iyo inay ka waan towdo weydiisashada wax aanu awoodi karin.
 

 

 

 

 

 

 

Bilan Cabdulaahi Muuse
bilan_sumuni@hotmail.com