WASIIRKA HORUMARINTA DEGAANKA IYO REER MIYIGA SOMALILAN DR MAXAMUUD SICIID (GACAMAY) OO SAFAARADA SOMALILAND LONDON LAGUSOO DHAWEYEY....DAAWO SAWIRO


 


London (TNN)-Waxa booqasho gaaban ku jooga cariga Ingiriiska gaar ahaan magaalada London Wa siirka horumarinta degaanka iyo reer miyiga Somaliland, Dr. Maxamuud Siciid (Gacamay), Wasi irku waxa dhawaan kasoo kasoo kicitimay Somaliland isagoo ku jooga booqasho 3 todobaad ah, Waxa Wasiirku uu shalayto booqasho ku tagay Safaarada Somaliland ayku leedahaydalkan Ingir iiska gaar ahaan magaalada London wax safarkisa ku wehelinaayey qaar ka mid ah jaaliyada reer Somaliland ee degan magaalada London,

Waxa safaarada ku soo dhaweeyey Safiirka Somaliland UK Ambassador Cali Aadan Cawaale oo Wasiirka aad ugu mahadnaq booqashada uu wasiirku ku yimid safaarada.Safiirka Somaliland Uk wa xa uu ugahoreyn uga waramay xaalada guud ee safaarada iyo isbedelka ay ku sameeyeen intii xafiiska la balaadhiyey,sidasoo kale waxa uu Ambassador Cali uga waramay xaalada guud ee sh acabka reer Somalilland ee dalkan degan iyo dedaalka ay ugu jiraan sidii xafiiskan ay xidhiidh wac an u dhex mari lahaa shacabka reer Somalilandba. Waxa safiirku uu sheegay oo kale in xafiis kani uu wax weyn ka tari doono horumarka arimaha dibada iyo ictiraafraadinta Somalilandba isa ga oo ku tilmaamay in uu ku dedaali doono sidii uu xidhiidh wacan ula sameysan lahaa dalkan Ing iriiska iyo dhamaan safaarad aha dalalka kaleba. Safiirku waxa kale oo uu sheegay in uu dhawaan booq asho ku tagay safaarada Ethiopia isaga oo ka tacsiyadeynaayey geeridii ku timid Reysal wasaar ihii dalkan Ethiopia Melez Zen awi.

Wasiirka horumarinta degaanka iyo reer miyiga Somaliland, Dr. Maxamuud Saciid (Gacamay), oo isna hadalo kooban yidhi' waxa uu ugu horeyn mahadsanq usoo jeediyey safiirka Somaliland UK Ambassador Cali Aadan Cawaale iyo shaqaalaha xafiiska sida ay nosoo dhaweeyeen iyo qaar ka mid ahaa ja aliyada reer Somalilandba oo safarkiisa ku weheliyey,Waxa uu warbixin kooban uga waramay xaalad a guud ee dalku maraayo iyo horumarka dalku sameeyey oo uu ku micneeyey in ay meel wacan mar ayso, Waxa uu kale oo uu aad usoo dhaweeyey sida quruxda badan ee xafiis ka loo qalabeeyey oo uu ku micneeyey inay tahay safaarad wax weyn ka tari doonta ictiraaf ra adinta Somaliland iyo u a deegida jaaliyada reer Somaliland ee degan dalkan Ingiriiskaba,waxa u una bulsha weynta reer Soma liland kula taliyey inay xidhiidh wacan la yeeshaan xafiiskooda oo ay wixii talo ah iyo wanaagba la ga rab istagaan.

Wasiirka waxa la filayaa in dhawaan uu la hadli doono jaaliyada reer Somaliland ee degan Uk uga na warami doono arimo badan oo ku saabsan xaalada guud ee dalka iyo gaar ahaan wasaaradiisa dega anka iyo reer miyiga oo ah wasaarad aad u muhiim ah kana warami doono dhinacyo fara ba dan fad lan dhawaan ayaa meesha ay ka dhici doono la soo dhajin donaa waxa la idinka codsanay aa inaad kasoo qayb gashaan.
 

 


Xamse Axmed Salaan
London
xamse100@gmail.com