WAR
SAXAAFADEED
Hargeysa (HWN) Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
iyo Wefti ga uu Hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka
Carabta, ayaa la kulmay Sheekha Xukuma Imaarada Raasul khayma,
Sheekh Sucuud Binu Saqar Al-Qaasimi ee Wadanka Isu-tagga Imaraadka
Carabta. Sheekha ayaa ogolaaday in ay Somaliland Imaaradiisa ka
furato Xafiis ka dib markii uu kulan qado sharaf ah la yeeshay
weftiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL, Muda ne Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) oo maal-mahanba ku sugnaa Wadanka isu-tagga Ima
araadka Carabta.
Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo uu sheekhu ku soo dhaweeyey 40
Mooto iyo Baabuurta u khaaska ah Martida kuwaas oo weftiga kaga
horyimid Duleedka Raasul Khayma. Waxa ay labada dhinac ka wada
hadleen qodobo ay ugu muhiim-sanaayeen Wax-wada qabsiga dhinaca
ganacsiga iyo dhinaca isu-socodka labada Dal.
Waxa kale oo ay ka wada hadleen Maal-gashi shirkado uu sheekhu
Abbaan ka yahay ama Oday ka yahay, ay Maal-gashi ka samayn donaan
Dalka gudihiisa oo ay u soo diranayaan aqoon yaha no daraasad ka soo
sameeya Xadiga ama Mugga Maal-gashiga ee ay shirkadahaasi ka samayn
karaan Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidii uu u sheegay Madaxda kale ama
Shuyuukhda kale ee Imaar adaha kale ee uu ka kooban yahay
wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxa uu sheekha u sheegay
in ay Somaliland soo dhawaynayso wax-wada qabsiga dhinaca dhaqaalaha
iyo dhinaca maal-gashiga oo ay la yeelato wadanka isu-tagga
imaaraadka carabta, Shirkadaha waa weyn ee ku sugan wadanka iyo
Ganacsatada waa-weyn ee Awood dhaqaale u leh in ay maal-gashato Som
aliland.
Madaxweynuhu waxa uu u faah-faahiyey in ay Xukuumada Somaliland u
fudaydinayso Xeerarka iyo Shuruucda la xidhiidha maal-gashiga ay
samaynayaan iyo Shacbiga Somaliland oo baahi wayn u qaba in ay
fududaato isu socodka ama Xidhiidhka Ganacsi ee shacbi ahaan iyo
Ganacsato ahaa nba ee ay la leeyihiin wadanka isu-tagga
imaaraadka Carabta, ayaa weftiga Somaliland waxa uu dedaal weyn ugu
jiraa sidii ay Imaaradaasi u Aqbali-lahaayeen Baasaaboorka
Somaliland ( Soma liland Passport ) waxaanay imaaradu noqotay
Imaaradii u horaysay ee toos u ogolaatay in ay Somaliland
Xafiis-yada ay ku leedahay Wadamada kale ay si toosa uga furato
Imaarada Raasul-khayba oo ka mid ah Wadanka isu taga Imaaraadka
Carabta.
Weftiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maalinta Salaasada ah ka Am-babixidoona
Magaalada Abu-Dabai iyaga oo u kicitimi-doona Wadanka Kuwait, iyaga
oo ka haysta Marti-qaad Rasmiya waxaanay Magaalada Abu-Dabai ka
raacidonaan Diyaarad Khaasa oo uu u soo diray Amiirka Wadanka
Kuwait.
Dhinaca kale Xubno uu hogaaminaayo Wasiirka Ganacsiga Somaliland
ayaa isla shalay waxay ku lan la yeesheen Ganacsato waa weyn oo ka
mid ah Shuyuukhda ka talisa Wadanka isu-tagga Ima araadka Carabta
kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Sheskh Saiid binu Xashari Al-magtuum oo
ah ganacsade wayn oo ka mid ah Ganacsatada Dubai ugu waa weyn iyo
Sheekh Maxamed Al-qaasimi oo ah isna Ganacsade weyn oo ka socday
Shariqa kuwaas oo ay kala hadleen ujeeddo la mid ah tii hore ee ay
kulamadii dhigooda ahaa la soo yeesheen oo ah mid la xidhiidha
maal-gashiga iyo kaalinta Dhaqaale ee ay ka gaysan karaan
Somaliland.
Waxa uu weftigu u sharaxay ganacsatada sida ay suurta galnimada ugu
tahay in ay maalkooda ku Aaminaan Somaliland iyo inay door weyn ka
ciyaaraan Maal-gashiga Somaliland iyo sida ay faaiido weyn ugu
leedahay shacbiga somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|